Meydadka Tahriibayaal Soomaaliyeed oo Bada Liibiya Soo Tuftay

1
Wednesday July 30, 2008 - 11:32:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka Tahriibayaal Soomaaliyeed oo Bada Liibiya Soo Tuftay

    Allaah Unaxariistee in ka badan Toban meeyo Meydad Soomaali Tahriibayaal ihi ayaa waxa soo caarisay Badda Dalka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah Unaxariistee in ka badan Toban meeyo Meydad Soomaali Tahriibayaal ihi ayaa waxa soo caarisay Badda Dalka Liibiya.


Tahriibayaashani ayaa horaanti Isbuucaan aynu ku jirno  dooni ay wateen ka shiraacatay xeebaha laga raaco doomanka Macmalka ah ee Dalka liibiya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Doontani marka ay usocotay dhanka bada ku dhawaad Sadex Saacadood ayaa waxa buuxiyay Biyaha Bada oo kasoo galay qeybo badan oo ka tirsan Doonta maadaama ay yihiin doomanka la raaco kuwo aad uliito taasna ay sababtay in ay kiido ama degto doonta iyo wixi Saarnaay oo Naf iyo Maal ahi.

”48 Saacadood ayaan bada dusheeda kusoo dabaalanayay waxana iigu war dambeesay Dadkii doonta ila Saarnaa iyadoo qaarna ay bada liqday, qaarna ay Gobalada Doonta ay ku dhagan yihiin, tiro lix qof ah oo aan kamid ahaa ayaan isku daynay in aan si dabaalasho ah inaan kusoo gaarno xeebta  taas oo markii iigu war dambeesay ay iyagana iga hareen mana sheegi karo in ay dhinteen iyo in ay nool yihiin”, Sidaana waxa yiri mid ka mid ah tahriibayaashi saarnaa doonidaan degtay oo isaga si naxtin leh uhadlaayo isla markaana hadalkiisa aan degneen.

Sida dhacdo had iyo jeer wax gurmad ahi ma helaan Tahriibayaashaani masaakiinta ah marki ay la kulmaan Masiibooyinka Ceynkaan oo kale taas oo ka dhigtay in ay ku maashoobaan Bada udhaxeeso Liibiya iyo Italy.

Wararka ayaa ilaa iyo Caawa isasoo tarayaan qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Tahriibayaasha doonta la degtay taas oo ka dhigeeso Masiibadi ugu Ba’need tan iyo Horaanti Sanadkaan kolki ay furantay xiliga bada oo ay ka tilaabeen Tiradi ugu Badneed ee tahriibayaal Soomaali ah taas oo dhiiro galin iyo Isbiimeen unoqotay Bulsho badan oo baqdin badan ka qabtay in ay ku maashoobaan badani.

Hadaba Shacabka Soomaaliyeed oo marki horeba la daalaa dhacaayay Dhibaatooyin Bur bur iyo Dagaalo qarankii heesta ayaa hadana waxa ugu sii darmaya had iyo jeer in ay ku baaba’aan Badaha iyo Saxaraha ay had iyo jeer ku tahriibayaan iyadoo shacabkii Noqday qaar ku haligmay Dagaalada, iyo qaar ku le’day Macluul kasoo gaarto Xabsiyada ay daadsan yihiin taa oo iminka ay usii wehlineeso ku Maashoobida Badaha .

Hadaba Bahda Shabakada Warsheekh waxee tacsi Tiiraanyo leh udireesaa Dhamaan ehelka iyo Qaraabada ay ka geeriyoodeen Tahriibayaalkani Soomaaliyeed iyadoo Alle uga baryeen in uu ka waraabiyo Janadii Fardowsa Ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Iimaan Kasiyo . 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip