Fal Naxdin leh:-Maamule Iskuul oo lagu dilay Muqdisho

0
Tuesday November 27, 2018 - 08:35:49 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 2138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fal Naxdin leh:-Maamule Iskuul oo lagu dilay Muqdisho

    kooxo hubeysan ayaa xalay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Coca Cola waxa ay ku dileen Mid kamid ah Maamule iskuul ku yaalla halkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kooxo hubeysan ayaa xalay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Coca Cola waxa ay ku dileen Mid kamid ah Maamule iskuul ku yaalla halkaasi.

Goobjoogayal ayaa waxa ay sheegeen in rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogeen maamulaha,kaasi oo maamule iyo macalinba ka ahaa iskuul lagu magacaabo Kifaaf oo ku yaalla Xaafada Coca Cola ee degmada yaaqshiid.

Maamulaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xuseen,waxaana durbo goobta ka baxsaday ragii dilka ku fuliyay.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,iyadoo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira dalka.

Howlagalka Ciidamada dowlada xalay ay ka sameeyeen Xaafadda Coca Cola ee Degmada Yaaqshiid dilka kadib ayaa waxa ay kusoo qabteen tiro dhalinayro,kuwaasi oo looga shakiyay in ka dambeeyeen dilkii loo geystay Xuseen Maxamed Xuseen oo maamule ka ahaa Iskuul lagu magaabo Kifaaf oo ku yaalla Xaafadda Coca Cola.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho degmooyin ka mid ah waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo,kuwaas oo ay wax ku noqdeen dad rayid ah.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip