Siyaaraadka Mashaa'iqda oo lagu qatimay Sweden (Daawo Sawiro)

0
Wednesday December 04, 2013 - 20:09:10 in Wararka by
  • Visits: 3728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaraadka Mashaa'iqda oo lagu qatimay Sweden (Daawo Sawiro)

    Iyadoo wili daafaha caalamka ee kasocdaan dabaal degyada lagu weyneenayo xuska masha'iqda cilmiga iyo cabsida alle kumaqaamka gaartay Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheikh Maxamed Sheekh C/raxman ayaa waxa halkaani idinku soo gudbineenaa ixtif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo wili daafaha caalamka ee kasocdaan dabaal degyada lagu weyneenayo xuska masha'iqda cilmiga iyo cabsida alle kumaqaamka gaartay Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheikh Maxamed Sheekh C/raxman ayaa waxa halkaani idinku soo gudbineenaa ixtifaal weyn oo masha'iqdaan loogu sameeyay Wadanka Sweden oo safka hore kaga jira meelaha ee kubadan yihiin Soomaalida kunool qaaradaan Yurub. Culuma’udiinka, Aqoonyahanada, Haweynka iyo dhalinyarada kunool magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa siweyn usoo camiray siyaaraadka Masha’iqda iyadoo siyaarada sanadkaanina ka dhigneed tii ugu balaarneed oo halkaa lagu dhigo .

Sida caadada u ah Culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac ayaa waxa munaasabada lagu furay Qadmooyinka Qur’aanka Kariimka, Subacyo iyo xilqooyinka dikriga Sida Seyliciyada, Uweysiyada iyo Axmadiyada.

Gunaanadki siyaarada ayaa waxa muxaadaro aad utaabatay qalbiyada dadki kasoo qeybgalay jeediyay Fadiilatu Sheekh C/raxman Sheekh Muxyadiin Celi iyadoo sidoo kale karaamaadki iyo taariikhda Sheekh C/raxman Sheekh cumar uu halkaa ka jeediyay Sheekh Maxamud Macalin Xasan Jimcaale.

Gabagabadi siyaaraadka ayaa waxey culimadi kasoo qeybgashay siyaarada fariin diini ah udireen guud ahaan umada muslimiinta gaar ahaan Soomaalida kunool qurbaha iyagoo ugu baaqay iney qabsadaan xariga Alle soona xaadiraan munaasabadaha nuucaan oo kale oo qalbiyada Mu’miniinta lagu nuuriyo .
Ahlubeytki kasoo qeybgalay siyaarada ayaa sidoo kale duco kuqatimay iyagoo alle uga baryay in umada Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida meel kasta ee joogaan qalbiyadooda isu soo dumo nabad iyo barwaaqana Alle siiyo .

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


Qaar kamid ah magacyada Culimadi Kasoo qeybgashay Siyaaradka Masha’iqda

• Shiikh Muqtaar Sheekh Muxyadiin Celli
• Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Muxyadiin Celi
• Shiikh Maxamuud Macalin Xasan
• Shiikh cabdulaahi salaad warsame
• Shiikh Cabdikariin Shiikh cumar
• Shiikh Cabdiraxmaan xussen xasan (fanax)
• Shiikh cabdiraxmaan maxamed xaanshi
• Shiikh maxamuud axmed sidqi
• Macalin siicali macalin
• General Shariif shiikhunaa maye
• Shiikh shaafici seerjito
• Macalin maxamuud mataan
• Macalin bile xaaji
• Macalin cabdi xaaji................

Abaabulka iyo habsami uqabsoomida Siyaarada ayaa waxa xil weyn iska saaray guud ahaan jameecada Reer Sheekh C/raxman Sheekh Cumar ee kunool wadanka Sweden ayna hormuud u ahaayeen qadumada magacyadooda aad hoos ka aqrisan doontaan.


• Maxamed Macalin Daa’uud (Shiino)
• Siid Cali Macalin Seerjito
• Dr. Axmed Maxamed Shaa’ib
• Xaaji Xasan Black
• C/raxman Sheekh Axmed yare
• C/raxman Macalin Daa’uud
• C/raxman Maxamed Yuusuf (Maanka)
• Maxamed Daa’uud Kuwaatare
• Maxamed Deeq Maxamud Xuseen Gurey
• yuusuf xussein
• C/raxman Xaaji Axmed
• C/raxman Siid Cali Macalin Seerjito
• Maxamed Cabdulaahi Boote
• Maxamed Maxamud Daacad
• Axmed Cabdulaahi Boote
• Maamo Faadumo Sheekh Muxyadiin
• Maamo Xaliimo Maxaa Dheere
• Maamo Binti Maxamud Wehliye
• Maamo Foos Muxidiin
• Maamo Nimco Abdirahman
• Maamo Foos Abdirahman
• Maamo Saciido Wehliye
• Maamo Faadumo Macalin Hadaafow
• Maamo Madiino Maxamuud Axmed
• Maamo Faadumo Sheekh Axmed Yare
• Maamo Xaliimo Xaaji Muxumed Ow Nuur
• Faadumo Xaaji Cabdullaahi
• Foos Daa’ud Xaaji Maxamud
• Batuulo Sheekh Daa’uud
• Luul Muqtaar Sheekh Muxyadiin
• Miski Xasan Muuse
• Faadumo Daahir
• Shukri Maxamed Cabdi
• Seynab Cabdulaahi Boote
• Filsan Cabdulaahi Boote

Waa Bahda Shabakada Warsheekh Xafiiska Gothenburg Sweden oo idin leh sanadkaan kiisa xige samo iyo siyaado nagu gaarsiiyo


Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip