Wafdigii Xassan Sheekh oo gaaray Japan.

0
Thursday May 30, 2013 - 13:15:49 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdigii Xassan Sheekh oo gaaray Japan.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Japan, oo lagu wado inay uga qeyb-galaan shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo Jimcaha ka dhacaya magaalada Yokahama ee dalkaasi. Shirka wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Japan, oo lagu wado inay uga qeyb-galaan shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo Jimcaha ka dhacaya magaalada Yokahama ee dalkaasi. Shirka waxaa si wadajir ah u guddoomin doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Japan Shinzō Abe.
Shirka oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha, fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada, horumarinta adeegyada bulshada iyo xasilloonida dalka ayaa dhacaya maalin un ka hor furitaanka rasmiga ah ee shirka Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika (TICAD).

Japan ayaa ka mid ah dalalka soo celiyay xiriirka diblomaasi ee ay la lahaayeen Soomaaliya waxaana Danjiraha dowladda Japan u fadhiya Soomaaliya loo magacaabay Toshihisa Takata horraantii sanadkan.

Shirka Japan wuxuu daba-socdaa shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlay bishii May iyo shir kale oo lagu wado inuu Midowga Yurub qabto bisha September ee soo socota.
.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G8 oo ka dhacaya magaalada London 15-ka bisha soo socota ee June, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaali ah lagu casuumo shirka G8.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip