Qatinka Siyaaraadka Mashaa'iqda ee Mowlaca Sheekh Muxumed ee D/ Kaaraan (Sawiro)

0
Monday November 18, 2013 - 20:30:03 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatinka Siyaaraadka Mashaa'iqda ee Mowlaca Sheekh Muxumed ee D/ Kaaraan (Sawiro)

    Waxa la guda galay gunaanadka iyo qatinka siyaaraadka Masha'iqda Soomaaliyeed ee Ahlusunnah Waljamaac , Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Al-Celiyi, Al-Qaadiri) iyo Sheekh Muxumed Sheekh c/raxman Sheekh Cumar oo qur'aan aqriska siyaaraadkooda u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la guda galay gunaanadka iyo qatinka siyaaraadka Masha'iqda Soomaaliyeed ee Ahlusunnah Waljamaac , Sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Al-Celiyi, Al-Qaadiri) iyo Sheekh Muxumed Sheekh c/raxman Sheekh Cumar oo qur'aan aqriska siyaaraadkooda uu socday ilaa iyo 14-bisha Arafo iyadoona lasoo gaba gabeeyay 12-bisha Muxaram. Siyaaraadka Masha’iqda oo siyaabo kala gooni gooni ah loogu kala dhigayay gudaha magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisaba ayaa iminka waxa idin soo gudbineenaa munaasabad aad ubalaaran oo kadhacday Mowlaca ama xarunti Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman Ow Cumar isla markaan aheyd halki uu sheekha ku geeryooday eebe ha unaxariistee

Kulanka kadhacay xarunta Sheekh Muxumed ee Degmada Kaarana ayaa waxa siweyn usoo camiray guud ahaan jameecaad ka kala socday Ahlusunah waljamaac iyadoo sidoo kalena la oogay xilqooyin Dikriga , Uweysiyada, Axmadiyada, Saalixiyada iyo Seyliciyada.

Mudarsiin, Mucalimiin iyo Talaamiid aad utiro badan oo dhamaan katirsan jikooyinka ku abtirsada Sheekh c/raxman Sheekh Cumar ayaa kasoo qeybgalay xuska siyaaraadka Masha’iqda ee lagu qabtay xarunti Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee degmada Kaaraan.

Dadweyne aad ufarabadan ayaa sidoo kale kasoo qeybgalay banaanbaxa siyaaraadka Masha’iqda iyadoo dadka wajiyadoodana ee ka muuqatay shacuur iyo jaceylka Owliyada Alle.

Tan iyo kabixitaanki Alshabaab meelo badan oo kamid ah dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxa dib loo milicsanaa Sooyaalki Diiniga ahaa ee Ahlusunah waljamaac iyadoo isu soobaxyada nuucaanina ee ka tarjumeeso farina udireyso kooxaha xagjirka ah una muujineeso in sinaba eesan caqiidada dadka Soomaaliyeed eenan ubadalmi Karin.

Hadiyadaha qaaliga ah ee Umada Soomaaliyeed eebe hibada usiiyay ayaa kamid ah qabsashada Xariga Alle iyo raacida Sunada Nabiga taasi oo ee nasoo gaarsiiyeen culimadeena sharafta badan oo ee kamid yihiin kuwa iminka xuskooda loo taagan yahay

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


Warsheekh Magaalada Muqdisho

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip