
Waxaan lala yaabayn qof la dilo, gaar ahaan waayahan dambe xaaladda soomaaliya ay ku sugan tahay; waxaase yaab noqday wiilal yar yar oo afka duubtay oo loo adeegsanayo dilalka dadka loogu qaddarinta badan yahay ummadda dhexdeeda.
Waxaase taas kaba yaab badan shacabka soomaaliyeed oo aan marna ku guulaysan gacan ku dhigidda wiil yar oo intuu wax dilo xaafadaha asagoo loo jeedo dhex galaya, isla markaasna wax qiiro ah ama ficil ah aan ka muujin, iskaba daa daba-gal iyo raadraacba.
Waxaan Culumada Ahlu Sunnaha u dardaarmayaa inay is ilaaliyaan gaarna iska hayaan; waayo xaaladdu haddayba halkaas marayso taxaddarku wuxuu noqonayaa waajib.
Ilaahba Mahad Leh
Ahlu Sunnahaa Cirib-dambeed Wacan leh
Wa Sallallaahu Calaa Sayidinaa Muxammad Wa Aalihi Wa Saxbihi, Wa Sallim.
AbdulAziz, Garoowe, Puntland State, Soomaaliya...
Tacsi loo dirayo Dhamaan Eheladi,Qarabadi uu ka geeriyoday Sh: Xuseen Khaliif oo shalay...
Waxan tacsi u diraynaa dhammaan ehelada, qaraabada, iyo axbaabta Ahlu Sunnah Wal Jamaaca; ee ay ku timid geerida naxdinta leh ee Sh. Xuseen Khaliif. Waxan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisa saami wayn ka siiyo, intaan u tacsiyaynayna samir iyo