Duqa Muqdisho oo maanta saxiixay buugg Tacsi oo ka furay safaarada sudan ee Muqdisho

0
Saturday October 20, 2018 - 18:13:00 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo maanta saxiixay buugg Tacsi oo ka furay safaarada sudan ee Muqdisho

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta saxiixay buugga diiwaangelinta Tacsida Madaxweynihii hore ee dalkaasi General C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) kaasi oo ka furan s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta saxiixay buugga diiwaangelinta Tacsida Madaxweynihii hore ee dalkaasi General C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) kaasi oo ka furan safaarada sudan ee Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Marxuum C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) ayaa dhawaan ku geeriyooday Isbitaal Mileteri oo ku yaal magaalada Riyad ee Caasimaada Boqortooyada Sacudi Carabiya halkaasi lagu daweynayay, waxaana uu soo noqday madaxweynihii 5-aad ee soo mara dalkaasi Sudan sanadkii 1985 ilaa 1986.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga tacsiyay shacabka iyo dowladda Suudan geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Marxuum C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab).

Safiirka Safaaradda Sudan ee Somaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa gudoomiyaha ka gudoomay dhambaalka tacsida, waxaana safaaradu ay sheegtay in buugaasi Tacsida marxuumka uu furan yahay maalmaha sabtida ,Axada iyo Isniinta saacadda 11 ka Subaxnimo ilaa 4 ta Galabnimo oo ka bilaabmaysa manta oo Sabti ah, waxaana buugga diwaangelinta Tacsida uu yaallo Xarunta safaarada ee Muqdisho.

Dowladda Sudan ayaa saaxiib dhaw la ah Soomaaliya, iyadoo ka taageerto dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan dhismaha ciidamada, waxayna sanad walba waxbarasho bilaash ah siisaa boqolaal arday Soomaaliyeed ah.
 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip