Shirkii Addis Ababa oo saacadaha soo socda la soo gabagabeynayo

0
Monday August 26, 2013 - 11:09:10 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Addis Ababa oo saacadaha soo socda la soo gabagabeynayo

    Iyadoo wadahadalo adag oo lagu xalinayo ariimaha Jubbooyinka ay maalmahan uga socdeen magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya dowlada Somalia iyo maamulka Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe wadahadalkaas la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo wadahadalo adag oo lagu xalinayo ariimaha Jubbooyinka ay maalmahan uga socdeen magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya dowlada Somalia iyo maamulka Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe wadahadalkaas la soo afmeero. Iyadoo wadahadalo adag oo lagu xalinayo ariimaha Jubbooyinka ay maalmahan uga socdeen magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya dowlada Somalia iyo maamulka Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe wadahadalkaas la soo afmeero.
Wararku waxay intaa ku darayaan in labada dhinac wadahadal iyo ismari waa daba dheeraaday ka dib ay isku afgarteen dhamaan qodobadii laga wada hadlay marka laga reebo hal qodob oo labada dhinac ay u saareen guddi isku dhaf ah oo ka soo talo bixiya.

Qodobbada ay dhinacyadu isku raaceen ayaa waxaa ka mid ah in maamul cusub loo sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kaasoo lagu magacaabi doono Jubba, uuna si guud u hoggaaminayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe)

Maamulkan ayaa yeelan doona 3 ku-xigeen iyo sadex gudoomiye gobol oo uu dusha ka maamuli doono Axmed Madoobe, iyadoo meesha laga saaray guud ahaan maamulkii Jubbaland ee lagu dhisay shirweyne lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa sheegay in lagu heshiiyay dhaqaalaha ka soo baxa dekedda Kismaayo in loo qaybiyo saddex qaybood oo qayb ka mid ah ay qaadanayso dowladda Soomaaliya, qayb kalena maamulka cusub ee loo sameynayo saddexdan gobol iyo qaybta 3aad oo adeegyada bulshada gobolladaas dib loo gu hagaajinayo, hase ahaatee qodobka la isku mari waayey ayaa noqday cida lagu aaminayo ee maamuleysa dekeda iyo garoonka Kismaayo.

Wararku waxay sheegayaan in ugu dambeyntii xalay labada dhinac ay arintaas u saareen guddi isku dhaf ah oo ka soo talo bixiya cida maamuleysa labadaas goobood, iyadoo dowlada Itoobiya oo dusha kala socota wadahadalkaas ay talo ku bixisay in maamulo wadajir ah loo sameeyo hase ahaatee lama aqbalin illaa hadda.

Qaar ka mid ah xubnaha ka qeyb galay shirkan oo si hoose ula hadlay dayniile.com ayaa sheegay in haatan la xaliyey inta badan qodobada ugu adkaa ee laga dooday ayna ku rajo weyn yihiin in shirka maanta gelinka dambe la soo xiro, lagana soo saaro qodobada ay labada isla saxiixeen inkastoo ay sheegeen iney soo bixi karaan caqabado aan la ogeyn oo laga yaabo iney dib u dhac kale abuuraan.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip