Dhageyso:-Dib U Dhac Mar kale Ku Yimid Xubnaha Doorashada Aqalka Sare

0
Wednesday October 05, 2016 - 20:02:04 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Dib U Dhac Mar kale Ku Yimid Xubnaha Doorashada Aqalka Sare

    Waxaa maanta oo Arbaca ah lagu wadey dhamaan maamulada ka jira Soomaaliya in lagu dhawaaqo Xildhibaanada u taagan Aqalka Sare ee Soomaaliya sida uu qoraayey jadwalka ay dejiyeen mar kale Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta oo Arbaca ah lagu wadey dhamaan maamulada ka jira Soomaaliya in lagu dhawaaqo Xildhibaanada u taagan Aqalka Sare ee Soomaaliya sida uu qoraayey jadwalka ay dejiyeen mar kale Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka oo  maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay dib u dhacan ku yimid ku dhawaaqista xubnaha Aqalka Sare in ay sabab u tahay Maamul Goboleedyada Dalka oo weli aanan soo gudbin Xildhibaanadii Aqalka Sare u matali lahaa iyo Maamulka Hir-shabeele oo weli dhismihiisa aan la dhameystirin.

Maxamed Keynaan oo ah Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe labo maalmood gudahooda loogu soo gudbinayo xildhibaanada ka mid noqonaya Xubnaha Aqalka Sare.

Si kastaba ha ahaatee, Dib u dhaca xubnaha Aqalka Sare ayaa laga yaabaa in ay sababi karto Dib u dhac Baahsan oo ku yimaada Doorashada.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip