DUQA HALOO SHEEGO.

0
Sunday March 01, 2015 - 02:52:16 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DUQA HALOO SHEEGO.

    Sida soomaalida u caadada ah waxaan jeclaystay in aan dhaliilo ama eedo guud ahaan dowladda gaar ahaan madaxweynaha,laakiin nasiib xumo wax walba ee aan ku eedi lahaa dad baa igala hormaray aniguna ma jeclaysan in wax horay loogu eeday aan hadana mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida soomaalida u caadada ah waxaan jeclaystay in aan dhaliilo ama eedo guud ahaan dowladda gaar ahaan madaxweynaha,laakiin nasiib xumo wax walba ee aan ku eedi lahaa dad baa igala hormaray aniguna ma jeclaysan in wax horay loogu eeday aan hadana markale ku celsho ileen horay ayaa loo yiri WAR LAQABO XIISO MALEH.
Hadana si kale ayaan u fakaray waxaan is iri bal samee wax aan soomaalida baryahan lagu aqoon oo ah in aad madaxweynaha iyo dowladaba ku amaanto wax ay ku wanaagsan yihiin, markii aan cabaar fakaray waxaa ii soo baxday in aan ku amaani karo madaxweynaha in uu ka tagay qabiil-qabiil, oo uu maanta kaashanyo asxaab iyo kooxo ay isku aragti dhowyihiin oo kasoo kala jeeda dhamaan beelaha soomaaliyeed asgoo taas ula jeeda in uu HAL DHAGAX LABA SHINBIR KU DILO, hadaan si kale u iraahdo asgoo doonaya in uu umaddana raali galiyo isagana uu la shaqeeyo dad ay is fahmi karaan waxna wada wadi karaan.

Hadana waxaa ii soo baxday taas laftirkeedu in aysan amaan noqonayn oo lagu haysto madaxweynaha maxaad dadka aad isku aragti dhowdihiin usoo dhaweysatay oo aad u dooran weysay dad aad kala aragti fogtihiin.

Hadaba waxaan goostay in aanan eedin misna aanan amaanin laakiin aan u iftiiniyo arin iigu muuqata in ay muhiim tahay in laga hadlo, taas oo laga yaabo in madaxweynaha in uu yareystay laakiin aniga ila weyn.

Mudane madaxweyne waxaa jirta shaqo ayku dul nool yihiin in ka badan 40.000 oo qof oo reer muqdisho ah, taas oo ah shaqo aysan dowladda bixin laakiin ah mid ay dadku iyagu sameysteen, taas oo jiritaankeedu dadka iyo dalka iyo dowladuba dani ugu jirto,una baahan in la ilaaliyo waayo maanta awooda dowladdu ma dhama in ay hal gobol ka shaqaalaysiiso tiro intaas la eg.

Hadaba waxaa isweydiin leh, shaqadu waamaxay? sidee uga faa'iideysteen tirada intaas la'eg? dowladuse maxay ka gashaa ama kaga aadan?

Shaqooyinka ay dadku samaysteen ee ay dalka ku joogaan waa fara badan yihiin, laakiin waxaan maanta doonayaa in aan farta ku godo mid ka mid ah oo faa'iido gaar ah u leh dhalinyarada.

Shaqada aan ka hadlayaahi waa mootadan sedex lugooleyda ah ee loo yaqaan BAJAAJ, taas oo magaalada muqdisho kaligeed ay ka shaqeeyaan in ku dhow ama ka badan afar kun oo mooto.

Qaabka ay 40.000 uga faa'iideysatay hadii aan sharaxana waa sida tan .

Mootooyinka waxaa leh milkiilayaal ku dhow 4000 waxaana darawaliin ka ah tiro intaas la eg waxaana intaas dheer xaasas kooda iyo caruurtooda oo wax ka suga wixii ka soo baxa,hadaba hadii laysku soo wada daro inta ku dul nool afartaas kun ee mooto kama yara 40.000, afartan kun oo qofood

Hadii aan ka hadalno maxaa dowladda uga aadan.
Dowladda guud ahaan, gaar ahaan madaxweynaha sababtoo ah wazaaradaha waaba kuwa aan uga digaayo madaxweynaha oo intay u soo samaysteen boonooyin been abuur ah ku dhoco xoogsatada iyo milkiilayaasha mootooyinka iyaga oo waxa kharashaad ah ay ka qaadaana aan waxba ugu qaban dal iyo dad toona.

Hadaba madaxweynaha sharafta leh waxaan ka codsanayaa in uu fara galiyo arintaas oo uu ilaaliyo fursadaas shaqo,waa khasab in laga qaado wixi lagu leeyahay laakiin waa in ay helaan waxa ay leeyihiin oo ah in ay xoriyad ku maraan wadada iyo wixii laga qaaday in wax loogu qabto oo amaankoodana lagu sugo wadooyinkana loogu dhiso, laakiin aysan ahaan in wazarad walba soo samaysato boono ay ku boobayso danyarta, wixii ay ka boobaana ay guryagha ku yaal yurub ee caruurta waziiradu ijaarka u dagan yihiin aan ijaarka looga bixin.

Guntii iyi gaba gabadii, MUDANE MADAXWEYNE la soco sida wazaaradaha dowladu u carqaladaynayaann nolosha danyarta iyo da'yarta, taas oo hadii aan wax laga qaban keeni karta niyad jab ku dhaca inta maanta u taagan in ay caalamka u muujiyaan in ay leeyihiin dal ay kaga kaaftoomi karaan TUUGSI iyo TAHRIIB.


ABDIAZIZ A. MOHAMED
aziizxg@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip