Waxaa beryahan isa soo tarayo kullama isdaba joog ah oo dalka dibadiisa loogu qabanayo shakhsiyaad ay mar soo martay fursada hogaaminta dalka Soomaaliya laakin intooda badan ku hungoobay maareynta hawlihi loo xilsaaray iyo hawlihi looga fadhiyay in ay si wacan u fulin doonaan,
Waxaa beryahan isa soo tarayo kullama isdaba joog ah oo dalka dibadiisa loogu qabanayo shakhsiyaad ay mar soo martay fursada hogaaminta dalka Soomaaliya laakin intooda badan ku hungoobay maareynta hawlihi loo xilsaaray iyo hawlihi looga fadhiyay in ay si wacan u fulin doonaan, shakhsiyaadkan uma muuqdaan geddigood kuwa isku fikir ah ,mana ahan sida dad badan oo xog ogaal u ah hab-dhaqanka siyaasiyiinta soomalida ay tilmaameen dad isku ujeeda ahaan karo marka laga sal guuro deegaanada ay ka soo jeedaan iyo siyaasadaha is diidan ee deeganadooda.siyaasiyiintan ma ahan kuwa taageera buuran ku dhax leh bulshada ay ayaga isleeyihiin waa heli kartaan taageeradooda si aad mar kale ugu soo noqotaan masraxa siyaasada Soomaaliya.
Waxaa intaas ka daran ma ahan kuwa iyaga isdoontay ama ay isu keentay dan mideyso ama dan ay ugu daneynayaan danta guud ee ummaddan oo ay dhinac walba uga keenkeeneen siyaasiyiin faashil ah oo ka maagan maxaa ka maqan dadkan ay danahooda mas'uulka ka yihiin iyo casrigan ma yahay casrigi hoos la isugu sheegi karay wax dadka kale ka qarsan.
Kullamadan runti waxaa fadhi u ah Kenya iyo dowladaha deriska la ah Soomaaaliya oo iyagaba ku jahwareeray qaabki ay meel isugu keeeni lahaayeen Soomaliya oo nabad ah iyo iyaga oo danahooda ka gaara dalkaas khasaara la'aan . danta Kenya ay ka leedahay shakhsiyaadkan magacooda uu buux dhaafshay wejiyad hore ee mediyaha geeska afrika beryhan ma jirto cid aan garan Karin iyo ujeedada ay isugu doondooneyso in ay meel wada fadhiistaan shakhsiyaad aan isku siyaasad ahayn haddii ayba jirto siyaasad iyo mabda'a loo yaqaan shakhsi-ahaantooda. Waxaa yaab iyo amagaag ah shakhsiyaadkan badankooda waxay wadanka Soomaliya ka soo qabteen xilal waaweyn oo gaarsiisan ra'iisalwasaare,wasiir,xildhibaan ,iyo u tartamayaal madaxtinimada ummdda Soomaliyeed, geddigoodna waxay u muuqdaan kuwa ka xishoon waayay in ay ka soo dhax-muuqdaan waxyaaba sharaf dhac u keenayo shakhsi-ahaantooda iyo dalka ay ka soo jeedaan maadaama ay ka soo qabteen xilal waaweyn oo mudan ixtiraam gaar ah.
Waxaasa dhinaca kale isweydiin mudan maxaa ku soo aadiyay waqtigan oo ay Soomali heshay dowlad aan ku meel gaar ahayn,iyadana jawaabta waxay u muuqataa in ay dowladahan Kenya iyo itoobiya ay ka soo hoos dhalatay qorsha ka duwan xisaabkay in badan ka soo shaqeynayeen iyo dowlad ku dhaqmeyso xisaab aynan horay taladooda ugu darsan kana ay taliyaan madax ugu yaraan fahmay cadawgooda yuu yahay laakin aan si u fahmin qaabkee la isaga celin karaa cadawgan iyada oo la gaaro dowlada Soomaliya oo ka taliso dalkeeda si buuxdo oo madax-banaan iyo iyada oo laga dheeraado fursad siinta dowladaha deriska nala ah in ay gacan xoogan ku dhax yeeshaan dowlada Soomaaliya mustaqblka dhaw iyo midka fogba.
DFS waxay guulo waaweyn ka soo hoysay siyaasada dibada ,laakin siyaasad kasto oo dibada ah oo guul laga soo hooyo waxay faa'iido la imaan kartaa haddii siyaasada gudaha ee dalka lagu dhaqo la timaaado guul taa la mid ah ama ka sareyso, tanna ma dhicin waayo madaxda dalka ama DFS waxay ku dhaceen ama ku fashilmeen balaarinta la tashiyada iyo hawlgelinta siyaasiyiin badan oo cudur ku ah siyaasada gudaha haddii waqtigan dhegaha laga ooto,tan macnaheeda ma ahan in la aqbalo soo dhaweynta ruux hinji ah oo hoos kuu jiidayo laakin ujeedada waa aamusinta muusiba kasto inta laga gaarayo waqti ku haboon oo laga reebi karo tareenka horumarka aad rabto in aad ummaddaada u horseedo haddii aynan adigaba lug kuu laabneyn sina aad ula mid tahay kuwi kaa horeeyay ee ku fashilmay in dalkaan iyo dadkiisa ku hogaamiyaan jid aan mugdi ahayn oo lagu gaari karo Soomali oo la soo noqoto ku dhaqanka sharciga iyo kala dambeyn iyo cadaalad ku dhaqan.
DFS waxaan ugu baaqeynaa in ay siyasadeeda gudaha wax badan ka bedasho khaasatan dhinaca amniga oo ahaa kan ugu horeeyo ajandayaasha ay la timid oo ay dooneyso in ay wax ka qabato, haddii aan amni iyo nabad la helin lama gaarayo wax horumar ah.
Waxaa kale oo aan si cad farta ugu fiiqeynaa kulamada ka socdo Nayroobi iyo caasumada kale oo ku yaal geeska afrika waxaa fududeyntooda fadhi u ah amni xumada, dilalka qorsheysan,qaraxyada iyo weeraraada subax walba laga soo sheegayo magaalada Muqadisho gaar ahaan iyo guud ahaan dalka oo dhan,madaxweyne Xasan Shikh Xamar oo nabad ah waa cadawga ummaddeena kiisa gudaha iyo kan dibada.
Ka imaw hawlaha kale ee la imaw amni iyo in aad nabad buuxdo ku soo dabaasho deegaanada ay dowlada federalka Somaliya ka taliso, waxaa hubaal ah in aaadan maqli doonin Nayrobi iyo Addis Ababa ayaa ka jiro fadhi dowlada looga soo horjeedo ama dalka Soomaaliya, haddii aadan yeelina ku tasho in aad sanad kale ku sii fadhineyn kursiga Soomalida, taasna adiga iyo taariikhdaada oo kaliya cadaw kuma ahan oo waxay cadaw ku tahay ummadda Soomaliyeed, waxayna abuureysaa in ay gaabiso rajada laga qabo in Soomali mar kale dib ula soo noqoto haybadoodi dowladnimo, waxayna fursad balaaran u tahay danaha dowladaha deriska nala ah wallow ay dhinaca kale hubaal tahay in ay ayagana guuleysan karin haddii aan la helin Soomaliya oo nabad ah, tan naf'ahaanteeda annaga waa noo khasaaro waayo waxba nagama gelin burburkooda ee waxaa annaga noo dan ah Soomaliya oo nabad ah.
Soomaaliya xagee ku socotaa, Nayroobi shirqool, Kismayo muran, Puntland dacwo, Xasan Shikh Dam jadiid?!!
Waxaa beryahan isa soo tarayo kullama isdaba joog ah oo dalka dibadiisa loogu qabanayo shakhsiyaad ay mar soo martay fursada hogaaminta dalka Soomaaliya laakin intooda badan ku hungoobay maareynta hawlihi loo xilsaaray iyo hawlihi looga fadhiyay in a