Duulaankeey amxaarada wadeen iyo doqonti soomaali,waataan difaaciisa ahaa diiday damacoodii,darajo nabad aan ka doortee iyo xornimada taal maanta,in aan doonida wada saaranahay bal aan shariifka u sheego,in aan nabad diid anheeyn iyo qaran in aan yeesho,shareecaan ku baayacay shariif iyo shaqalo waaweeyne,halka nabada loo raray miyaan lagu ijaaboobin,abaal dhac ma fiicnee mawaan ubax naloo beerin,agoontii shuhadada miyaanan shirwalba laga sheegin ,darmo laba cidood kuma filnee bal aan shriiffka u sheego,Maquustihii ragbaa( N.Cade ) sahansadoo siibtay haragiise,hana daayo ruuxaan qalbiga daahir ka aheeyne,ee maxaad ugu abaal gudi ragii siibtay haragiisa,in aan doonida wada saaranahay bal aan shariifka u sheego.
Waxaan soo xusuusatay gabay uu tirayay Cabdulle Raage (Ilaah ha u naxariistee mar hada laga joogo 40 sanno) xiligii kacaanka,kaas oo loogu magac daray Duqa Haloo Sheego gabaygaa waxaa u1u ka tarjumayay cadaalad xumida kacaanka uu ka dhex abuuray umda somali iyo sida uu Cabdulle Raage ugu dhiiraday in Siyaad Bare uu ahaa nin aan u sineeyn dadka balse sadbursi dheeri ah siiyo reero qaas ah,dagaalkii 77 markii laga soo noqday waxaa dalacaad la siiyay saraakiill halka qaar laga qadiyay xaqii eey lahaayeenwaxaan maqaalkaan qalinka ugu qaatay waxaa eey tahay Shariifka ma simi doonaa kuwii dalka difaacay iyo kuwii alalaaska iyo gumaadka xabashiga ku farxsanaa lana safnaa ciidamadii huwanta ee amxaarada.Cabdulaahi Afrax Aasbaro iyo rag faro badan oo aan ku waaynay dagaalkii xabashida ku soo qaaday dalka hooyo ma noqon doonan kuwa si sahal ah loo iloobo mise waxaa eey geli doonaan taariikhda somali ee gumeeysi diidka ah sida Maxed Cabdulle Xassan iyo Axmaed Gureey iwm.
Dhanka kale xagee taariikhda ka geli doonaan ragii dalka ku soo hogaamiyay cadwgii soo jireenka ahaa ee xabashida dalkeena hooyo ku soo horkacay sida Maquuste,Geedi,Gacmadheere,Maxed dheere,Dabageed sow ma mudna in taarikhda loogu dhigo caruurta dhalan doonta iyo kuwa hada jooga waxa eey ahayeen iyo sida foosha xumeed eey u isticmaaleen awoodii dalka ayaga oo sheeganaya xilalka ugu sareeyo dalka, waa Ilaah mahadii in shacabka reer Muqdisho eey dhagahooda ka raaysteen Xuubsireed,Daahir dheere,al-azhari,maxaed dheere iwm
Dhiiggii Shuhadadii naftoodii ku waayey xoraynta dalkan,dadka iyo diinta waa eey ka qiimo badan yihiin wax walbo oo jira. caruurta somalia waa waajib in la baro laguna qoro buugagta dugsiyada dhexe iyo sare dhamaan dhacdadii gumeeysiga iyo duulaankii foosha xumaa ee Maquuste iyo Gabre hormuudka ka haayeen.Ha la soo ururiyo dhacda walba oo taariikhda gali karta dhamaan inta gobol ee uu gumeeysiga ku habsaday iyo waxii laga dhaxlay,Cadawga waa u farriin marwalba,Shuhadadiinna waa u duco marwalba iyo xussuus adag, somalida waa u baroor diiq xusid mudan,somalidana waa u sharaf, umadana waa u badbaado taariikheed.
Skeekh Shariif waxaan lee yahay waxaad ku fadhidaa kursigii shuhada dhiigooda eey u hureen una daadiyeen ka xoreeynta dalka,dadka iyo diinta huwantii ku soo duushay dalka maaha wax sahal ah xusuusnow in inta difaaca u istaagtay ee amxaaro kula dagaashay caasimada iyo gobolada duulaanka lagu qabsaday in eey mudan tahay in la qiimeeyo,laguna sharfo camalkii wanaagsanaa ee dalka u qabteen.waxaan ku leeyahay:
Waajibaadka Dowlada
1) Badbaadi qofwalba
a) Naftiisa b) Maalkiisa c) sharfiisa d) Diintiisa e) Cirdigiisa ,intaas ayaa shareecda ugu horeeysa in laga bilaabo.
2) Safaaradaha somalia ee caalamka in aad wax ka bedesho.waayo Maquuste waxaa uu geeystay qofwalba oo u adeega gumeeysiga Ethiopia iyo asag,marka waa muhiim in aad dib u fiirisaa waxna aad ka bedeshaa.
3) Dalka waxaa weli jooga danbiila yaal dagaal,waa fiicnaan laheeyd in aad oofiso balankii Jabuuti ee ahaa in maxkamad la soo taago cidwalba oo dambi ka gashay umada somali.
4) Waxaa la lunsaday 5 sanno ee Maquuste hayay dalka lacago aad u faro badan waa waajib in aad raadiso magacaawdana gudiga dabagalka qaranka si loo baaro waxii uu lagusaday Maquuste iwm.
5) In aad soo dhaweeyso cidwalba oo diidan nabada uguna caqli celiso in nabada eey tahay furaha wada hadalka.
6) In aadan ku shaabadeen koox waa argagixiso balse inta eey iska soo shaaciso in eey tahay argagixso u kaadi.
7) Marjaca culumada waad ku mahadsan tahay balse waxaa mudnaanta ah in eey u shaqeeyaan sidii shurada oo kale.
8) Ninwalba oo xiligaan kaa soo horjeedo waxaad ku qiimeeysaa kuna soo xassuusataa waxii uu umada u qabtay ee aheeyd in uu la dagaalamay cadowgii soo jiraanka ahaa,waa waajib in marwalba aad codsato wadahadal nabada ku dhisan iyo in aad diido dagaal danbe in uu ka dhex dhaco umada daalan.
9) Lacagaha lagu daabaco Puntland waxeey dhabarjab ku tahay dowlada midnimada qaran haddii aanan laga hortagin.
10) Cilaaqaadka Puntland iyo caalamka waa mid loo maro dowlada midnimada qaran haddii kale dowlad midnimo qaran ma jirto.
11) Haddii aan la helin dowlad goboleed la siman kuwa hada jira,( PUntland & Somaliland ) hore looma socon karo xaqiiqdii.dadka waa in eey u madaxbanaadaan maamul goboleedka dhismahiisa.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hjotmail.com
.
BAL AAN U SHEEGO SHARIIFKA ( MAQAAL )
Dib u socadkii baas markii dibada loo tuuray,waa taa dalkeenii is bedel duhur dharaareed,Maquustihii shisheeyaha dalbaday ee shubayay dhiigeena,Maquustihii sharmooyee wanaag sheeyna laga waayay,Maquustahii shuftoobee ka tagay sheegashada diinta,Maquu