Tan iyo curashada dowlada Cusub ee Soomaaliya ee garwadeenta kayihiin Madaxweyne Xasan, Rw, Saacid iyo Gudoomiye Jawaari ayaa waxa guda iyo dibad ba si weyn usoo dhaweeyay Shacabka Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah siyaasyiintooda.
Madaxda Dowlada Cusub oo sida muuqato meel iska dhigay qilaafaadki hareeyay madaxdi ka horeesay ayaa dhanka kale waxa ee 22-sano kadib ku guuleesteen guulo siyaasadeed oo dibada iyo gudaha haba ugu weynaadeena kuwa dibada iyadoo taasna in badan oo shacabka ee ku keentay yadadiidlo wanaagsan, suurana galisay in qurba joogti ka maagtay dib ugu laabashada dalkooda ee markale niyo uheleen in dibu dhis iyo maalgashi ka sameeyaan gudaha wadankooda.
Guulahaas oo ka dhigay mid aan la dafiri Karin ayaa waxa indhawaalaba isasoo tararayay mucaaradad xoogan oo kadhan ah dowlada curdanka ah kuwaasi oo ee wadaan siyaasyiyiin magac kudhax leh bulshada kuwaasi oo siyaabo kala duwan looga jawaabay aragtidooda, aan ku dhisneen toosin ee duminta ah.
Dhamaan waxa is biirsaday cid kasta oo wax ku tuhmeesay dowlada curdanka ah ama sida ee rabtay aan loo wajahin xaalad markaas ee si gaar ah udaneenayeen ee ahaan danaha shaqsi ama kooxeesi .
Dowladda badan oo hore tuhuno looga qabay ayaa durba shaki lagula cararay iyadoo dhanka kalena siyaasyiin Soomaaliyeedna la saaray calaamatu su’aal.
/>Xogta warbixintaan wadato oo ah mid taxane noqon doonto dhinacyo badana aan ku taaban doono ayaa qormadeena manta waxa kusoo qaadan doonaa qorshe halis badan oo sida xanta kusoo gaartay shabakada Warsheekh jecleesatay in aqristayaasheeda la wadaagto.
Mashruucyada lagu bur burinayo Rajada Dowladeena Cusub iyo niyada shacabkeena u ooman nabada iyo kala dambeenta ayaanu aheen waxa dal qura ama dad qura ee wadaan hasa yeeshe waa sil silooyin is bar bar yaacayo hasa yeeshe qormadeena manta waxa ku daah fureena mashruuc cusub oo iminka Muqdisho iyo hareeraheeda ka bilowday lagana cabsi qabo inuu kufido deegaano kale oo soomaaliyeed kuwaasi oo nabad iyo kala dambeyn kajirto.
Mashruucaan cusub ayaa waxa hogaankiisa haya dowlada Dalka Talyaaniga, oo kamid ahaan-shaheeda Midowga Yurub kasukow ee tahay dalka gumeestay dhulka Konfureed ee Soomaaliya ee loo yaqaano Itaaliya Soomaaliya.
Dowlada Talyaaniga oo in mudo ahba day dayeesay meel ee ka shuuqisio Guulaha siyaasadeed ee dowlada curdanka ee Soomaaliyeed, iyadoo dadka qaar saska Talyaaniga ku macneeyeen dadaalka xoogan ee Boqortooyada Ingiriiska galineeso siyaasada Soomaaliya oo 22-sano wax miisaan ah kulaheen.
Talyaaniga oo in badan lagu tuhmayo fowdadi la degtay dalkeena Soomaaliya mudada 22-sano, ayaa iminka waxey abaabuleeysaa qorshe cusub oo halis ah taasi oo la doonayo in lagu wiiqo nabada iyo xasiloonida soo kordheysa ee Muqdisho .
Tan iyo inta gacanta dowlada uu galay Sheekha Caanka ah ee Sheekh Xasan Daahir oo taariikh dhinacyo kudhax leh bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa soo if baxay guux badan oo siyaasadeed oo dhinacyo kala gadisan ka imaanayo hadii ee ahaan laheed Mid Kooxeed, Mid Qabiil iyo Mid Soomaalinimo.
Bulshada wada guuxyadaani oo asal ahaan kala gadisan ayaa hadana waxa iminka soo if baxay hadal heyn culus oo la xiriirto in dowlada Talyaaniga ee markale dooneeso iney abaabusho ama hubeeso Kooxo diimeedki bur buray ee Maxaakiimta iyagoo durba mashruuc dib u aruurin ah ka bilowday magaalada Muqdisho.
Ma ogtahay Aqristow in magaalada Muqdisho ee iminka ka socdaan mashruuc dib loogu qorayo askarti katirsanaan jirtay Maxaakiimti bur burtay ee uu hogaamin jiray madaxweynihi dowlada kumeelgaarka ee Sheekh shariif.!!!
Masa ogtahay in lacago xad dhaaf ah magaalada Muqdisho lasoo galiyay taasi oo hadal heynta ugu badan lagu tuhmayo dowlada Talyaaniga iyadoo askarigi ama sarkaalki katirsan dowlada ee hore u ahaa Maxaakiimta loo balan qaadayo lacago ka badan tan iminka mushaar ahaanta usiiso dowladiisa Soomaaliyeed.!!!!!
Aqristoo arinta kale ee murugada ayaa ah in mashruucaani ee sidoo kale ee halbowle uyihiin meel marintiisa siyaasyiin miisaan kudhax leh hay’adaha dowlada hadii ee ahaan laheed Baarlamaanka, Xukuumada, Ciidanka iyo Garsoorka.
Kooxdaani ayaa sidoo kale waxa lagu tuhmaya amaan xumida maalmahaani kataagan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyagoona fashil toos ah kuwada had iyo jeer qorshe walba oo ee xukuumada Soomaaliya kasoo diyaariso amaanka Muqdisho.
Mashrucaan dhabar jabinta ku ah dowlada dhaawacayana boogta shacabka Soomaaliyeed ee 22-sano loo la’aa dhayida taasi oo ka dhigeyso in markale la doonayo dalkeena in la galiyo fowdo iyo kala carar, sababa Colaad baahsan iyo Gaajo dadkeena markale usahasha iney udhintaan, waxyaabo dunida inteeda badan laga cirib tiray oo ee ka gudubtay.
Bisha Ramadaan Fadligeeda waxa eebe ka baryeena in umada Soomaaliyeed qalbigooda isu soo dumo kuwa fowdada iyo bur burka nala maagana eebe naga qabto.
Lasoco Qeybaha Danbe.
Wixi Talo ah noogu soo dir E-mail: qubanaha@hotmail.com
“Sir Culus”: Mashruuc Halis ah oo Muqdisho ka bilowday .
Tan iyo curashada dowlada Cusub ee Soomaaliya ee garwadeenta kayihiin Madaxweyne Xasan, Rw, Saacid iyo Gudoomiye Jawaari ayaa waxa guda iyo dibad ba si weyn usoo dhaweeyay Shacabka Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah siyaasyiintooda.