Imaanshaha Sh: Shariif oo aan ka wareysanay Suldan Aweys oo kamid ah gudiga Ololaha Doorashada ee Shariifka (Sawiro)

0
Friday September 23, 2016 - 22:45:22 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Imaanshaha Sh: Shariif oo aan ka wareysanay Suldan Aweys oo kamid ah gudiga Ololaha Doorashada ee Shariifka (Sawiro)

    Kadib marki maalinimadi shalay uu magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynihi hore ee Soomaaliya, isla markaana ah musharax utaagan xilka madaxtinimada Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ka wareysanay, Suldaan Aweys suldaan Maxamu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib marki maalinimadi shalay uu magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynihi hore ee Soomaaliya, isla markaana ah musharax utaagan xilka madaxtinimada Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ka wareysanay, Suldaan Aweys suldaan Maxamud oo kamid ah gudiga sare ee abaabulka doorashada ee Sheekh Shariif.

Suldaan Aweys ayaa ugu horeyn waxa uu shabakada warsheekh uga warbixiyay sida diiraneed ee madaxweyne Sheekh shariif loogu soo dhaweeyay magalaada Muqdisho isagoo tilmaamay in taasi ka markaati kaceyso sida dadka Soomaaliyeed ee markale ugu niyad san yihiin inuu xilka madaxtinimada dib ugu soo laabto madaxweyne Shariif.

”Waa arin aad noo farxad galineyso, hadii aanu nahay gudiga ololaha doorashada uqaabishana madaxweyne Shariif sidi diiraneed ee laab furnaanta aheyd ee shalay looga soo dhaweeyay magaalada Muqdisho”, ayuu yiri Suldaan Aweys.

Suldaan Aweys ayaa dhanka kale waxa uu tilmaamay in musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee tahay waxyaalaha ugu waa weyn ee ku kalifay inuu dib isugu soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya ee tahay kadib marki in mudo ahba ee soo gaarayeen baaqyo kasoo gaarayay qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed kuwaasi oo ugu baaqayay, ”Madaxweyne markale nadaadihi oo qabyo tir howlihi aan gadaashaada wax badan laga qaban”.

Suldaan Aweys oo fadhigiisu yahay Dalka Australia ayaa uga soo baqoolay halkaasi sida uu qeyb libaax leh uga qaadan lahaay ololaha xoogan ee doorashada madaxtinimada Dalka Soomaaliya oo uu kujiro madaxweyne Sheekh Shariif.

Suldaan Aweys oo aad caan ugu ah barnaamijyada abaabulka iyo wacyi gelinta ayaa waxa uu kamid yahay gudiga sare ee ololaha doorashada uqaabishan madaxweyne Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Mudane Sheekh Shariif ayaa imaanshihiisi magaalada Muqdisho kadib waxa uu durba guda gowlaha ololihiisi doorashada isagoo kulamo gaar gaar ah durba la bilaabay qeybaha kala gedisan ee bulshada kunool magaalada Muqdisho .

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip