Tababarka K/Cagta caruurta yar yar oo Muqdisho ka furmay + Sawirro

0
Sunday August 18, 2013 - 17:18:36 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababarka K/Cagta caruurta yar yar oo Muqdisho ka furmay + Sawirro

    FIFA ayaa markii u horeysay muddo 20-sano ah Soomaaliya ka bilowday tababarka aasaasiga ee la xiriira horumarinta iyo xirfada Isboortiga, iyadoo ilaa sodon tababarayaal Muqdisho uga socdo tababar uu bixinayo Khabiir ka socda FIFA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FIFA ayaa markii u horeysay muddo 20-sano ah Soomaaliya ka bilowday tababarka aasaasiga ee la xiriira horumarinta iyo xirfada Isboortiga, iyadoo ilaa sodon tababarayaal Muqdisho uga socdo tababar uu bixinayo Khabiir ka socda FIFA.
Xiriirka K/cagta Soomaaliyed ayaa ku guuleystay in Soomaaliya loo soo wareejiyo tababaradii ay FIFA bixin jirtay oo ay ugu dambeysay 1986-dii, iyadoo la soo saarayo caruur da'yar ah.

Macalin ka socda FIFA oo u dhashay dalka Seychelles ayaa Siminaar la xiriira duruusta Isboortiga siinaya ilaa 30-macalimiin, kuwaasoo tababari doono soona saaraya jiil cusub.

Tababarkan oo bilowday 15-kii bishan ayaa maalintii u horeysay lagu bilaabay ilaa lixdan caruur oo da'dooda u dhaxeyso 8-sano jir ilaa 12-jir, kuwaasoo la siinayay xirfado kala duwan sida orodka, xeeladaha kubada loo qaato iyo xirfado kala duwan.

Caruurtan oo laga soo kala xulay degmooyinka iyo Iskuulka ayaa qorshuhu yahay in mustaqbalka la helo caruur soo koreysa (Junior), waxaana Kubada loo barayaa sidii dugsi hoose oo kale.

Gudoomiyaha Xiriirka K/cagta Soomaaliyed Cali Saciid ayaa sheegay in fursadan ay tahay mid qaali ah, isla markaana Soomaaliya markii u horeysay muddo 27-sano ay nasiib u yeelatay in dalkeeda lagu qabto tababarada ay bixiso FIFA, bacdamaa markii hore lagu qaban jiray dalka Jabuuti.

Cali Saciid ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid cusub oo hada la keenay, isla markaana Kubada cagta laga soo bilaabo doono heerka hoose, gaar ahaan sidii dugsi hoose oo kale.

Khabiirka FIFA ka socday oo lagu magacaabo Ulric Mathiot ayaa da'yarta kula dar daarmayay inay sameeyaan dadaal, karti, isagoo kula talinayay in ay soo qadeeyaan ama wax ay soo cunaan shan saac ka hor inta aanay tababarka imaan.

Mr Ulric ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in isagoo Soomaaliya joogo inuu tababarkan qabto, isla markaana FIFA ay u xilsaarto Tababarkan ama Siminaarada la xiriira horumarinta Isboortiga.

Garoonka Conis Stadium oo uu ka socday tababarkan ayaa waxaa uu u muuqaal ekaa sida garoomada caalamiga oo kale, qeyb ka mid ah waxaa ka socday dayactir, sidoo kale waxaa garoonka lagu beeray cooska ama rooga, waxaana marka uu dhamaado dayactirka lagu wadaa in Garoonka la furo.

.

yar isboorti (9) yar isboorti (15) yar isboorti (14) yar isboorti (7) yar isboorti (12) yar isboorti (6) yar isboorti (11) yar isboorti (5) yar isboorti (10) yar isboorti (3)


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip