Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeyey dilka Xildhibaan Xuseen C/Salaam.

0
Monday September 23, 2013 - 08:28:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeyey dilka Xildhibaan Xuseen C/Salaam.

    Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey dilkii caawa magaaladda Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Xuseen C/Salaan oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey dilkii caawa magaaladda Muqdisho loogu geystay Xildhibaan Xuseen C/Salaan oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday Allaah naxariisee Marxuum Xuseen C/Salaam” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaah haka waraabiyo Marxuum Xuseen C/Salaam, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynahu.

" Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dowladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna ku amray ciidamadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.
--

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip