Wuxuu ahaa loolan adag oo da'yarta cardunka ah ay ku baratamayeen heerka aqoontooda iyo ka gudbista fasal ay muddo sanad ah dhiganayeen, marka wax lagu tartamana waxaa la fishaa in qof uun uu ku guuleysan doono, hase yeeshee barayaasha wax ka dhiga mandarasada Al-Sunna ee Cape ayaa la fajacay in kaalinta koowaad ey isla galeen 3 arday oo isku buundo ka keeney imtixaamkii kama dambeysta ee dhamaadka sanad dugsiyeedkii dhamaaday.
Yaxye Axmed Cabdi, Cabdiraxmaan Xaydar iyo Zakariye Sheekh Cabdullaahi ayaa kaalinta koowaad ka galay fasalka 3 aad ee mandarasada ugu sareeya waxayna kaalintaasi ku qaateen abaalmarino si weyn u faraxgaliyey iyaga iyo waalidkii dhalay, waxaa kale oo abaalmarino la siiyey 29 arday oo kale oo iyaguna kaalimo galay.
Natiijadani waxaa laga shaaciyey xaflad si heersare loosoo agaasimey oo ka dhacday daarta Som City Lodge ee degmada Bellville, Cape Town.
Jariidada Xog-Maal ayaa goobta ku waraysatay Macalin Cabdiraxmaan Ismaaciil oo ah shaqsiga dheemanka dhiiqada kasoo dhexsaara, isla markaasina ifinaya mustaqbalka ubaxa soo bilqaaya, Macalinka wuxuu idiin hayaa war aad ku faraxdaan, wuxuu leeyahay "maalinba maalinta ka dambeeysa ayay soo kordhayaan ardayda mandarasada soo galaysa, waxaanan ku rajo weynahay in sanad dugsiyeedka kan xigga in ay sii kordhi doonaan", ayuu yiri Macalinka oo hadalkiisu yahay mid u roon dhagaha Soomaalida ka walwalsan mustaqbalka ubadka ay qurbaha ku dhallaan.
Sida aan mararkale horey u tabiney, xaalada waxbarashada ubadka dalkani lagu dhallo ayaa sii hagaagaysa, iyadoo qoysaska iyo caruuraha dhalanaya ay yihiin kuwa sii kordhaya, Xog-Maal ayaa booqatay ugu yaraan 10 goobood oo caruur Soomaaliyeed oo tirro ah wax lagu barro, goob kastana tan kale waa ka rajjo iyo yididiilo baddantahay marka loo fiirsado calaamadaha hor u kaca ah.
Xogmaal
Shalay gaal, maanta islaam kala macaan, ka warayso abaayo Caasho?
Tirada dadka diinta lagu soo duwey ee shahaadada loo qabtey iminkana gacanta lagu hayo waxay ahayd 192, waxaa kusoo biirtey gabar iminka uu magaceeda noqonayo Caa'isha oo dukaan Soomaaliyeed shaqaalo ka ahayd, waxaa mahadaasi leh rabbi weyne, ka sokow waxaa iska leh Cabdi Calasoow Shabaqle oo soo dumey gabadhani walaasheen ah ee diinta ku cusub.
Cabdi Calasow waa mid ka mid ah milkiilayaasha biibito ku taala Bellbille, wuxuu waqti iyo juhdi dheeraad ah ku bixiyey sidii walaasheen Caasho uu diinta ugu soo duwi lahaa ugu dambeyntiina waa uu ku guuleystey.
dagaalka iyo dadaalka in dadka diinta la faarsiiyo ah, kali kuma ahan Cabdi Calasoow, waxaa warmaha iy seefaha galka oga baxsanyihiin ragga maamula xarun idil oo aanba howl kale qaban, waxaa la yiraahdaa Afrika Islamic Propagation Centre (Xarunta fidinta diinta islaamka ee Afrika) waxay xarunta gacnta ku heeysaa muslimiin ku dhow 200 qof oo dhamaantood diinta mardhow soo galay xaruntana ay soo islaamisey..
Sheekh Asad Maxamed Qodax waa madax xaruntani dadka lagu soo islaamiyo, Xog-Maal ayuu oga waramay hoowsha ay qabtaan, wuxuu sheegey in muddo 4 sanno ah, waxay xarumo ku leedahay Strand, Khalitsha, Stellenbosh iyo West Bank oo dhamaantood Cape Town ku xeeran, wuxuu intaasi ku daray in ay rajjo weyn ka qabaan in dad baddan oo kale ay soo islaamiyaan, Sheekh Asad xadkiisu waa cirka "his limit is the sky".
Xarunta dadku waa ay quudisaa, xanaaneysaa, qaarkood hoy ayay siisaa, barashada diinta ayaa isii dheer, waxay xafiis ku leedahay Bellville, xafiiska waxaa mudiir ka ah Profosoor Cali oo ah caalim iyo daaci islaam ah oo asal ahaan kasoo jeeda Simbabwe.
Sheekadani Caa'isho ay kusoo muslimtey waa mid cajiib ah, runtiina u baahan u kuurgalis, sida ay iyadu sheegtey kaliya waxa soo jiitey dhaqanka dadka ka agdhow ee ay la macaamisho oo wanaagsan, waxay barbardhigtey dhaqanka bulshadii ay ka timid, bal u fiirso haddii dhaqankaaga wanaagsan aad qof diinta kusoo galin karto oo aad ku jecliinsan karto, maxay kula tahay waxa ka wanaagsan ee ka sahlan ee aad diinta rabbi u samayn karto? waxaa haboon in lagu baraarugo in dhaqanka qof muslimka ah uu muraayad u yahay diinta islaamka.
Xogmaal
Buurta Naaso Habloodee ee K/Afrika, naas baa dheer!
Naasa hablood, goormaa kuugu dambeysey maqalkeeda? Ma is leedahay halkana waa ay ku taalaa?, wariye ka tirsan wargeyka xogmaal ayaa bishii hore socdaal ku maray meelo dalka ka mid ah, mid ka mid ah waxyaalihii ka yaabiyeyna waxaa ka mid ahaa buuro sidii naaso hablood u samaysan.
Waa 3 buurood, dadka dalka u dhashay waxay u yaqaanaan "three sisters" ama 3 gabdhood oo walaalo ah, buur kasta cirifka ugu sareeya ayaa u samaysan sidii naas gabdhood oo caaradiisa leh, waa goob loo dalxiis taggo, waxayna ku taalaa gobolka Western Cape, meel u dhaxaysa Wocestor (Wusdha) iyo Bluefontain.
Wuxuu wariyaha soo xasuustey buurihii naaso hablood ee gobolada waqooyi ku yaala, wuxuuna niyada iska xasuusiyey sida haddii magac u bixinta buurahani laga tallo galin lahaa uu markiiba usoo dhufan lahaa "naaso hablood".
Sawirka idin muuqda waa astaanta dowliga ah ee magaalada Hargeysa, waa labbo buur oo mataano ah marka kor looga jeedana u eg naasaha hablaha,
Xogmaal
"magacayga waxbo lagu cunni maayo"
"magacayga waxbo lagu cunni maayo", ereygaasi wuxuu noqdey mid si weyn usoo badanaya, nin hadalkaasi lagu yiri ayaa bisiyey jawaab layaab leh oo ah tan nagu kaliftey in aan maqaalkani qorno, wuxuu yiri "oo adiga maad magacaaga wax ku cuntid haddii magacaaga wax lagu cuni karro".
Ninkale oo ka mid ahaa rag mucaawino siinayayay dad Soomaaliyeed ayaa damcey in uu sawir ka qaado dadkii mucaawinada loogu soo dhiibey, kolkaasii nin ka mid raggii mucaawinada faraha baddan la siineyey ayaa yiri "war maxaad ii sawiranaysaa, miyaad I iibsan rabtaa?", kolkaasuu ninkiina yiri "maxaan ku iibsadaa, soow adigaan noloshaadii oo dhan laguu iibshey, mise wan baa tahay marka lagu iibsanayo?".
Dadka cilmi barista sameeya, gaar ahaan ardayda dhib weyn ayay ku qabaan dadka Soomaalida ah, arday ayaa iiga sheekeeyey dhibaatada uu kala kulmay Soomaali meel deganayd oo uu damcay in uu qoraalo cilmi baaris ah ka sameeyo, taasoo jaamacdiisa usoo dirtey, wuxuu igu yiri "marka uu qofka ku arko adiga oo feelal iyo buugaag watto marka koowaad dareenkiisa oo dhan adiga ayuu kula jirraa, marka xigga ee aad la hadasho wuxuu kuu eegayaa sidii adigii meerayaasha (Mars) ee cirka ka timid, marka aad magaciisa weeydiiso inta uu gadaal u boodo, dhabankana qabsado ayuu ku ornayaa, maxaad magacayga ku falaysaa, xittaa haddii aad istaqaanaan micno u samayn meeyso taasi mar haddiiba aad qoreysid magaciisa, waxbo kama uusan qabeen haddii si caadi ah aad u weeydiin lahayd, saacado ayay kugu qaadanaysaa in aad waxa aad dooneysey u sharaxdo, marka ugu dambeysa ayuu ku leeyahay, maya aniga ma gali karro hoowshaasiye ninkaas ka qor, markaasuu wali ninkii si shaki ku jirro ula hadlayaa isagoo iska dhigaya in uu ku caawinayo, ninkii kale ayaaba shaki kale qaadaya".
Ardayga oo hadalkiisa sii watta ayaa yiri "marka aad ka tagtid, qofkale oo malaha sheekada gadaal kasoo gaaray ayaa kii weeydiinaya waxa la’isku heeystey, markaasuu dhahayaa, war aniga magacayga waxbo lagu cunni maayo, aniguu sheekadaasi ii keenayaa, jaamacadbaan ka socdaa kuye, oo jaamacadu maxay magacayga ku falaysaa, in uu kusoo qaraabto ayuu doonaya".
Bal u fiirso, haddii isla ninkaasi u yimaado nin cadaan ah oo kamarooyin watta, magaciisana weeydiiyo, iska dhaaf magaciisa oo sedexane, xittaa abtirkiisa oo dhan ayuu u taxayaa, kolkaasuu leeyahay "war hebaloow ninkani u sheeg, magaceyga oo sedexan hasoo qoro iyo sawirkeyga, hadde yuusan ka taggin naaneesteyda waa "bocor katiitoow" u sheeg hadde intaas".
Soomaalida wallow ay wax bixinta ku wanaagsantahay caadi ahaa, haddane marka laga hadlayo danta guud kuma wanaagsana, haddii ay dhacdo iyo dadka qaar ay wax ku bixiyaan howl danta guud wax loogu qabanayo, labbo kalmadood haddii ay is dhaafsadaan qofkii danta guud u qumey, qofka wuxuu lasoo taaganyahay "war soow tan maalin kasta lacagta aan naga daldalataan, siddana wad iila hadleysaa", xittaa haddii uusan isaga waxbo bixin wuxuu ku manno iyo abaal sheeganayaa lacagta uu bixiyo qof ay qaraabo ama saaxiibo yihiin.
Waa ayo qofka ka bakhaylsan ninka aan ogoleyn in magaciisa uu qof kale wax ku hello, waase ayo qofka ka garasho gaaban qofka u malaynaya in magaciisa wax lagu heli karro isagoo og in xittaa haddii uu taggo isagoo nool aysan waxbo siineynin kuwa uu walaalkiisa ku leeyahay "magacyga ayaa wax lagugu siinayaa", dalkan ayaad timid halkeed ku aragtay qof wax ku siiya, in wax lagaa dhaco mooyee.
Guntii iyo gabogabadii, nin waxgaradka Soomaaliyeed ka mid ah ayaa taladdani gaaban idiin haya, ma doonayo in magaciisa la xusso, wuxuu leeyahaya "magacaaga haddii aad ugu baqayleysid si aysan magac xumo kuu raacin waa wax wanaagsan, laakiin miyaad ku fakartay waa maxay magac xumada ka weyn in danta guud aadan u maciinin, ma jirto wax afar adin iyo madax leh oo danta guud la yiraahdo, danta guud waa dadka isku danta ah oo waxtarkooda isku biiraya si ay u gaaraan hadaf ka wada dhaxeeya, nin magaciisa la bakhaylayana lagama filayo in danta guud uu wax ku taro".
Nolosha South Afrika, siliga ka dib
Akhristayaal wargeyska codka Soomaalida Koonfurta Afrika ku hadla ee Xog-Maal maanta wixii ka bilowda wuxuu idiin soo gudbinayaa qormo joogto noqon doonta oo aan ku qaadaa dhigeyno qisooyinka qabsaday dadka Soomaalida ah kadib markii ay siliga kasoo talaabeen, qormadani waxaan ku casuumeeynaa dadka Soomaaliyeed in ay sheekooyinkooda soo gudbiyaan si bogani loogu soo daabaco.
Waxaan ku bilaabeynaa qormo guud oo aan ku eegeyno waxyaabaha suurtagalka ah ee ay dadka la kulmeen.
Siliga kadib, saxariir iyo barwaaqo sooran?
South Afrika waa dalka kaliya ee qaaradani ku yaala ee leh micnaha dhabta ah ee xuduud ama soohdinta leedahay, dalalka kale soohdimahooda waa kuwa xariiq ah oo kaliya ama wadooyin lagu calaamadiyey, hase yeeshee K/Afrika iyadu talaabo dheeraad ah ayay ka qaaday xagga xuduuda.
Waa dalka kaliya ee Afrika ku yaala ee xuduudiisa silig ku xeendaaban, waliba silig xannan iyo xanaf dadka diirata leh oo ay adagtahay in si sahlan looga gudbo, laakiin siligani ma ahan mid celiya boqolaalka muhaajiriinta dalalkooda kasoo baxsanaya ee dalkani soo galaya.
Soomaalida waa mid ka mid ah muhaajiriintani sanandkasta iyo bil kasta kasoo talaaba soohdintani xeendaaban, marka uu qofka soo talaabo waxa markasta maskaxdiisa kasii guuxa rafaadkii uu siligani oga soo talaabay.
Qofka xabadka ayuu ku siqayaa, waa uu xamaaranayaa, jilbaha ayaa murxaya, jirkiisa waxaa xaganaya siliga, ma ahan howl sahlan si fududna laguma hilmaamo, laakiin qofka aanan dalkani horey u iman ee rajada baddan ay madax martay wax weyn uma arko rafaadkaasi waayo wuxuu rajaynayaa in xili dhow uu ka bogsan doono.
Qofka isaga oo dhuumaaleysanaya ayuu dalka soo galaa, kan ugu nasiibka wanaagsan wuxuu tagaa saldhig milatari oo laga siiyaa waraaq 14 maalmood ah oo uu dalka ku dhexmaro illaa uu xafiiska qaabilaada qaxootiga ka imanayo, gaari caasi ah oo muqalas uu watto ayuu soo raacayaa, marka uu Johannesburg cag soo dhigo muqalaska ayaa dhuunta wuxuuna isaga dhexmabaxaa ninkii darawalka ahaa iyo dadkii gaariga saarnaa, kolkaasii dadkii lagu sheegtaa lacag baddan oo aananba lagu lahayn.
Iyagu lacag ma heystaan, wixii qarash ahaana horey ayay usoo baxsheen, dhowr saacadood ayay afduub ahaan ugu dhexjirayaan caasiga dhexdiisa, kuwa qaraabada halkan ku leh ee taleefoonada heysta iyaga xaalkoodu waa uu sahlanaadaa oo waa laga bixiyaa waxa lagu sheegto, balse kuwa aanan dalka cidna ka aqoonin ayaa iyagu dhibaato la kulmaa, waxayna noqotaa in loo qaaraamo lacagta lagu leeyahay.
Dadka Johannesburg degen ma ahan dad jecel qaaraanka, mana ahan in ay bakheylnimo ka tahay, ee inka baddan 10 sanno ayay dad nooliga ka bixinayeen, u khaaraamayeen waliba si joogto ah oo maalin kasta, marka aad ayay u yaryihiin fursada in qofka lacag loo khaaraamo.
Marka qofka lacagta laga bixiyo, waxaa hortaagan qarashka jiifta iyo cuntada, waxa ugu weyn ee uu ka fikirana waa sidii uu shaqo u heli lahaa, haddii shaqada gobol fog loogu sheego sida inta baddan dhacda waa in uu helaa nooligii uu ku aadi lahaa, marka uu qofka rafaado dhowr maalmool oo darbidarbi noqdo ayuu helaa shaqo dukaan tuulo ku yaala.
Waa uu farxaa, waa uu nafisaa, neef ayaa kazoo booda, reerihii ayuu wacaa, wuxuu u sheegaa in uu shaqo heley, bisha tan xigtana uu biil u diri doono, bisha ugu horeysa wuxuu dajiyaa qorshihii sanadka oo dhan uu samayn lahaa, sida inta qol ee uu ka taagaya magaaladii uu kazoo tagay,. Gabadha uu guursanayo bilicdeeda iyo arooska uu dhigan doono wanaagiisa, gaariga uu ku socon doono, wuxuu qorsheeyaa dukaanka uu furan doono ama kan uu sheerka ama qeybta ku yeelan doono.
Qofka isaga oo dhan waa wadda rajo, caadaasi ayuu marayaa waanan faraxsanyahay.
Laakiin maxaa dhaca labbo bilood ka dib? Niyad jabka ugu weyn wuxuu qofka soo wajahayaa marka dukaankii uu shaqaalaha ka ahaa lasoo weeraro ee ama la dhaco, la dhaawaco ama qofba lagu dilo, ama intaasi oo kale ay ka dhacaan meel aan ka fogeyn, waxa kale oo niyad jabka ugu weyn u keena waa nolo xumada tuulooyinka taala, qofka qubeys ma helayo, raashiinka qof u karineysa ma lahan, nasiino ma helayo, hurdada waa ku yartahay, howsha waa culustahay oo waa mid daal iyo haraad baddan, naftiisa markasta halis ayay ku jirtaa, bulshada waa nin ka takooran oo dad ma arko kaligiis ayaa isla sheekeysta.
Qofka markasta wuxuu isku qancinayaa rajada uu ka qabbo shaqada uu hayo, iyo sida uu oga macaashi doono haddii uu si wanaagsan u shaqaysto, laakiin riyadaasi lafteeda ma ahan mid u rumowda si dhaqso ah, waxaana ugu wacan dhacdooyin baddan oo u baahan ka sheekeyn dheer.
Kuwa nasiibka leh waa kuwa ay dadka qaraabada ah ama walaalahood ah ay halkani kaga soo horeeyaan, shaqo diyaar ah ayay u tagaan, bilaha ugu horeeya kama walwalaan biilka reerihii ay kasoo tageen, daryeel iyo garab ayay howlaha ganacsiga u helaan, waxaad arkeysaa iyagoo billo gudahood ganacsi ku yeeshey, subaxa dambane gaari kaxaynaya oo ganacsi kala wadda, xaalada nolosha ee tuulooyinka iyo amaanka kala mid ayay yihiin dadka kale.
Kuwa ugu sii nasiibka baddan magaalooyinka ayay shaqooyin iyo gobo ganacsi ka helaan, ragani waxay u baddanyihiin kuwa lacago la yimid dalka oo ladan, iyagu sheekooyinka tuulooyinka maqal oo kaliya ayay ku tahay, waana iyaga kuwa aad qadka 24 saac ku arkeysid dadka Soomaaliya jooga u sheega in meesha ay nolol wanaagsan iyo ganacsi uu yaalo, waa gartood oo wali meeysan arag waxa dalka ka jirra.
FG: qormadani nolosha South Afrika, siliga ka dib waxay kugu casuumeysaa in aad sheekadaada la qeybsatid bulshada, adigoo qisada ku qabsatay oo kooban, waliba inta muhiimka ah Email noogu soo diraya xogmaal@hotmail.com , la soco cadadka dambe sheeko xiiso leh.
Xog-Maal, codka Soomaalida koonfurta Afrika
SASA iyo Nelson Mandela Foundation oo ka wada shaqaynaya mashruuc labbo sanno ah.
Hey’ada samofalka ee uu leeyahay haleeyeygii Afrikaanka ee usoo dagaalamay xoriyada dadka madoow ee Koonfurta Afrika, noqdeyna madaxweynihii hore ee isla dalkani Nelson Mandela iyo ururka jaaliyada Soomaalida dalkani ee SASA ayaa bilaabay mashruuc muddo labbo sanno ah soconaya oo ay si wada jir ah oga wada shaqaynayaan.
Todobaadkii hore maalintii jimcaha taariikhduna ku beegneyd 22 January, ayaa waxaa magaalada Johannesburg kusoo dhamaaday siminaar 7 maalmood socdey oo ay bixisey Nelson Mandela Foundation kuna saabsan sidii mashruuca looga howlgali lahaa, SASA siminaarka waxaa oga qeybgalay 5 xubnood oo ka kala yimid 5 gobol oo dalka ka mid ah kalana ah Gauteng, Mpulanga, Eastern Cape, Kwazulu-Natal, waxaa sidoo kale siminaarka ka qeybgalay 25 kale oo wakiilo hey’ado iyo ururo kale ka socda ah.
Wakiilada SASA waxay kala ahaayeen Qasse Habarwaa iyo Cabdiraxmaan Nuur oo eastern Cape ka socdey, Cabdiqaadir Axmed oo Kwazulu-Natal ka socdey, Magan Daahir oo Mpulanga ka socdey, iyo Abdull Hassam (Dr. Carte) oo Gauteng ka socdey.
Siminaarka waxaa lagu qabtay goob loo dalxiis taggo oo 40 km Johannesburg ka baxsan, waxaana lagu baranaya mashruucani oo ah wadahashiinta bulshoonka rabshadaha ka dhex dhaceen ee ajaaniibta iyo muwaadhiniinta ee dalkani, wuxuu socon doonaa 2 sanno, wakiilada SASA, Nelson Mandela Foundation iyo wakiilada ururada kale ayaa howlwadeeno ka noqonaya barnaamijka oo wali faahfaahintiisa aanan la shaacin, balse goobo cayiman ka dhici doono.
Mashruuca waa sal balaaran, wuxuu ka koobnaan doonaa cilmi baaris iyo kullamo wadareed loo qabto dadka muhaajiriinta ah iyo wadaniyiinta, iyadoo laga qeybgalinayo wakaaladaha dowlada gaar ahaan dowlada hoose iyo ciidamada amaanka.
Xogmaal
Siminaaro ka dhacay Johannesburg iyo P.E
Siminaar hal maalin ah oo lagu baranayay xirfada xogheynta iyo howsha xafiisyada ayaa lagu qabtay xarun madaxeedka ururka jaaliyada Soomaalida ee Johannesburg 22/01/2009.
Waxaa ka qeyb galay inka baddan 10 sargaal oo ka tirsan SASA kuwasoo qaarkood ka yimid gobolo kala duwan iyo qaar xarunta ka shaqeeya.
Mudane Qasse Habarwaa oo ka socdey xafiiska Jeffrey’s Bay (Eastern Cape) ee SASA ayaa Xog-Maal u sheegey in siminaarka uu ahaa mid mudaba ay sugayeen wax weyna kusoo kordhiyey xirfad ahaan.
Waa siminaarkii koowaad sanadkani ee ay SASA qabato, mid la mid ah siminaarkani wuxuu isagana ka dhacay 26/01/2009 xafiiska Port Elisaberth ee SASA.
Ururka oo howlihiisa iyo xafiisyadiisa ay sii balaaranayaan ayaa wuxuu ku guddo jirraa tabobarka saraakiil cusub oo bulshada u adeegta xafiisyada ka shaqeeysa.
Waalidiinta caruurta Soomaalida ee dhigata iskuulaadka dowlada oo laga cabanayo.
Hooyo Soomaaliyeed ayaa tagtay iskuul uu dhigto ilmaheeda oo 5 sanno jir ah, maamulada ayay u tagtay waxayna ku tiri "wiilkeyga ayaan raadinayaa", maamulihii ayaa ku yiri "ilmahaagu fasalkee ayuu dhigtaa?", waxay ku jawaabtey "garan maayo fasalkiisa". Maamulihii oo yaaban ayaa haweeneydii fasaladii oo dhan ku wareejiyey illaa ilmihii la helo xilli la daalay.
Maalin kale ayaa la’isugu yimid shir u dhaxeeya waalidiinta iyo maamulka iskuulka, waxaa kasoo xaadirtey 2 waalid oo Soomaaliyeed, caruurta Soomaalida ee dhigata iskuulkana aad ayay u baddanyihiin, maamulihii iskuulka ayaa u cowdey Cali Siciid oo ka mid ah saraakiisha jaaliyada isla markaasina caruurtiisa dhigato iskuulka oo ku yaala Johannesburg.
Maamulaha wuxuu ka cabanayaa waalidiinta oo uu wax layaab leh ku tilmaamay in waalidka uusan xittaa aqoonin fasalka uu ilmihiisa dhigto, taasina ay kasii darantahay in aysan kasoo qeybgalin shirarka iskuulka ka dhaca ee waxbarashada caruurtooda looga wada hadlo.
Cali Saciid oo Xog-Maal u waramay wuxuu leeyahay "cabashada maamulahani waa mid jirta, waa dhibaato u baahan in lagu baraarugo, laakiin sabab ayaa keeneysa, markii aan Soomaaliya joogney caruurta iskuulka umbaa loo diri jirrey warna lagama heyn jirrin xittaa in ay iskuulka tageen iyo inkale iskaba daa in la koontaroolee, halkani mas’uuliyada waa la kala qeeybsanayaa, macalinka doorkiisu waa marka ilmaha uu joogo iskuuka, marka uu ilmaha guriga taggo waalidka ayay tahay in uu shaqo-guriga kala shaqeeyo caawiyana, taasi waalidiinta Soomaalida intooda baddan waxaa ka hor istaagaya luuqada oo aysan aqoonin ama waxbarashadooda oo liitada, laakiin looma qiil samayn karro arrinta ah in aanan la iman shirarka caruurtaada waxbarashadooda looga wada hadlayo, taasi waa in lagu baraarugaa".
Waalidiinta Soomaalida hal mid ayay ku wanaagsanyihiin waana in ay caruurta geeyaan, kana keenaan iskuulka, sida qofka uu kuula taaganyahay umbaa la gaarayaa todobo sac, isagii oo orod is gadiyey ayaad arkaysaa oo ku leh caruurta ayaan iskuuka ka soo qaadayaa, sababtuna waxay tahay deegaanka lagu noolyahay oo aan ahayn mid amaan ah caruurtana aysan kaligood socon karrin.
Caawin la’aanta waalidiinta ee caruurta waxay keentey in caruuro baddan aysan aqoonin sida Afsoomaaliga loogu sheego waxyaalaha ay iskuulka kasoo barteen, gaar ahaan cilmiha seeyniska, tusaale ahaan ilmo halkan iskuul ka dhigta weeydii waxa Afsoomaaliga lagu yiraahdo (libratory), u malayn maayo in uu ku dhahayo "waa sheeybaar", haddii aad is weeydiineyso micnaha barashada Afsoomaaliga ay caruurta ku kordhineyso, waxaad maanka ku heeysaa in meesha ay wax u baranayaan ay tahay Soomaaliya oo aqoontooda ay kula laaban doonaan.
Waxaan la kulmey waalidiin ku faanaya in caruurtoodu ay luuqada English-ka ku hadlaan, iyadoo ay taasi tahay arrin sax ah, hadane Cali Saciid wuxuu ka shanqarinayaa in loo baahanyahay in caruurta Afsoomaaliga la barro si aysan u lumen.
Xuuraan: Wanaaga dadkeeyga, wax ka sheeg muddan
Waxaan ahay Soomaali, waxaan ka ahay ina Soomaali, mar kasta oo aan sii abtirsada waa aan sii Soomaaliyoobayaa, wax kastoo iga farcamana waa Soomaali, Soomaali kasii ah, haddii aad layaabantahay sababta aan Soomaalinimada ugu faanayo, walaal waxaan heeystaa kun sababoob oo aan ugu faanayo, haddiise aad ka mid tahay kuwa ookiyaal maddoow xiran ee xumaanta Soomaalida kaliya arkana sifooyinka aan soo tixi doono kuma qancin doonaane qoraalka aqrintiisa jooji, Fadlan.
Inta aadan meel kale u dalandoolin, ka bilow Soomaalidu waa islaam, illaahbaan kuugu dhaarshee miyeysan ahayn wax lagu faano? Soomaalidu waa hal jinsi oo fac iyo faracba wadaaga, af iyo dhaqanba wanaaga, dal iyo deegaan wagaaga.
Marka laga yimaado sifooyinkaasi dabiiciga ah, magaca Soomaali laftiisa ayaa wanaag ka turjumaya marka la fasiro, waa labbo erey oo isa saaran waa "soo" iyo "maal", marka la’isu keeno waa "soomaal" oo ah kalmada aad maqleysid haddii aad u martigasho reer miyiga yaala, kun koow bari waxaad joogtidba reerkaasi waa kuu caani lisayaan, sidaasi darteed Soomaaliya waxay noqotey dalka kaliya ee aduunka aan la’isu sahay qaadan, Raaskaanbooni illaa Raascasay, illaa Seylac iyo Harar qofka Soomaaliga waxa uu safrayaa isagoo bahal mooyee aan baahi ka baqayn, biyo la’aan waxay ka dhibtaba.
Marti soorka Soomaalida buugaag baddan iyo qoraalo baddan ayaa laga sameeyey, waxaana tusaale kuugu fillan adigoo fariista mid ka mid ah maqaayadaha laga cuneeyo ee meesha aad joogto ku yaala, kadibna hareerahaaga eeg, waxaad arkaysaa 5 nin oo hal saxan gacanta kula wada jirra xittaa qaado ma heystaan ee shanta ayay ku cunayaan, waxaan filayaa inaanan kansho u heynin ka sheekeynta sida ay arrintaasi ka yihiin qoowmiyadaha kale ee aan Soomaalida ahayn, adigana war baddan kuguma seegana.
Jaale Maxamed Siyaad Siyaad Barre, allaha ha u naxariistee, ayaa warfidyeeno ajaaniib ah weeydiiyeey sababta Soomaalida hal xabbo sigaar u wadda dhuuqaan, iyagoo u duurxulaya "Soomaaliya waa faqri", wuxuu ku jawaabay "waa jacayl ay isu qabaan", haddii aan fursad u heli lahaa waxaan weeydiin lahaa "dalkaaga dad ceeynkee ah ayaa ku nool?", shaki iigama jirro in oran lahaa "waxaa ku nool deeqsiyo iska difaacaya gaalo dawarsato ah oo doonaya in duunyadeena ay xeelad ku qaataan". Waxaan jawaabtaasi u malo awaalayaa, Jaale Maxamed wuxuu ahaa nin hadalka aanan gafin, mar la weeydiiyey su’aal ahayd "dalkaaga meeqa geed ayaa ku yaala" wuxuu ku jawaabay "mid odax leh, iyo mid aan lahayn".
Soomaalidu waa dad aaminimada ku wanaagsan, haddii qofka uu malaayiin doolar boors ku siddo, waxbo lama ahan in uu kugu yiraahdo "iisii hey waan soo laabanayaa, lacag ayaa halkaan ku jirta", muhiim ma ahan in qofka ku yaqaano iyo in kale, sababta uu sidaasi u yeelayana waxay tahay, isaga ayaa is yaqaana, sidii uu yeeli lahaa ayuu kaa filayaa, sheeko yar: nin reer miyi ah ayaa xoolo baddan keensaday seeylada, kolkaas ayaa laga gattay, lacagtii ayuu bac kusoo rittey, magaalada ayuu lasoo galay, wuxuu meel darbi ah kusoo maray nin darbiga ku tiirsan lugna u saarantahay, sigaarna cabaya, ninkii ayuu la hadlay kuna yiri "niyoow mysqul ayaan meelahani ka galayaaye lacagtan iisii xajji", wuu u dhiibey, wuuna tagay, markii soo laabtayba, maxaad ii dhiibatay ninkiiba ma joogo, ninkii reer miyiga ahaa maalintii oo dhan ayuu baadogoobayay nin sigaar u shidan oo dadka weeydiinayay "war nin darbi ku tiirsan oo afku dable ah ma aragteen", waxaan oga jeedaa sheekadani daacadnimada ku jirta ninka Soomaaliga iyo sida qalbigiisa nadiif u yahay, dadka miyiga waa tusaalaha koowaad ee Soomaalida loosoo qaadan karro marka laga hadlayo arrimahooda, waayo miyiga ayaan ka nimid.
Qoys kasta oo Soomaali ah waa taarij, olama jeedo in uu hanti baddan heeystaa, ee waa niyada, qalbiga ayuu taajir ka yahay, qoyska Soomaaliyeed ma faqriyo, wuxuu kaliya oo uu u baahanyahay hal qof in uu reerka ka shaqeeyo kaasi ayaa biilaya dad ka baddan 30 qof, dadka la biilayo waxay u arkaan in qofka biilaya uu waajibkiisa gudanaya, waayo waa sidii ay iyaga yeeli lahaayeen haddii ay shaqeeyaan.
Dawarsiga agtooda waa ka ceeb, waxaadna arkeysaa in suugaanta Soomaalida ay ka buuxaan gabayo dawarsiga lagu ceeynayo, magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya dadka dawarsada aad ayay ugu yaryihiin marka loo eego dadka danyarta ah oo mararka qaarkood aad is oranayso "malaha bangi ayaa guriga oga dhexqodan", qofka xaalkiisa wad ogtahay oo waxbo ma heysto, ma shaqeeyo, beer iyo bar ma lahan, haddane shaarkiisa ayaa u cad, wajigiisana waa dhalaalayaa.
Ninka Soomaaliga gar ayaa gasha, wixii gartaasi lagu gooyo ayuu ku qancaa, xittaa haddii aysan dantiisa ku jirrin, nin kasta nin qabto ayuu leeyahay oo looga ergoodo, ninkaasi qofka looga ergoodey marnaba gardarro garab kulama noqonayo,wax kasta oo dhacana wadahadal umbaa lagu dhameeyaa, waxaa lagu maahmaahaa "madax go’ay muraadaa ka adag".
Qof Soomaali ah meel uu ka dhowyahay cadow kugu diiran maayo, waa kii kuu hiilayaa habba laga tirro badnaadee.
Qofka Soomaaliga ah tallo weeydii, waa uu kula talinayaa, waliba si wanaagsan oo xikmadeysan, waxaa laga yaabaa in uu maahmaah kuugu darro.
Soomaalidu ma ogolo gumeysiga, waayo nin aabihiis gob ahaa, gumeysi ma ogola, ma liidi kartid qofka Soomaaliga ah waa uu ka dagaalamayaa, Sayid Maxamed Cabdille Xassan wuxuu yiri "rag wuxuu walaalow ku dhaama waan waayay", anigu waxaan leeyahay "wiil Soomaaliyeed waryaa lama dhahee, walaalow ku dheh", cadadkii hore wargesyka Xog-Maal wuxuu faafiyey sheeko ku saabsanayd rag Soomaali 3 ah oo ka baxsatay markab kumanaan dad la adoonsanayo ah lagu raray Cape Town sanadii 1950 kii, waxayna ahaayeen kuwa kaliya ee diidey in la adoonsado, waxaad qiyaasi kartaa waxa ay samayn karaan marka la geeyo halkii loo wadday, waa la dilayaa mooyee, ogolaan maayaan in ay madaxooda foorariyaan.
Institute of Security studies oo kullan caalami ah ka qabtay arrimaha Soomaaliya
Machadka daraasaadka amaanka ee dalkani ee luuqadaha qalaad lagu yiraahdo Institute of Security studies oo ah machad calaaqo la leh hey’adaha muqaabaraadka, xaruntiisuna tahay Pretoria ayaa qabtey kullan caalami ah oo looga hadlayay arrimaha nabbada Soomaliya.
Kullanka waxaa lagu casuumey barayaal jaamaceeded oo ka kala socdey jaamacado waaweyn oo aduunka ah, waxaa dadka la casuumey ka mid ahaa illaa 5 aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaa ka mid ahaa Jibriil oo madax ka ah hey’ada CRD oo xarunteedu tahay Xamar.
Waxaa ka qeybgalay madax ka socotey ururka jaaliyada Soomaalida ee SASA, Axmed Dalwo oo ah agaasimaha guud ee SASA oo hadlay ayaa yiri " Jibriil adigu Xamar ayaad degentahay, sidaasna wad u hadleeysaa, dadka aad ku sheegeyso argagixiso, waxay ka midyihiin jillayaasha nabbada aad u ololeyneyso, waadna ogtahay illaa xadka ay nabbada sugeen, nabbadana laguma gaaro in koox gaar ah la faquuqo, kuwa kalana la nasaho".
Waxaa goobta yimid qunsulka safaarada Ethiopia ee dalkani oo jawaab kulul kala kulmey Axmed Dowlo markii uu yiri "ciidamada Ethiopia in ay Soomaaliya nabad ka dhaliyaan ayay u tageen", Dawlo ayaa ugu jawaabay "adiga iyo Ethiopia waa in aduunka la’inka qabtaa, carqalad ayaadna nabbada Afrika ku tihiin, mana ahan in la’idunku casuumo meel nabbada looga hadlayo, marka laga taggo wax kasta UN-ka ayaa qaraaro kasoo saartey in eysan Ethiopia iyo Kenya ciidamo geyn Karin Soomaaliya, waxaas oo dhan intaad ka talaabsateen ayaad Soomaaliya u gasheen in aad xasuuq geeysataan, waan ku faraxsanahay in aad indhaha runta aragteen".
Dooda ayaa lagu soo hadal qaaday Somaliland oo uu mid ka mid ah aqoonyahanadii ka hadlay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Caateeye uu ku baaqay in maadaamaa Somaliland ay nabad tahay la aqoonsado.
Waxaa la’isku raacay in Soomaaliya ay joogto xiligii ugu dhawaa ee nabbada waarta laga dhalin lahaa, maadaamaa ciidamada gumeysiga ay ka baxeen, dadkii dowlada KMG kasoo horjeedi jirrey qaarkoodna lagu soo daray wadadhadalada.
Xogmaal
FG: Xog-Maal waxay idiin soo gudbin doontaa qormooyin xiiso leh oo ku saabsan shaqsiyaad kale, la soco cadadka dambe ee Xog-Maal.
Xog-Maal
Muxuu Qoray, Wargeyska Xog-Maal Todobaadkan (Aqri Qodobo Xiise Leh)
Wararka wargeyska xogmaal daabacaadiisa 5aad halkaan ka aqriso Waa wargeyskii ugu horeeyay ee ka soo baxa dalka K/Africa soona baxa bishii laba jeer,wageyska aya cadadkiisa 5aad ku soo qaatay warbixino xiiso badan. Hoos u aqri