Real oo Xasuuqday juve, Reer Manchester, PSG iyo Bayer oo wada badiyay
- Visits: 1197
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Juve Vs Real
Labo gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo oo midi ay rigoore aheyd ayaa ka caawisay Real Madrid inay 2-1 kaga badiyaan Juventus oo marti ku aheyd Santiago Bernabeu, iyadoo kooxda ka dhisan Serie A ay 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay inta badan qeybtii labaad ee ciyaarta ka dib casaan uu ka qaatay Cheillini. Real Madrid ayay ku qaadatay kaliya afar daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Angel Di Maria uu kubad u dhex bixiyay Ronaldo oo ka baxsaday tabinta offside-ka islamarkaana kubada la maray Buffon ka hor inta uusan shabaqa faaruq ah kubada dhex dhigin.
Juventus ayaase ciyaarta ku soo laabatay oo heshay goolka barbaraha daqiiqadii 22aad markii kubad karoos uu keenay Caceres uu madax ku soo celiyay Paul Pogba, waxaana kubada badbaadiyay Casillas, laakiin kubadii soo noqotay waxaa shabaqa ku hubsaday Fernando Llorente.
Goolkaas uu dhaliyay Fernando Llorente ayaana ahaa goolkiisii ugu horeysay uu abid ka dhaliyo Champions League, madaama uusan waligiis u ciyaarin Champions League kooxda Athletic Bilbao.
Bianconeri ayaana u muuqatay mid ciyaar fiican soo bandhigeysa ilaa iyo daqiiqadii 27aad markaasoo gool rigoore ah oo laga dhigay, inkastoo kubada uu qabsaday Buffon, laakiin Chiellini ayaa dhulka dhigay Sergio Ramos.
Waxaa rigoorada u soo joogsaday Cristiano Ronaldo kaasoo ku guuleystay inuu gool u sarifo taasoo u sahashay in Real Madrid ay hogaanka ku soo laabato.
Goolkaas ayaana ahaa goolkii 7aad ee uu Ronaldo ka dhaliyo xilli ciyaareedkan Champions League, waana ciyaaryahanka labaad ee seddexda kulan ee ugu horeysa Champions League dhaliya 7 gool si la mid ah Inzhagi.
Qeybtii hore ayaana lagu ala maray 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Juventus, waxaana qeybtii labaad afar daqiiqo markii ay socotay ay Juventus noqotay 10 ciyaaryahan ka dib markii casaan muran weyn uu ku jiro laga siiyay Chiellini kaasoo lagu eedeeyay inuu xusul ku dhuftay Ronaldo intii ay kubada ku xariitamayeen, laakiin ku celiskii la daawaday ayaa muujinayay in Ronaldo uu wax weyn ka dhigay arinta.
Saacad markii ay socotay ciyaarta ayaa Real ay soo martay fursad gool loo fishay iyadoo Karim Bemzema uu ka qasaariyay kubad uu ku helay goolka hortiisa oo weliba u banaan ka dib kubad uu u soo dhigay Arbeloa.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Real Madrid oo haatan leh sagaal dhibcood ka dib markii ay badiyeen seddexdii kulan ee ay soo ciyaareen ilaa iyo haatan.
Galatasaray ayaana hataan soo gashay kaalinta labaad ee Group B ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen FC Copenhagen, iyagoo goolasha uga mahadcelinaya Felipe Melo, Didier Drogba iyo Wesley Sneijder, waxaana ay leeyuhiin 4 dhibcood, halka Juventus ay u dhacday kaalinta 3aad iyagoo leh labo dhibcood.
------------------------------------------------------------------------------------------------------
Gool ay iska dhalisay Real Sociedad ayaa ugu filnaa Man United inay seddexda dhibcood uga qaadato Real Sociedad garoonkeeda Old Trafford ka dib markii ay ku badiyeen 1-0, iyadoo sii xajistay hogaanka Group A.
Labo daqiiqo markii ay socotay ciyaarta ayaa Man United ay u suurogashay inay hogaanka ciyaarta u qabtaan ka dib markii kubad uu ka soo shaqeeyay Rooney uu iska dhaliyay Martinez.
Rooney ayaana daqiiqo ka dib ku dhawaaday inuu kooxdiisa u labeeyo laakiin goolhayaha ayaa ka beeniyay, halka gool uu madax ku dhaliyay Hernandez iyadana loo diiday inay offiside aheyd.
De Gea ayaa isna si qatar ah kubad uga badbaadiyay Haris Seferovic, ka hor inta uusan Antoine Griezmann uusan laad xor ah birta ku dhufan.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.
Bilowgii qeybta labaad Jonny Evans ayaa ku sigtay inuu kubad iska dhaliyo, ka hor inta aan Jones laga badbaadinin kubad madax aheyd oo gacmaha u gashay goolhaye Bravo.
Waxaana ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay ku badisay kooxda Manchester United, kuwaasoo haatan 7 dhibcood ku haya hogaanka Group A, halka Real Sociedad ay inta badan dhimatay rajadooda Champions League ay ku sii joogi lahaayeen.
Dhanka kale Bayer Leverkusen ayaa u awood sheegatay kooxda Shakhtar Donestk oo marti u aheyd ka dib markii ay ku garaaceen 4-0.
Stefan Kiessling ayaa labo gool u saxiixay kooxda Leverkusen halka goolasha kale ay u dhaliyeen Sidney Sam iyo gool rigoore ahaa uu u saxiixay Simon Rolfes.
Leverkusen ayaana leh 6 dhibcood oo hal dhibic ka hooseysa Man United halka Shakhtar Donestk ay leedahay 4 dhibcood.
Labo gool uu dhaliyay Sergio Aguero ayaa ka saaciday Man City inay ka soo kabsato gool looga hormaray islamarkaana 2-1 kaga badiso kooxda CSKA Moscow kulanka seddexaad ee Group D Champions League.
Kooxda martida loo ahaa ee Ruushka ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 31aad iyadoo hogaanka uu u dhiibay Tosic ka dib markii Honda uu ka dulbooday Garcia.
City ayayna ku qaadatay kaliya labo daqiiqo inay barbareyso ciyaarta markii uu karoos uu soo dhigay David Silva uu si habsami leh shabaqa u dhex dhigay Aguero.
Xiddiga reer Argentina Kun Aguero ayaana goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii 40aad markii uu shabaqa cusbjiyay kubad uu ka helay Negredo.
City ayaana neef weyn ay ka soo fuqday daqiiqadii 78aad markii gool qurux badan oo uu CSKA u dhaliyay Musa uu diiday garsooraha madaama goolka ka hor qalad lagu galay Yaya Toure.
Edin Dzeko iyo Sergio Aguero ayaa iyagana City ka qasaariyay labo fursadood oo goolal loo fishay. Halka daqiiqadii ugu danbeysay uu Joe Hart fursad dahabi ah ka badbaadiyay Honda.
Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay Man City, kuwaasoo weli ku jira kaalinta labaad iyagoo leh lix dhibcood, waxaana ay ku dhibco yihiin kooxda hogaanka u heysa Group D ee Bayern Munich oo caawa 9:45pm SGA la ciyaari doonta kooxda Plzen.
Afar gool uu dhaliyay Zlatan Ibrahimovic ayaa ka caawisay kooxda Paris Saint-Germain inay 5-0 ku xasuuqaan kooxda reer Belgium ee Anderlecht oo marti loo ahaa.
Zltan Ibrahimovic ayaa seddexleey ku dhaliyay 19 daqiiqo gudaheed qeybtii hore ee ciyaarta laga soo bilaabo daqiiqadii 17aad ilaa iyo daqiiqadii 36aad. Iyadoo labo gool oo ka mid ah ay ahaayeen kuw acajiib ah.
Waxaana ay u aheyd markii ugu horeysay uu seddexleey ka dhaliyo Champions League. Sidoo kale waa ciyaaryahankii ugu horeysay ee reer Sweden ee seddex gool hal kulan oo Champions League ah dhaliya.
Ibrahimovic ayaanse halkaasi ku joogsan, waxaana ka dib markii Edinson Cavani uu u afareeyay PSG, uu Ibrahimovic dhaliyay goolkiisii afaraad ee ciyaarta.
Waxaana guushaas ay ka saacideysaa PSG inay qarka u fuusho inay u soo baxdo wareega 16ka, waxaana ay leeyihiin 9 dhibcood ka dib seddex kulan oo ay ciyaareen.
Olympiakos iyo Benfica ayaa isku garab dhacay iyagana ka dib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah taasoo ka dhigeysa inay wada leeyihiin min afar dhibcood.
Bayern Munich ayaa ku dhawaatay inay xaqiijisato booskeeda wareega 16ka ka dib markii ay 5-0 ku xasuuqday kooxda reer Czech ee Viktoria Plzen oo marti ku aheyd Allainz Arena.
Bayern Munich ayaa si carcar leh ciyaarta ku bilaabatay iyadoo Alaba, Kroos iyo Mandzukic ay fursado fiican abuureen shantii daqiiqo ee ugu horeysay ee ciyaarta.
Kooxda martida loo ahaa ayaana heshay rigoore daqiiqadii 23aad, iyadoo uu rigoorada gool u sarifay Franck Ribery inkastoo goolhaye Kozacik uu kubad gacanta ku taabtay.
David Alaba ayaana hogaanka u dheereeyay daqiiqadii 37aad markii uu kubad u dhameystiro si qurux badan. Waxaana qeybtii hore lagu kala maray 2-0 oo ay Bayern Munich hogaanka ku heysay.
Saacad markii ay ciyaarta socotay Bayern Munich waxaa goolka seddexaad u saxiixay Franck Ribery oo dhaliyay kubad heer caalami ah oo aad u cajiib ah. Waxaana uu goolkaas ahaa goolkiisii labaad ee ciyaarta.
Seddex daqiiqo ka dibna ciyaarta waxa ay aheyd 4-0, markii Gotze oo markii bedel ku soo galay uu kubad u dhigay Schweinsteiger kaasoo isna shabaqa cusjiyay.
Mario Gotze ayaana gool shanaad ku soo xiray ciyaarta. Bayern ayaana guusha ay ku raacday 5-0 waxaana ay hogaanka Group D ku hayaan sagaal dhibcood ka dib seddex kulan ee ay ciyaareen, halka Man City ay kaalinta labaad ku jirto iyadoo leh 6 dhibcood.
Source: laacib.net
Real oo Xasuuqday juve, Reer Manchester, PSG iyo Bayer oo wada badiyay
Juve Vs Real Labo gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo oo midi ay rigoore aheyd ayaa ka caawisay Real Madrid inay 2-1 kaga badiyaan Juventus oo marti ku aheyd Santiago Bernabeu, iyadoo kooxda ka dhisan Serie A ay 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay inta bad