Halgankii xag jirnimada ku dhisnaa ee Sheekh Xasan Daahir oo noqday Webi bacaad ku dhammaaday!!
- Visits: 1352
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Ex Colonel sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb galay dagaalkii Ethiopia 1977-kii , sanadkii 1986-kii ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in uu abaabul diineed ka dhex waday ciidamada xooga waxaana lagu xakumay dil toogasho ah iyadoo 1988-kii xukunkii dilka ahaa laga khafiifiyay looguna badelay xabsi daa’in , sanadkii 1989-kii ayaana lasii daayay.
Sheekh Xasan Daahir laga soo bilaabo burburkii dowladii kacaanka 26-kii Janaayo 1991 kii waxaa uu u sitaagay halgan isaga u gaar ah oo salka ku haya xagjirnimo diineed,ururka Al Itixaad ee uu hormuudka u ahaana wuxuu xarun ka dhigtay SHIMBIRAALE halkaas oo uu dagaalkii ugu horeeyay kula galay Colonel Cabdullaahi Yuusuf hase yeeshee dagaalkaasi waa lagu jebiyay.
Sheekh Xasan Daahir dagaalkaas kadib
Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose ayuu fariisin iyo dekad Macamal ka sameystay iyadoo mudo kadib isaga iyo kooxdiisa u gudbeen magaalada Luuq ee gobolka Gedo hase yeeshee dowlada Ethiopia oo il gaar ah ku eegeysay dhaq dhaqaaqa URURKII AL ITIXAAD ayey uur ku taalo ku noqotay fariisinka ay degmada Luuq ka sameysteen Sheekh Xasan Daahir iyo kooxdiisa , waxayna markii danbe ku soo qaaday dagaal ay kaga soo xaaqday magaaladaas sanadkii 1997-kii.
Dagaalkii dhex maray Al Itixaad iyo ciidamada Ethiopia waxaa uu horsed u noqday in uu abuurmo garab cusub oo ka jabay Al Itixaad kaas oo la magaac Baxay Salafiya Jadiid iyadoo xubnaha ururkani abuuray ay si cad u sheegeen in dagaalkaasi aanu jihaad aheyn ,waxaana abuurmay loolan xoogan iyo dagaal afka ah oo u dhexeeya labada urur kaasi oo intiisa badan ka socday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Shiikh Xasan waxaa uu sii waday halgankiisii labo jeer ayuuna dil ka badbaaday , dowladi Cabdi qaasim waxa uu Sheekh Xasan ka mid noqday 5- tii xubnood ee gudiga amniga Qaranka in kastoo aan la baahin magaciisa,maadama dowladii Cabduqaasim si weyn loogu tuhmayay Shakhsiyaad Xag Jir ah.
Shiikh Xasan Daahir Waxa ay rajadiisii dib usoo hinqatay kadib markii madax looga dhigay maxkamadii beeshiisa ee IFKA XALAN, iyadoo xiligii Maxkmadaha Islaamiga uu Noqday gudoomiyihii golaha Shuurada ( HOGAAMIYAHA RUUXIGA EE MAXKAMADAHA ISLAAMIGA ) inkastoo dad badan oo taageersanaa Maxkmadaha ay si aad ah ugu dhaliileen in uu mas' uul ka ahaa in Yuusuf Indha Cadde oo xubin sare ka ahaa Maxkamadaha uu si xor ah ku sii heysto gobolka Shabeelada hoose taas oo weji gabax ku noqotay Maxkamadihii Islaamiga.
Shiikh Xasan waxaa ka go’naa hamigiisa oo dhana uu isugu geeyay in uu dhiso dowlad Islaami ah oo uu madax ka yahay isagoo ku talaabsanaya wado kasta oo uu ku gaarayo arintaa, burburkii maxkamadaha islaamiga 2006 kadibna rajadiisii waxey noqotay mid madhaleys ah 6 August 2007 ayuuna ka dhoofay garoonka KAX INA BAAREY wuxuuna fariisin ka dhigtay magaalada ASMARA ee dalka ERITREA , 22kii July 2008 Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu noqday gudoomiyaha gudiga fulinta ee isbaheysiga dib u xoreynta soomaaliya kadib markii urukaasi labo garab u kala jabay.
Sheekh Xasan sanadkii 2009 ayuu Muqdisho dib ugu soo laabtay wuxuuna dadka magaalada oo dareemaya jawi degenaasho kadib markii ay ciidamadii Ethiopia dalka ka baxeen ku furay dagaal cusub oo dhiig badani ku daatay, inkastoo sanadkii 2011 ururkiisii XISBUL ISLAAM lagu qasbay in uu ku biiro ururka SHABAAB wuxuuna Sheekh Xasan Daahir lumiyay awoodii siyaasadeed iyo tii ciidan oo uu lahaa mudo21 sano ah iyadoo dhibaatada culus ee dagaaladu ay AL SHABAAB iyo XISBUL ISLAAM huriyeen dusha kaga dhaceen beesha uu ka dhashay ee HAWIYE.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xaalad shiiqsanaan ah in mudo ah ku jiray ayuu waagu ku baryay kadib markii isaga iyo rag ay isku aragti ahaayeen uu hogaamiyaha AL SHABAAB Axmed Godane amray in la khaarajiyo waxeyna Sheekh XASAN dantu ku khasabtay in uu 22-kii June 2013 uu doon kaga soo baxsado magaalada BARAAWE kadib markii 19-kii iyo 20-kii June 2013 la dilay Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaan Ibraahim Afgan iyo Cabdi Xamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan Macalin Burhaan.
Sheekh Xasan Daahir Aweys 22-kii June 2013 ayuu gacanta u galay maamulka Xubin iyo Xeeb waxaana 29-kii June 2013 lagu wareejiyay dowlada Soomaaliya wuxuuna noqonayaa hogaamihii ugu horeeyay oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee AL SHABAAB oo gacanta lagu dhigo waxaanse gaba gabadii leeyahay HALGANKII DHEERAA EE XAG JIRNIMADA DIINEED KU DHISNAA EE SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS 23 SANO KADIB WUXUU NOQDAY WEBI BACAAD KU DHAMAADAY.
QALINKII QORAA SARE.
Muse Mohamed Osman
muusekiimiko@gmail.com
muusekiimiko99@hotmail.com
Halgankii xag jirnimada ku dhisnaa ee Sheekh Xasan Daahir oo noqday Webi bacaad ku dhammaaday!!
Ex Colonel sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb galay dagaalkii Ethiopia 1977-kii , sanadkii 1986-kii ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in uu abaabul diineed ka dhex waday ciidamada xooga waxaana lagu x