Daawo Sawirada Qur'aan Aqriska Siyaaraadka Masha'iqda (Sawiro)

0
Thursday November 14, 2013 - 20:02:21 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3379
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Qur'aan Aqriska Siyaaraadka Masha'iqda (Sawiro)

    Waxa laguda galay sadexda maalin ee udambeeso siyaaraadka Masha'iqda soomaaliyeed ee Ahlusunah Waljamaac Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa laguda galay sadexda maalin ee udambeeso siyaaraadka Masha'iqda soomaaliyeed ee Ahlusunah Waljamaac Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman.
Qur’aan Aqriska Siyaarada ayaa waxa kasoo qeybgalay Culuma’udiin aad ufara badan kuwaasi oo isugu jira kuwa wax ka bartay masha’iqda iminka la siyaaranayo iyo kuwa wax kasii bartay culimadi ee wax bareen masha’iqdaan.

Sheekh C/raxman Sheekh Cumar ayaa waxa uu kamid ahaa culimada sida weyn uga qeyb qaatay faafida diinta Islaamka ee dalkeena Soomaaliya isagoo sidoo kalena alifay Kutubo badan isla markaana soo saaray Mudarasiin, Mucalimiin maanta siweyn looga yaqaano gudaha iyo dibada dalkeena Soomaaliya.

Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman oo ah Curudka Sheekh c/raxman Sheekh Cumar isla markaana ah sheekha dhaxlay cilmiga iyo willaayada Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sh: Cabdi Celli), ayaa labadaba waxa siwadajir ah loo siyaartaan xiligaan oo kale iyadoo ixtifaalada loo sameeyo xuska masha’iqdaan ee ka kala dhacaan daafaha Caalamka .

Hadaba qur’aan aqriska siyaaraadka Masha’iqda oo ka kala socdo meelo kala gadisan ayaa waxa halkaani idinkugu soo gudbineena qeyb kamid ah muuqaal aan maanta kasoo qaadnay mowlaca Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman Ow Cumar ee Degmada kaaraan halkaasi oo isugu soo aruureen Mashaa’iq, Mucalimiin, iyo guud ahaan jameecaadka Daruuqu Suufiyah .

Qur’aan aqriska kadib ayaa waxa halkaasi lagu aqriyay Qasiidooyin Salawaat, Madad iyo Qasiidooyinka Masha’iqda lasiyaaranayo.

Qur’aan Aqriska Siyaarada ayaa socon doono ilaa laga gaaro maalinta sabtida ah oo leesugu soo bixi doono sida caadada u ah Daruuqu Suufiyah banaanbaxyo lagu muujinayo shacaa’irka Dariiqooyinka Ahlusunah waljamaac.

Shabakada Warsheekh oo had iyo jeer uga barateen Faafinta dacwada iyo munaasabadaha diiniga ah ayaa idin leh dhamaanteen Allaah na Arsuqo Daacada Alle iyo Maxabada Nabigeeni Muxamada (CSW) iyo Owliyada Ilaahey hana nasiiyo Niyad qaalis ah oo ah tan aan ku gaari karno liibaan Aduunyo iyo mid Aaqiro.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip