Rag Sixiroolayaal ah oo Muqdisho lagu xiray

0
Monday September 23, 2013 - 17:46:22 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1891
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag Sixiroolayaal ah oo Muqdisho lagu xiray

    Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo maanta ayaa sheegay in ay Maxkamaddu gacanta ku hayso eedeysanayaal kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan maxaabiis ku eedeeysan falal dembiyeedka adeeygsiga Sixirka iyo Turuufeeynta Bulshad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo maanta ayaa sheegay in ay Maxkamaddu gacanta ku hayso eedeysanayaal kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan maxaabiis ku eedeeysan falal dembiyeedka adeeygsiga Sixirka iyo Turuufeeynta Bulshada, islamarkaana lacago badan uga aruursaday Dhibaneyaal lacagahooda ku bedeshay kadib markii ay eedeeysaneyaashaasi ku jira Gacanta Maxkamadda ay Quraafaad ah ugu ballan qaadeen in ay siinayaan mansab xilleed iyo mid ganacsi dhaqaale intaba la xiriira Xaashi Cilmi Nuur ayaa sidoo kale uga digay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka la xiriira kuwa wax turuufeeysa oo ay haatan maxkamaddu u qabatay eedeeysaneyaal kamid ah kuwa ku shaqeeysta turuufeeynta iyo adeegsashada waxyaabaha quraafaadka ah in ay ka feejignaadaan.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa uga baaqay dadka ku shaqeeysta Quraafaadka Nuucaasi ah oo ku cusub bulshada Soomaaliyeed in lala tiigsan doono sharciga haddii ay ka tanasuli waayaan dhibaateeynta Bulshada Soomaaliyeed.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ayaa yimid todobaad un kadib markii ay Maxkamaddu Xukuntay eedeeysanayaal ka kooban lix ruux, kuwaasi oo ay maxkamaddu ku xakuntay dhowr sanadood oo xarig ah kadib markii ay si turuufeeyn ah lacago badan uga qaateen dadyoow kala gedisan oo kunool gudaha gobolka Banaadir.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip