Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen taagerayaal aad u fara badan iyo masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa soo agaasimey Xiriirka kubadda koleyga iyo wasaaradda horumarinta qeybteeda sportiga,waxayna ciyaarta ku bilaabatay dar-dar xoogan oo labada kooxood soo bandhigeen ciyaar wanaagsan iyadoo kooxda D/hoose ay ku gacan sareeyeen 20-kii hore ee kulanka oo lagu kala nastay 26 dhibic oo D/hoose & 6 dhibic oo Dekedaha lahaayeen.`
Kooxda kubadda Koleyga ee Dekedaha ayaa ku guleysatay koobka munaasabadda maalinta Xoriyadda ee 1-da Luulyo,markii ay garaaceen kooxda D/hoose (Manashiibiyo) ciyaar xiiso badneyd oo ka dhacdey garoonka 21-ka Oktobar ex-lugino degmada C/casiis.
Markii dib leysugu soo laabtay qeybtii 2-aad ee ciyaarta ayaa waxaa isbedel la yimid kooxda Dekedaha oo daadal xoogan ay sameeyeen ugu suurta gashay inay kusoo dhowaadaan dhigooda D/hoose ugu yaraan,iyadoo Macalinka D/hoose qaladaad uu sameeyey dhanka shaxda looga faa’ideystay,waxana 10-kii danbe ee ugu danbeysta dhacday in ciyaaryahan lagu magacaabo C/salaan Axmed guuleed oo Dekedaha ka tirsan halkaasi ka dhaliyey ilaa sadex jeer,oo 3 point ah sidaasina kulanka kusoo dhamaadey 47-41 oo ah 3 Jeesto oo ay guushu ku raacdey Dekedaha oo koobkii lagu gudoonsiyey munasaabada maalinta xoriyadda xafladii ka dhacdey garoonka banaadir.
Daawashada ciyaartaasi ayaa waxaa goob joog u ahaa,Agaasimaha Guud wasaarada Horumarinta Aweys Sheekh Xadaad, Agaasimaha wasaaradda Gadiidka dekedaha Cirka iyo Dhulka Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) Agaasimaha waaxda Ciyaaraha Saacid Axmed Cabdi (Bariyoow) Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Koleyga C/laahi Nuur Maxamed (Cadaani) Gudomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe xasan (Eenow) Gudoomiyaha XF ahna Xubin GOS Khabiir Sport Xaaji Maxamed Axmed Coloow, Xubin GOS Ibraahim Xuseen Cali (Roombe) Xisaabiyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Cali C/raxmaan daahir, Gudoomiyaha naadiga Sportiga Dekedaha C/raxmaan Ismaaciil Maxamed,Laacibiintii hore ee K Koleyga sida Maxamed Muuse,Mulki Nuur Muudey,Nasro eelay,Geediyo Cali Abshir iyo qaar kale.
C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com
Kooxda Kubada Koleyga Dekedaha oo ku guuleysatey Koobka 1-da Luulyo + Sawirro
Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen taagerayaal aad u fara badan iyo masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa soo agaasimey Xiriirka kubadda koleyga iyo wasaaradda horumarinta qeybteeda sportiga,waxayna ciyaarta ku bilaabatay dar-dar xoogan oo labada kooxood