Jaaliyada Beesha Celli Cumar oo kulan balaaran kuyeelatay Dalka Holand (Sawiro)

1
Tuesday September 17, 2013 - 03:39:32 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 6406
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Beesha Celli Cumar oo kulan balaaran kuyeelatay Dalka Holand (Sawiro)

    Kulan balaaran oo ay isugu yimideen jaaliyada Beesha Celli Cumar ee ku dhaqan wadanka Holland ayaa ka dhacay magaalada Hage ee wadanka holland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan balaaran oo ay isugu yimideen jaaliyada Beesha Celli Cumar ee ku dhaqan wadanka Holland ayaa ka dhacay magaalada Hage ee wadanka holland. Kulankaas ayaa waxa kasoo qeyb galay waxgaradka sida Culumada ,Odayaasha, Dhalinyarada iyo Haweynka Beesha Celli Cumar ee ku dhaqan wadanka holland.

Ujeedada Kulanka oo eheed mid  looga arinsanaayay aayaha iyo mustaqbalka Beesha Celli Cumar ee kudhaqan wadanka Holland, iyo waliba sida jaaliyada Beesha uga qeyb qaadan laheed dibu dhiska dalka Soomaaliya oo 22-Sano kadib umuuqda mid ee kasocoto howlo lagu farxi karo .

Ugu horeyn waxaa aayadaha Qur;aanka karimka halkaasi ku daah furay Mr Nuur Saneey, kadib waxaa muxaadaro halkaas kasoo jeediyay Shiiq Cali Kulmiyay Axmed asagoo shiiqa ku nuux nuuxsaday carabkane ku adkeeyay midnimada iyo isku xernaanta wanaaga ay leedahay ka shaqeenteeda.

Madasha Shirka kasocday ayaa waxa qudbado dhaxal gal kasoo jeediyay Wakiilada Jaaliyada Beesha Celi Cumar ee ka kala socday dhamaan gobolada iyo degmooyinka ee ka koobantahay dalka Holand

Dhanka nabadoonadi kahadlay madasha ayaa waxa kamid ahaa


Nabadoon Maxaadeey indhabuur.
Nabadoon Maxaadeey Muxumad,
Nabadoon Maxamed Axmed Maalin Tabliiq.
Nabadoon Injineer Axmed Qaliif Maxamed Xuseen.
Nabadoon Axmed Mooge.
Nabadoon Nuur saneey .
Nabadoon Maxamud Maxamed Xuseen (Daacad).
Nabadoon Biikeey.
Nabadoon Daahireeto.
Nabadoon Cadaan Cusuboow.
Nabadoon doobiyo.
Nabadoon Xuseen Gureey.
Nabadoon Aweys Cali Shiiq.
Nabadoon Xasanoow Xuseen.

Waxa sidoo kale kahadlay madasha Cabdulaahi Teersaale , Cabduqaadir Muxidiin Faraqajaan iyo Muxidiin Gaabow oo dhamaantoodba ku hadlayay magaca gudigi abaabulka shirka Jaaliyada Beesha Celli Cumar ee wadanka Holand.

Kulanka Jaaliyada Beesha Celi ee dalka Holand ayaa waxa sidoo kale kaalinweyn ka ciyaaray haweynka Jaaliyada ee kudhaqan dalkaasi oo ay u horeeyaan


Maama Sahro Xasan Maxamed .....
Maamo Amino Beelo ....
Maamo Maano walaa Xoolo....
Safiyo Waabshe.....
Shamso faraqajaan ....
Xaawo suuudi suubiye .
iyo Guud ahaan haweynka Jaaliyada beesha Celli Cumar ee Holand

Inta ay socotay Kulanka Jaaliyada ayaa waxa qadka telfoonka soo galay Gudoomiyaha Guud Jaaliyada Beesha Celi Cumar Ee wadamada iskandenefiyaanka Xuseen wadaad , Cabdulaahi barbe iyo doctor Hiraabe oo dhamaantood ku baaqay shirkaan mid lamid ah oo iskugu yimaadaan jaaliyada guud ee wadamada iskandenefiyanka ee beesha Celli Cumar.

Ugu dambeyntii Waxaa halkaas qudbad dheer kasoo jeediyay Gudoomiyaha Guud Jaaliyada Beesha Celi Cumar ee wadanka Holand injineer Axmed Maxamuud Cali asagoo ugu dambeentiii ugu mahad celiyay sida qiimahada badan ay ugu soo qeyb galeen kaso qeybgalayaasha xaflada.

W/D: Cabdiqani Macalin Axmed (indhabiyo)
Tel:+31684048634
holland ,Dordrecht


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip