Muqdisho 17/12/2013
Bismillahi R’axmani R’axiim.
Mudane Guddoomiye,
Guddoomiye ku xigeenno,
Xildhibaannada sharafta leh,
Masuuliyiinta iyo marti sharafta kale
Assalaamu Calaykum Warraxmatullahi Wabarakaatuhu
Alankiiaa
aha, alankii arlaada aha, jameecadiya ha ku jeeda, saacadun walaagi ka
bilowda elbaabkey siin furanya sommali dhanna in furan ya. Salaan
badanaa siin salamahaya waana mahadsan tiin.
Waxaa
maanta sharaf weyn ii ah inaan hortiinna imaado si aan u helo codkiinna
kalsoonida aad ku ansixinaysaan magaaabista uu Madaxweynaha
Jamhuuriyaadda Federaalka Somalia ii magaacabay xilka Ra`iisul Wasaaraha
XukuumaddaJamhuuriyada Federalka Somalia.
Golahani oo ah golaha sharci dejinta oo metala shacabka Somaliyeed kuna dhaqmaya awoodda uu siiyey dastuurka.
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Haddii
aan helo kalsoonidiina maanta, waxaan ballanqaadayaa inaan noqdo
raiisulwasaare soo dhisa xukuumad ka ballaaran tii ka horreeysey,
xukuumaddaas oo leh tayo aqooneed, hufnaan, karti waxqabad iyo matalaad
shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan.
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Aragtida
xukuumadda aan soo dhisi doono, haddii aan helo kalsoonidiina, waxaa
saldhig u ah abuurid soomaaliya cusub oo nabad ah, kula nool nabad iyo
xushmad deriska iyo dunida kalaba. Soomaaliyada cusub waxay ku dhisan
doontaa diimoqraadiyad ku salaysan hanaanka federaalka.Aragtidaas waxaa
saldhig u ah lixda tiir ee siyaasdda uu hoggaminayo dalka Madaxweynaha
JFS
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Dhibaatooyinka
iyo caqabadaha dalkeena haysta ama hortaagan maanta waad la wada
socotaan haddii ay tahay xag nabadgelyo, siyaasad, ijtimaaci,
baniiaadnimo iyo ku fidinta awoodda dowladeed degmooyinka iyo
gobollada.
Ujeedada
guud ahaan ee dowladda waa dhisid qaran ku dhisan sharci, kala dambayn
iyo mabaadii’da dowlad wanaagga si waafaqsan dastuurka ku meel gaarka ah
iyo xeerarka dalka, kobcinta dhaqalaha iyo kor u qaadista dakhliga
dowlada iyo ilaalintiisa, dib u heshiisin dhab ah, tayeynta Ciidamada
nooc kaste oo ay yihiin, baabi’inta caddaalad darada iyo dib-ula soo
noqoshada qaranimada Soomaaliyeed.
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Ujeeddoyinka
aan soo sheegay waxay ku salaysan yihiin ayadoo la lafaguray, lana
tixgeliyey xaaladda hadda dalku marayo iyo hiigsashada barnaamijka ina
gaarsiin kara 2016. Mudnaanaha lagu gaarayo ujeedooyinkaas oo aan ku
tifaftiri doono barnaamijka xukuumadda aan golahaan soo hordhigi doono
haddii kalsoonidiina is siisaan maanta, haddii eebbe idmo, waa sida soo
socota:
1.Sugidda Amniga iyo xasilinta Dalka.
Xukuumadda
aan soo dhisayo waxa ay mudnaanta kobaad siin doonta xooggana saari
doontaa sugidda amniga iyo xasilinta dalka taas oo aan la’aanteed aanay
suura galayn wax horumar ah, dhaqaale kobcin iyo adeeg bulsho.Siyaasadda
amniga ee xukuumadda aan soo dhisayo waxay ku slaysan thay la
dagaalanka argagixisada, xagjirnama, burcad badeedka, khilaafaadka
hubaysan ee beelaha, burcadnimada iyo falalka kale ee qaranimadeena wax
yeelaya (crimes against the state) Si ujeedooyinkaas looga gun gaadho
waxay xukuumaddaydu ku dhaqaaqi doontaa haddii eebbe idmo:
·Dib-udhiska
ciidamo muuqaal qaran leh, ha noqdaan kuwa nabadgelyada boliiska,
asluubta iyo xoogga dalka sommaliyeed kuwasoo oo hanan kara kalsoonida
shacabka Soomaaliyeed kuwasoo tayeysan, tababran hoggan suubanna leh.
·Waxay
xukuumaddu u hawl gali doontaa agaanshaha tirada iyo tayada ciidamada
aan xusay ee hadda jira. Xukuumaddu waxay joogtaynaysaa waxa allale
wixii xuquuq ah ee ay mudan yihiin ciidamada.
·Xukuumaddu
waxay dib u habaynbaysaa hayadaha amniga heerarka kala duwan.
Hayadahaas waxaa saldhig u noqon doona shaqo qaybsi cad, wada shaqayn
dhab ah, laxisaabtan iyo u adeegidda bulshada
·Xukuumadaydu
waxay ku dhaqaaqaysaa hub ka dhigista iyo dhaqan celinta malleshiyaadka
ayadoon la aqbali doonin ciidamo hubaysan oo ka baxsan ciidamda qalabka
sida ee dowladda.
·Sidoo
kale xukuumaddu waxay qorshe u dejin doontaa in ay gacanta ku dhigto
aagagga ay ku sugan yihiin xoogagaga nabad diidka nooc kastoo ay yihiin
anagoo kaashanayna saaxiibdayada AMISOM iyo beesha caalamka.
·Xukuumaddu
waxay la shaqaynta doontaa dhamman qaybaha bulshada, si ay gacan wax ku
ool ah uga gaystaan sugidda amniga iyo xasalinta dalka taasoo dantoodu
and tan dalkuba ku jirto.
·Xukuumaddu
waxay diyaar u tahay inay soo dhawayso cid allale ciddii ka soo
noqonaysa xagjirnima oggolna jiritaanka qaranimada soomaliyeed iyo ku
dhaqanka diinteena suuban ee saxda ah.
·Xukuumaddu
waxay wacyi gelin doontaa dhallinyarada fekerkooda la khalday waxayna u
fidin doontaa gacan horumarineed sida tababar xirfadeed, fursado shaqo
iyo wixii kale ee ku dhiirigelinaya inay ku soo biiraan bulshadoodii.
·Xaga amniga Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay xoojinaynaa Iskaashiga iyo wada shaqaynta dalalka deriska iyo beesha callamka.
Dhaqaalaha:
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Haddii
aad isiisaan codkinna maanta xukuumadda aan soo dhisi doono waxay noqon
doontaa mid ku shaqaysa siyaasad furfuran oo dalka u horseedi karta
koboc dhaqaale taasoo door weyn ka qaadanaysaa dib-udhiska iyo xasilinta
dalka. Si aragtidaasu u hirgadsho xukuumaddu waxay ku dhaqaaqi doontaa
tallaabooyinkan.
·Diyaarinta
shuruucda iyo siyaasadaha lagu maamulayo dhaqaalaha iyo maaliyadda oo
tifaftiran oo ay ka mid yihiin xeerarka iyo siyaasaha canshuur ururinta,
maareynta daklinga dowladda iyo maalgelinta.
·Xukuumadaydu
waxay u hawl geli doontaa dhisidda iyo tayeynta hayadaha lafdhabarka u
ah dhaqaalaha iyo maaliyadda sida bankiga dhexe, hantidhowrka guud,
xisaabiyaha guud iyo hayadaha kale ee lagamamarrmaanka ah.
·Xukuumaddu
waxay dhiirigelinaysaa waxsoosaarka iyo suuqgeynta beeraha xoolaha iyo
kallunumysiga si kor loogu tayada nolosha dadweynaha.
·Xukuumaddaydu
waxay abuuri doontaa mashaariic keeni karta shaqo abuur ayadoo looga
faaiideynayo shacbiga gaar ahaan dhalinyarada, haweenka iyo
barakacayaasha dalka gudihiisa.
·Xukuumaddu
waxay dhiirigelinaysaa baarista iyo soo saarista khayraadka dabiiciga
ah ee dalka ayadoo laga baaraandegayo qaabka ugu haboon ee lagu gaari
karo ujeedadaas waafaqsana shuruucda.
·Xukuumaddaydu
waxay fulin doontaa barnaamijka "New Dealcompact programme” iyadoo la
sugayo tayada barnaamijka si shab ahana loola xisaabtamayo hayadaheena u
xilsaaran iyo deeqbixiyayashaba.
Siyaasadda Arrimaha Dibedda
Ujeeddada
xukuumadayda ee ku aadan arrimaha dibedda waxaa sal u ah soo celinta
siyaadada iyo sharaftadalkeena. Si loo gaaro gaaro taa:
·Xukuumadaydu waxay ku shaqayn doontaa siyaasad furfuran oo ku dhisan is ixtiraam, is xaqdhawrid iyo faragelin la’aan.
·waxay
wada shaqayn buuxda la yeelan doontaa dhammaan dunida gaar ahaan dalaka
aynu saaxiibka nahay iyo ururada aynu xubinta ka nahay.
·Xukuumaddaydu waxay dhowri doontaa dhamman heshiisyadii hore loo galay hadii ay waafaq san yihiin dastuurka iyo shuruucda dalka.
·Xukuumaddu waxay tayeyn doontaa adeegyada diblomaasiyadeed ee qaranka.
Siyasadda Arrimaha Gudaha
Hawlaqabadka
xukuumadayda ee arrimaha gudaha waxaa bartilmaameed u ah
dib-u-heshhissin dhab ah, xiriir wada shaqayn ee u dhexeeya gobollada
iyo dawladda oo ku dhisan hannanka federaalka iyo higsashada
doorashooyin xor ah.
·Xukuumaddu
waxay ka shaqayn doonta sii xoojinta iyo horumarinta haykalka dawliga
ah iyo kan dastuuringa waxayna si dhaqsa ah ugu hawlgalaysa soo jeedinta
dhismaha guddiyada dastuurku idmay ee aan weli la dhisin.
·Xukuumadaydu
waxay soo jeedinaysaa dib u eegista dastuurka qabyada ah waxayna
diyaarin doontaa aftida loo qaadi doono dastuur dhamaystiran dhammadka
2015
·Xukuumaddu waxay soo jeedin doontaa shuruucda lagu maamulayo qabashada doorasho xor ah oo madax bannan sannadka 2016.
·Xakuumaddu waxay horseedi doontaa gaarsiinta dalka hanaanka federaalka ayadoo lagu dhaqmayo dastuurka iyo shuruucda dagsan
·Xukuumaddu
waxay u hawlgeli doontaa helitaanka hannan xiriir iyo wadashaqayn ka
dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulada gobolada ayadoo loo marayoo
wadada wada tashiga.
Arrimaha Bulshada:-
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Haddii aad codkiinna maanta I siisaan; waxa aan soo dhisi donaa xukuumad kor u qaadda adeegga bulshada dalka.
Siyaasadda
xukuumadaydu waxay noqon doontaa in la gaarsiiyo shacbiga Soomaaliyeed
adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, isboortiga shaqo
abuurista iwm.Si taa loo gaaro xukuumaddu waxay ku tallabsanaysaa
·Gacan ku soo celinta, dib u-dhiska iyo tayaynta xarumaha adeegyada bulshada sida isbitaalada, waxbarashada iyo isboortiga
·Dib-u-habaynta shuruucda saameysa dhammaan laamaha adeegga bulshada.
·Dib u-dhiska iyo dib-u-habaynta hayadaha adeega bulshada ha noqdaan kuwa dowladda iyo kuwa gaarka ahba
·Xoojinta iskaashiga adeegga bulshada ee aynu la leenahay dunida iyo toosinta maamulkooda.
Kobcintakaalinta qaybaha bulshada.Xukuumaddu waxay ka hawlgeli doontaa
·Xoojinta
kaalinta ururada bulshada rayidka ah, haweenka, dhallinyarada iyo
naafada ay ka qaadanayaa arrimaha siyaasdda, mujtamaca iyo dib-udhiska
dalka iyagoo u madax bannaan hawlahooda.
·Xukuumaddaydu
waxay fiiro gaar ah u yeelanaysaa waxna ka qabanaysaa dhowrista
xuquuqda kooxaha jilicsan ee bulshadeena sida haweenks, caruurta, da’
weynta naafada iwm
·Xukuumadda waxay hawlgelinaysaa guddiga madaxa bannan ee xuuququ insaanka
·Xukuumaddaydu
waxay kor u qaadaysaa kaalinta oday dhaqameedyada, culuma-u-diinka iyo
indheer garadka. Sidoo kale xukuumaddaydu waxay dhiirigelin doontaa
warbaahinta xorta ah oo ku dhisan dhaqan saxaafadeed suuban (code of
conduct)
·Xukuumaddaydu
waxay balan qaadaysaa inay difaacdo xuquuda shaqaalaha iyadoo dib u
habayn doonta oo dhaqan doonta shuruuc ku saabsan arrintaas
·Xukuumada
waxay xoojin doonta daryeelka iyo dib udejinta barakacayaasha gudaha,
isla markaana waxay xil adag iska saari doonta maareenta habsami u soo
noqoshada iyo dib u dejinta qaxootiga somaliyeed ee dalka dibeddisa
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Addeegga Garsoorka:Dowladda
aan dhisi doono haddii aad i siisaan codka kalsoonida waxay ku dadaali
doontaa inay xaqiijiso in muwaadhinku helo adeeg garsoor oo ku dhisan
caddaalad cid walba u siman tahay qofna qof kale ka sarayn qanuunka
hortiisa.Si taa loo gaaro,
·Waxay
xukuumaddaydu dib u habayn doontaa si dhaqsi ah kaabayaasha garsoorka
sida maxkamadaha, xeer ilaalinta, booliiska dembiyada baara, xabsiyada
iyo xubnaha garsoorka.
·Xukuumaddu
waxay xuli doontaa garsoorayaal caddaalad ku shaqeeya oo lagula
xisaabtamo hufnaatooda ayadooxukuumaddaydu aqoonsan kala qaybsanaanta
awoodaha qaranka (separation of powers) sida ku qeexan dastuurka.
Deegaanka iyo Biiadda.
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Waxaad
la socotaan xaalada murugada leh ee ay sugan tahay bii’adeena taasoo ay
tahay in deg deg wax looga qabto. Xukuumaddada, haddii aad kalsoonida i
siisaan waxay soo jeedin doontaa shuruucda ka hortagga xaalufinta
deegaanka iyo bii’adda.
Deegaameynta Hayadaha Dowladda
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Xukuumaddaydu
haddaad I siisaan kalsoonida waxay qorshe u dejinaysaa in hayad waliba
ku noqoto xarunteedi hore. Arrintaas oo fududeynaysa gaarsiinta
adeegyada degmooyinka kala duwan ee dalka islamarkaana wax weyn ka
beddeli karta arrimaha la xiriira nabadgelyada.
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
Waxaan
intaas kusoo koobayaa aragtidayda siyaasadeed ee xukuumadda aan si
dhisi doono ay ku shaqayn doonto haddii ay hesho kalsoonidiina.
Waxaan
mudanayaal idiin ballanqaadayaa haddi ilaah idmo in xukuumaddaydu
noqoto mid fulisa dastuurka dalkaiyo shuruucda kale ee uu ansixiyo
golahaan.
Waxay
xukuumaddaydu noqon doontaa mid u dhega nugul kormeerka iyo la
xisaabtanka (oversight and accountability) ee golahani xaqa dastuuriga
ah u leeyahay.
Waxay
si dhaw ula shaqayn doontaa xukuumadeydu guddiyada kala duwan ee
baarlamaanka si loo dedejiyo mashruucyada sharciyeed iyo heshiisyada
xukuumaddu hor keeni doonto golihiinaan sharafta leh.
Mudane Guddoomiye, X/dh Sharafta leh
waxaan
si xushmad leh idiinka codsanaynaa in aad I siisaan iiguna deeqdaan
kalsoonidiina buuxda si aan u soo dhiso xukuumadda iyo barnaamijkeeda
aan idiin horkeeni doono sida ugu dhaqsiiyaha badan.
Waad mahadsantihiin, WABILLAHI TOWFIIQ
20 ka December 2013
Mudane: Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed
Riisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya
Warsaxaafadeed Khudbadda Ra'iisul Wasaare Dr. Cabdiwali uu ka jeediyay Golaha Baarlamaanka
Khudbadda His Excellency Abdiweli Sheikh Ahmed, Raiisulwasaaraha Jamhuriyadda Federalka Somalia Munaasabadda Ansixinta iyo dhaarinta R/wasaaraha