(Tacsi) Ganacsade Injineer Muriidi Xaaji Dalfac oo Geeriyooday

0
Sunday December 29, 2013 - 11:51:57 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 5512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Tacsi) Ganacsade Injineer Muriidi Xaaji Dalfac oo Geeriyooday

    Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi rajicuun, Allaah Unaxariistee Waxa Dalka Jarmalka kugeeriyooday, Injineer Muriidi Xaaji Axmed dalfac, oo magac iyo maamuusba kudhax lahaa bulshada Soomaaliyeed iyadoo geerida kutimid marxuumkana looga tacsiyeenayo dhama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi rajicuun, Allaah Unaxariistee Waxa Dalka Jarmalka kugeeriyooday, Injineer Muriidi Xaaji Axmed dalfac, oo magac iyo maamuusba kudhax lahaa bulshada Soomaaliyeed iyadoo geerida kutimid marxuumkana looga tacsiyeenayo dhamaan ehelka, Qaraabada iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeed, Eng Muriidi Xaaji Dalfac ayaa waxa uu hore uga tirsanaa Injineeraddii waaweynaa ee Soomaliyeed ee wax ku soo bartay dadlka dibadiisa, ka dibna aqoontooda uga faaiideeyey wadankooda, wuxuuna wax ka dhisay dhimayaal badan oo caan ahaa oo badankood ku yaalla wadanka magaalooyin kala duwan, waxaana kamid ahaa , Madxafkii qaranka, Maktabadii qaranka, guriyaha Xamar bile iyo xaruuntii waaxda dhismaha millatariga, kulliyadda Jaale siyaad iyo Cisbitaalo.

Markii dambe ee u burburay dalka wuxuu ka mid ahaa Somalidii ganacsiga ballaran ka abuurtay Dubai, dalka iskutagga Imaaraadka carabta.

Wuxuu ifka kaga tagay 8 caruur ah iyo hooyadood iyo dhamaanba umada Soomaaliyeed.
Guud ahaan hadii aanu nahay bahda Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada Warsheekh inagoo isku duuban waxanu Tacsi tiiraanyo leh udireena dhamaan Qoyska reer Xaaji Dalfac iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeed waxana eebe uga baryeenaa marxuumka in Janatu Fardowso ka waraabiyo.


Xuquuqda Qoraalka: Wariye Aamina Muuse Wehliye

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip