Ra'iisul Wasaarihii hore oo kulan Sagootin ah la qaatay Hawl-wadeenada Xafiiskiisa (Sawiro)

0
Saturday December 21, 2013 - 15:02:56 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaarihii hore oo kulan Sagootin ah la qaatay Hawl-wadeenada Xafiiskiisa (Sawiro)

    Muqdisho, December 21, 2013…….Ra'iisul Wasaaraha hore ee XukuumaddaFederaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon " Saacid" ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay hawl-wadeenada xafiiska Ra'iisul Wasaaraha,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, December 21, 2013…….Ra'iisul Wasaaraha hore ee XukuumaddaFederaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon " Saacid" ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay hawl-wadeenada xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, waxana kulankan uu mudane Cabdi Faarax Shirdoon ku ammaanay shaqadii iyo dadaalkii ay muujiyeen dhamaan hawl-wadeenada xafiiska, isagoo ku boorriyey in ay laba-jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan. " Maanta aniga ayaa codsaday in aan idinla kulmo, waxaan doonayaa in aan aqoonsado shaqadii wanaagsanayd ee aad ila soo qabateen, waxaan qirayaa in la’aantiin aanan waxba qabteen. Dhammaan shaqada dowladdu laga soo bilaabo hoos ilaa kor waa kuwo is-kaabaya , shaqa kasta muhiimad ayey leedahay waana aqoonsanahay. Waxaan idiin rajaynayaa nasiib wacan, mustaqbal ifaya iyo inaad u sii shaqaysaan qaranka Soomaaliya” Sidaas ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hawl-wadeenada uga warramay geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay intii uu xafiiska soo hayey uu ku dadaalay adkaynta hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo inuusan marnaba qaadan go’aan lid ku ah qaranimada dalka. Mudane Saacid waxa uu kula dardaarmay hawl-wadeenada xafiiska in ay sii xoojiyaan shaqada ay hayaan, isagoo u rajeeyey nasiib wacan.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah hawl-wadeenada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay madasha ayaa bogaadiyey Ra’iisul Wasaarihii hore mudane Cabdi Faarax Shirdoon, iyagoo tilmaamay in uu wax badan u soo qabtay dalkiisa.

" Tan iyo xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi ayaan joogay Xafiiskan oo ka shaqaynayey, taariikhda cidna been kama sheegi karto iyadaana is qorta, dhinacyo fara badan ayey xukuumadda Saacid wax ka qabatay” ayuu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon oo goobta ka hadlay.

Dhammaan xubnihii kale ee hadlay ayaa iyaguna qiray waxqabadkii iyo hufnaantii mudane Cabdi Faarax Shirdoon, iyagoo ka dalbaday in maadaama uu markii horeba uu u shaqaynayey Soomaaliya uu halkiisii ka sii wado shaqada qaranka iyo u-adeegidda ummadda Soomaaliyeed.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip