Duleedka magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa waxaa la sheegay in uu gaaray Xassan Daahir Aweys oo waayihii danbe kamid ahaa kooxda Shabaab kadib markii ururkiisii Xizbul Islaam si qasab ah lagu bur-buriyay oo lagu qasbay in uu Shabaabka ku milmo.
Dadka ku nool degmada Hobyo oo dhacda xeebta kuna jirta gacanta maamulka Gal-mudug State ee Cabdi Qeyb-diid hogaamiyo ayaa waxa ay mar qura ku soo baraaheen iyada oo duleedka magaaladaasi ay ku suganyihiin Xassan Daahir iyo maleeshiyaad uu ka soo kexeestay magaalada Baraawe ee gobalka Sh/hoose halkaasi oo uu ku sugnaa waayihii ugu danbeeyay.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Xassan Daahir uu halkaasi ku gaaray doonyo uu ka qaatay Baraawe iyada oo aan la ogeyn sababta keentay ka bixitaankiisa Baraawe iyo gaaritaankiisa Hobyo, hasa yeeshee magaalada uu ka tegay ee Baraawe ayaa waxa ka taagnaa maalmihii ugu danbeeyay dhiilla colaadeed ee u dhexeysa Shabaabka saraakiishooda arintaas oo hormuud u noqotay in kala fogaanshihii Shabaabku uu aad u baaho.
Kadib gaaritaankii Xassan Daahir iyo maleeshiyaadkiisa oo aan wali la sheegin tiradoodu inta ay la egtahay ayaa waxaa magaalada Hobyo laga dareemayaa qal-qal amaan oo aad u xooggan iyada oo laga baqaayo in ay is fara saaraan dagaalamayaashiisa iyo ciidanka gal-Muqud State.
Si kastaba lama oga waxa ay ku danbeyn doonto xaalada magaalada Hobyo halkaasi oo ay ku noolyihiin dad u badan kaluumeysato u jilaab taga badda aysanna u sahlaneyn in ay barakacaan.
Xassan Daahir Aweyd iyo ciidamada uu wato oo Hobyo gaaray.
Duleedka magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa waxaa la sheegay in uu gaaray Xassan Daahir Aweys oo waayihii danbe kamid ahaa kooxda Shabaab kadib markii ururkiisii Xizbul Islaam si qasab ah lagu bur-buriyay oo lagu qasbay in uu Shabaabka ku milmo.