Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Xildhibaan Siciid Xasan Geedi

0
Monday February 13, 2017 - 16:11:44 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 3183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Xildhibaan Siciid Xasan Geedi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Janaraal Siciid Xasan Geeddi oo ahaa xubin ka tiran Barlamaanka cusub, maalmahan dambena ku xanuunsanaa magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Janaraal Siciid Xasan Geeddi oo ahaa xubin ka tiran Barlamaanka cusub, maalmahan dambena ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho.

"Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Siciid Xasan Geeddi oo kamid ahaa xildhibaannada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Siciid wuxuu ahaa shakhsi u huray naftiisa u adeegidda dalka iyo dadka isaga oo darajo sare ka gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana sabar iyo imaan uu ka siiyo.

AAMIIN” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Siciid oo ahaa xubin kamid ah guddigii difaaca ee Barlamaankii 9aad, waxaana markii ugu horreysay uu soo galay Barlamaanka Federaalka sanadkii 2012.


-----DHAMAAD-----

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip