Xassan Sheekh oo wali wadahada la leh Uhuro Kenyata.

0
Wednesday June 05, 2013 - 09:22:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xassan Sheekh oo wali wadahada la leh Uhuro Kenyata.

    Iyada oo shalay galab uu madaxweynaha Soomaaliya soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa wali waxaa socda wadahadalla uu laleeyahay dhigiisa dalkaasi Uhuro Kenyata oo ay isla jeex jeexayaan wax ka qabashada arimaha cakiran ee labada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo shalay galab uu madaxweynaha Soomaaliya soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa wali waxaa socda wadahadalla uu laleeyahay dhigiisa dalkaasi Uhuro Kenyata oo ay isla jeex jeexayaan wax ka qabashada arimaha cakiran ee labada dalba khuseeya.
Sida uu xaqiijiyay afhayeenka dowlada Soomaaliya, Eng. Cabri Raxmaan Yariisoow, laga soo bilaabo imaanshihii wafdiga Madaweynaha ee magaalada Nairobi, waxaa socda wadahadallo xariir ah oo ay leeyihiin labada masuul ee Xassan Sheekh iyo Uhuro Kenyata.

Kulamadaasi ayaa waxaa lafilayaa in ay hor-dhac u yihiin kulan madaxweynaha Soomaaliya uu la yeelanayo Cabdi Raxmaan Faroole iyo siyaasiyiin ku feyshan oo uu kamid yahay hogaamiyaha Jabhadda Raaskanbooni oo halkaasi ku sugnaa.

Kulnakasi Xassan Sheekh uu la yeelan-doono Faroole, Axmed Madoobe, Gaandi iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo mid looga dhaadhiciyo kooxda kacdoonka wada in dalka Soomaaliya uu leeyahay hal madaxweyne loona baahanyahay in loo hogaansamo oo is-bar-bar yaaca laga tanaasulo.

Maalin ka hor waxaa Uhuro Kenyata uu aqalka madaxtooyada dalkaasi kula kulmay Faroole iyo siyaasiyiinta ku fikirka ah ee la soca kwuaas oo uu ku war-geliyay in xilligaan wixii ka danbeeya aysan suuragal aheyn fowdo iyo kala danbeyn la’aan looga baahanyahy in ay qaataan waxyaabaha kas oo baxa kulanka ay maanta oo Arbaca ah la yeelan doonaan madaxwynaha Jamhuuriyada Federal-ka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip