Duqa Muqdisho oo la kulmay Dhigiisa Boosaaso + Sawirro

0
Wednesday October 24, 2018 - 19:36:41 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo la kulmay Dhigiisa Boosaaso + Sawirro

    Duqa magaaladda Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa magaaladda Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Boosaaso horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Boosaaso ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dowladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Boosaaso Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

Cabdisalaan ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa ka guddoomay dhiggiisa magaalada Boosaaso martiqaad rasmi ah oo ku saabsan in uu booqasho ku tago magaaladaasi oo Xarun u ah Gobolka Bari, isagoona dhankiisa ugu hambalyeeyay Duqa Boosaaso, Ku-xiggeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka magaalada Boosaaso doorashadii dhawaan lagu soo doortay.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip