Qiso qiiro leh: Aabe 100 Karoon ma i deymin kartaa?

0
Tuesday October 22, 2013 - 00:37:43 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso qiiro leh: Aabe 100 Karoon ma i deymin kartaa?

    Aabe ayaa waqti danbe gurigiisa yimid , isagoo shaqadiisii kasoo rawaxay oo daalan , 100kr islamarkii uu gurigiisa soo galayba wuxuu la kulmay wiilkiisa oo 5 sano jir ah oo irida guriga kusugaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aabe ayaa waqti danbe gurigiisa yimid , isagoo shaqadiisii kasoo rawaxay oo daalan , 100kr islamarkii uu gurigiisa soo galayba wuxuu la kulmay wiilkiisa oo 5 sano jir ah oo irida guriga kusugaa. ”Aabe su’aal maku waydiin karaa ??” wiilkiiyaa yiri
” Haa dabcan,, ee maxaa i waydiinee ?? aabihiiya ku jawaabay ”Aabe saacaddii meeqa lacagaa ku shaqeydaa ? wiilkiiya su’aalay

Aabihii :Arin kuu taala maahan ! maxaa kugu kalifaa inaad i waydiiso su’aash oo kale ? aabihiiyaa ku yiri wiilkiikiis welibana isagoo careysan. Wiilkii :,, Waxaan rabaa oo kaliya inaan ogaado ,waan ku baryaa aabe saacadii meeqaa ku shaqeydaa?"

”Haddeey qasabtahay inaad ogaato saacadii inta aan ku shaqeeyo, waa 200 Kron.
ALLA AABOOW waa BADAN BADAN !! wiilkiiyaa yiri , isagooy la badatay lacagta aabe u sheegay.

Markaasuu yiri : aabe haddaba 100 kron ma i deymin kartaa?
Aabihii wuu ku xanaaqay wiilkii :

Aabihii :”,, Sababta kaliyee kugu kaliftay inaad ogaato lacagtaan ku shaqeeyo saacadii, haddeey tahay inaad iga qaadato 100 kron. Si aad ugu soo iibsato alaab qashina oo lagu cayaaro, sidaas haddeey tahay. Soco qolkaaga gal , waad Edebdarantahay intaan kuu jeedana seexo .
Ka feker inaan maalin walba saacado badan soo shaqeeyo , oo aanan WAQTI u heyn , su’aalo iyo qashin lagu cayaaro.

Inankii yaraa oo gartay inuu aabe ka carooday su’aashiis,a yaa qolkiisa iska galay albaabkiina soo xirtay.Odaygii wuu fariistay , wuxuuna billaabay inuu is waydiiyo , kana welwelo su’aashi wiilka. Sidee ugu dhiiraday inuu su’aasha i waydiiyo ? Kaliya ma inuu 100 kron heloow ii waydiiyay su’aashaas ??!!

àOdaygii saacad kediboow is dejiyay , wuxuuna u garwaaqasaday/gartay inuu wiilkiisa si ad’adag ula hadlay . Laga yaabee ineey jiraan wax aad ugu muhiima, uu kusoo gadan lahaa 100 kron,”Sida caadigaana inta badan wiilkeygu sidaas iima waydiin jirin lacag ama qaabkaan oo kale. Qolkii wiilkiisoow aaday , wuxuu ku yiri :

Aabihi : ”Masoo jeedaa , aabe?
Wiilkii :”Haa aabe, waan soo jeedaa” wiilkiiyaa ugu jawaabay.
Aabihii :,, Waxaan ka fekeray , inaan si caro leh kuula hadlay markii hore,’, Waxay ahayd maalin dheer oo shaqo, waana kugu xanaaqay , hadda waatan 100 kron ee qaado .
Wiilkii sariirtiiyow kusoo fariistay isagoo ka muuqato farxad, iyo filanwaaga lacagta aabe siiyay.”Alla aabe aadaa u mahadsantahay, wiilkiiya dhahay’isagoo dhoola cadeynaa.

Markaa ayuu billaabay inuu raadiyo sanduuqiisa yaraa ee uu lacagta ku ridan jiray , wuxuuna kasoo baxshay lacag kale .Aabihii oo arkaayay in lacag kale wiilku horay u heystay , yaa billaabay inuu ku xanaaqo .
Wiilkii yaraa lacagtiiyoow si degan u tiriyay, kedibna aabihiisow kor usoo eegay.Maxaa ii waydiiday lacagta , adigoo horay lacag u heystay ? Aabihiiyaa waydiiyay wiilkii……Aabe markii hore maheysan lacag igu filan laakiin , hadda way ii dhantahay .
Aabe hadda 200 oo kron ayaan heystaa ..”.Makaa gadan karaa 1 saac, oo waqtigaaga ka mida”??.

Aqristoow ma fahamtay Xikmada iyo ujeedka su’aasha wiilka yar .Tani waa u xasuusin , aabe walba oo waqtigiisa ka hagrada caruurtiisa , ama u shaqeeyo si joogto ah isagoo caruurta waqtigooda ka bakhiilay. Ogoow lacag walboo shaqeydo, waxaa ka anfaco badan kana waxtar badan . Saacado kooban oo caruurtaada wax wanaagsan ugu sheegto . Waxa xuna uga reebto. Waa su’aal taabanee aabe walba oo ilmihiisa aan waqtigiisa siin. Yaa uga xaq badan ilmahaaga waqtigaaga?

Aabe ilmahaaga waqtigaaga , qayb wanaagsan ka sii. U aqri cashiradooda , uga sheekeey qisooyinkii , iyo sheekooyinkii Anbiyada , saxaabadii , iyo sheeko walba oo garaadka ilmaha kobcinee , maahan . Dad qalato iyo qori is maris inaad uga sheekeydo , ilmahana cabsi iyo fuleynimo ka qaadaan. Fadlan aabe waqtigaaga wax naga sii.. (Waa Codsiga Caruurta Qurba lagu dayacay , ee waqtigoodii maqaayadaha laga siiyay , ee meelaha la istaago.)

Waa su’aal si gaara ugu socoto , aabayaasha qurbaha ilmaha keenay ama ku dhalay , ee haddana 1% wax u dhigma xitaa oo waqtigooda ka mida aannan siin ilmahooda.

Aqristoow aadan kaaga mahad celinaa , inaad waqtigaaga Qaaliga ah , u hurtay aqrinta sheekadaan. Mahadsanid: Wa inoo markale iyo Maqaal kale InshaAllah.

Bashiir Macalin Cali AbuXudayfah.

Bashiircali22@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip