Wasaarada adeega Bulshada Agaasinkeeda waxbarashada hidaha sare iyo tacliinta ayaa soo bandhigay natiijada imtixaan ay galeen macalimiin loo qaatay inay wax ka dhigaan iskuulada Dowladda muddo 22-sano kadib.Axmed Maxamed Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Jaamacada Umadda madaxna ka ah imtixaanaadka ay galeen macalimiinta ayaa sheegay in 425 ay galeen imtixaanaadka 336 macalimiin ahna ay soo baxeen,kuwaasi oo maanta loo qabanayo siminaar lagu mideynayo aragtidooda Muqdishana uu uga bilaaban doono.
Ilaa lix Gobal oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa loo kala diri doonaa macalimiintaasi,kuwaasi oo wax ka dhigi doona iskuulada Dowladda ee Gobaladaasi ku yaala,iyadoo ardayda Soomaaliyeed si lacag la’aan ah ay uga faa’iideysan doonaan waxbarashada bilaashka ah.
Gobalada loo kala diro doono macalimiinta ayaa waxaa kamid ah Gobalka Shabeelaha hoose,Shabeelaha dhexe,Hiiraan,Galgaduud,Jubadda dhexe,iyadoo Gobalka Gedo muddo labo maalin ah dib udhacayo macalimiinta loo dirayo sababo lagu sheegay in diyaaradaha aada Gobalkaasi ay aad u yar yihiin sida lagu helana ay adag tahay.
Arintani ayaa ah tallaabo aad uwanaagsan oo Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday,maadaama muddo 22-sano ah dalka aysan ka suuragelin in lasoo nooleeyo waxbarashadii Dowladda.
Dowladda oo ku guuleysatay talaabooyin farxa giliya shacabka soomaaliyeed
Wasaarada adeega Bulshada Agaasinkeeda waxbarashada hidaha sare iyo tacliinta ayaa soo bandhigay natiijada imtixaan ay galeen macalimiin loo qaatay inay wax ka dhigaan iskuulada Dowladda muddo 22-sano kadib.Axmed Maxamed Jimcaale oo ah Guddoomiyaha J