Qur'aan Aqriska Siyaaraadka Masha'iqda ee Mowlaca Sh: Muxumed ee Deg-Kaaraan (Sawiro)

0
Friday November 15, 2013 - 21:03:56 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qur'aan Aqriska Siyaaraadka Masha'iqda ee Mowlaca Sh: Muxumed ee Deg-Kaaraan (Sawiro)

    Waxa si habsami leh uga socda daafaha Caalamka Qur'aan aqriska siyaaraadka Masha'iqda Soomaaliyeed ee Ahlusunah Waljamaac Sheekh C/raxman Sheekh Cumar "Al Celiyi" iyo Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman Sheekh Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa si habsami leh uga socda daafaha Caalamka Qur'aan aqriska siyaaraadka Masha'iqda Soomaaliyeed ee Ahlusunah Waljamaac Sheekh C/raxman Sheekh Cumar "Al Celiyi" iyo Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman Sheekh Cumar.
Qur aan aqriska Siyaaraadka Masha’iqda oo sida hore u iclaaminayba ka kala socdo meela kala duwan oo gudaha dalka iyo dibadaba ah ayaa waxa Maqaalkaan kusoo qaadan doonaa muuqaalo aan idinkaga soo aruurinay culimada, Ardayda iyo Axbaabti saakay isugu timid mowlaca ama xarunti Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee degmada kaaraan .

Qur’aan Aqriska Siyaarada ayaa sida caadada u ah Culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac ayeey saakay siweyn usoo camireen iyadoo sidoo kalena halkaa lagu qurbaansaday loona duceeyay dhamaan umada muslimiinta gaar ahaan umada Soomaaliyeed iyadoo alle looga baryay inuu danbi dhaaf iyo Ajir siiyo.

Siyaarada Sheekha Kutubta badan Alifay ee Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekha Curudkiisa ee Wiliyaada iyo cilmigaba kadhaxlay ee Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ayaa waxey kamid yihiin ixitifaalada diiniga ah ee ugu waa weyn dalkeena iyadoo siyaarooyinka masha’iqda si siman xiligaan looga wada dhigo dhamaan meelaha ee kusugan yihiin jameecooyinka Ahlusunah waljamaac.

Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada Warsheekh oo isku duuban ayaa waxa ee idin balan qaadayaan hadii Alle Idmo in si joogta ah la idinkugu soo gudbin doono dhamaan Xarumaha, Mowlacyada iyo waliba Masjidyada lagu dhigayo siyaarooyinka Masha’iqda Soomaaliyeed gaar ahaan Culimada iminka la siyaaranayo ee Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman .


Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip