Khilaafka Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Somaliya oo loo gudbiyey Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha oo ugu baaqay xildhibaanada in ay soo xaadiraan

0
Friday November 15, 2013 - 21:02:59 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Somaliya oo loo gudbiyey Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha oo ugu baaqay xildhibaanada in ay soo xaadiraan

    Liiska Wasiiradda Saacid wato oo la sheegay in uu ka mid yahay Ismaaciil Hurre Buubaa oo uu ku bedelayo Foosiya Yuusuf X Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liiska Wasiiradda Saacid wato oo la sheegay in uu ka mid yahay Ismaaciil Hurre Buubaa oo uu ku bedelayo Foosiya Yuusuf X Aadan  khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Somaliya iyo Ra’iisul wasaarihiisa ayaa maraya halkii ugu adkayd, waxaana lagu wadaa in baarlamaanka Dalkaasi si dastuuriyan ah u kala saaro khilaafkooda.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ogolaaday in Baarlamanku uu kala saaro khilaafka isaga iyo ra’iisul wasaare Shirdoon, Iyadoo khilaafka hadheeyey madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka uu marayo meel xasaasi ah oo la isku mari la’ yahay ayaa warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu ogolaaday in isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa uu kala saaro Baarlamaanka.

Arintan ayaa timid ka dib markii ra’iisul wasaaruhu ku adkeystay in khilaafka ka dhexeeya isaga iyo madaxweynaha lagu xaliyo qaab sharciga waafaqsan isagoo ku gacan seydhay inuu meesha soo galo wax la yidhaahdo xeer jajab iyo wadahadal.

War-saxaafadeed todobaadkii hore uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayuu si cad ugu qiray inuu jiro khilaaf, balse waxaa uu diiday in khilaafkaas uu yahay mid siyaasadeed, isagoo ku tilmaamay inuu salka ku hayo arrimo dastuuri ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaanada ugu baaqay iney dhexdhexaad ka noqdaan oo aanay u kala ololeyn labada masuul ee is-khilaafsan isagoo xusay in Baarlamaanku uu yahay hay’adda ugu dambeysa ee kala saareysa labada masuul, loona baahan yahay in sharciga la waafajiyo.

Khilaafka u dhaxeeya Ra’iisul wasaare Saacid iyo Madaxweynaha Somaliya ayaa ka dhashay Liis wasiiro ah oo la sheegay in uu Ra’iisul wasaaruhu ku soo daari doono isku-shaandhayn uu la maagan yahay xukuumaddiisa kuwaasoo ka kooban 23 wasiir oo la filayo inuu ku jiro Ismaaciil Hurre Buubaa oo uu doonayo inuu ku bedeli doono Foosiya Yuusuf X Aadan.

Hadaba beelaha wasiirada muhiimka uu siiyey ayaa kala ah sida la sheegayo Beesha Gaala-jecel uu xiligan oo uu siinayo wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Halka Beesha Majeerteen uu siinayo wasiirka Maaliyada ahna Ra’iisal wasaare ku xigeen

Wasiirka arimaha dibada waxuu siinayaa Ismaciil hure Buubaa oo ka soo jeeda Beesha Isaaq halka wasiirka Iskaashiga Caalamiga uu u qorsheeyey Beesha Mursade Waxaana loo magacabayaa Gacal oo xiligan ah wasiiru-dowlaha arimaha dibada.

Wasiirka waxbarashada waxa uu siinayaa beesha Habar-gidir oo xiligan heysata wasiirka ugu muhiimsan Soomaliya
Wasiirka Cafimaadka waxa uu siinayaa Beesha Shanaad halka wasiirka Gaashandhiga la siinayo beesha Digil iyo Mirifle oo iyadu xiligan heysata jagadaas

Liiskaan oo la filayo in uu dhawaan ku dhawaaqo Ra’iisal wasaare Cabdifaarax shirdoon Saciid ayaan la ogeyn siduu ugu meel mari doono madaama looga baahan yahay in uu saxeexo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay si weyn isku hayaan

Source: Waaheen

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip