Kufsigii ay geysteen AMISON Xaguu ku danbeeye? Dhageyso Hadalkii Drs.Maryan Qaasim
Bishii hore ayey aheyd markii kufsi loo geystay haweeney soomaaaliyeed lagu eedeeye ciidamada AMISON ayadoona dowladda fidraalka soomaaliya ay sheegtay in ay wax ka qaban doonto.
Bishii hore ayey aheyd markii kufsi loo geystay haweeney soomaaaliyeed lagu eedeeye ciidamada AMISON ayadoona dowladda fidraalka soomaaliya ay sheegtay in ay wax ka qaban doonto. Drs. maryan qaasim oo ka hadashay kufiga ayaa waxa ay tiri: " Ma ahan wax loo dulqaadanayo in lagu xad gudbo gabdhaha soomaaliyey mana u dul-qaadaneyno mana udul-qaadan doonno"
Dhanka kale wasiirada ayaa waxa ay Hormuud u aheyd dadkii loo xilsaaray in ay wax kasoo ogaadaan arinkaan lagu eedeeye ciidamada AMISON ayadoona ilaa hada aanan wax jawaaba ka keenay, ayadoo dhanka kale la xasuusan yahay in madaxweynaha dalka soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu sheegay in qofkii kufsi geysto uu yahay dil toogasho ah.
Sikastaba Su'aasha ay shacabka soomaaliyeed is weydiinayaan ayaa waxa ay taahay xagee ku danbeysay eedeemihii AMISON ee kufsiga ahaa? balse arinta kale ayaa waxa ay tahay ayadoo maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya tababar soconayo mudana sedex maalmood ah oo ay soo qaban qaabiyeen Taliska ciidamada AMISON lagu furay kaa oo ujeedkiisu uu ahaa in latababaro gabdhaha soomaaliyeed si ay iskaga difaacaan falalka kusiga.
Hadaba halka uu ka furmaye Tababarka ayaa ku sugneyd dr.maryan qaasim ayadoona halkaasi ugu mahadcilisay Ciidamada AMISON, taa su'aal kale dhalisay oo ah sidee isku waafaqi karaan hadalkii hore ee wasiirada iyo hadalka: bal nala dhageysta qaabka ay wax u dhaceyn waxaana danbeyn doonno hadalka ay maanta ugu mahadcilisay ciidamada AMISON.
Kufsigii ay geysteen AMISON Xaguu ku danbeeye? Dhageyso Hadalkii Drs.Maryan Qaasim
Bishii hore ayey aheyd markii kufsi loo geystay haweeney soomaaaliyeed lagu eedeeye ciidamada AMISON ayadoona dowladda fidraalka soomaaliya ay sheegtay in ay wax ka qaban doonto.