Baarlamaanka Puntland oo maanta fadhigoodii ugu horreeyey isugu yimid kaddib markii ay shalay doorteen guddoonka sare ee Golaha, ayaa maanta ansixiyey hab-raaca guddiga xildhibaanada ah ee maamuli doona doorashada madaxtinimada.
Guddoomiyaha guddiga doorashada
madaxtinimada ee Puntland Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo waxyar
kadib markii uu baarlamaanku ansixiyey hab-raaca ay ku shaqeyn doonaan
warbaahinta la hadlay, ayaa soo bandhigay shuruudaha laga rabo
murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne
ku-xigeenka.
Shuruudaha murashaxiinta lagu xiray waxaa ugu mihiimsanaa:
- Inuu yahay muwaadin u dhashay Puntland, Muslim ah islmarkaana aan qabin haweeney ajnebi ah.
- In
murashaxa madaxweynuhu uu bixyo khidmad dhan $10,000 (toban kun oo
doolar) murashaxa xilka madaxweyne ku-xigeenkuna uu bixiyo $5,000 (Shan
kun oo doolar).
- In shantii sano ee ugu dambeysey hantidiisa khaaska ah aanay maxkamadi xannibin islamarkaan aan lagu helin khiyaamo qaran.
- Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo hoggaamineed.
- In da'diisu aanay ka yarayn 40 sano.
- Murashaxiintu waxay ka imaan karaan baarlamaanka dhexdiisa iyo dadweynaha caadiga ah.
Guddoomiyaha
guddiga doorashada madaxtinimada ee Puntland Xildhibaan Saadiq Abshir
Garaad, ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida murashaxiintu ay
bilaabmeyso galabta ayna ku egtahay 6-da bisha.
Howsha
guddiga doorashada -oo ka kooban 6 xildhibaan- waxay tahay maamulka
doorashada, tirinta codadka, soo gudbinta natiijada doorashada iyo
qabashada khidmadda laga qaadayo murashaxiinta u tartamaya xilalka
madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.
Baarlamaanka Puntland oo
ka kooban 66 mudane, iyaga ayaa soo dooran doona madaxweynaha iyo
madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wuxayna shalay doorteen guddoonka sare
ee baarlamaanka.
Shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta u taagan xilalka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la shaaciyey
Baarlamaanka Puntland oo maanta fadhigoodii ugu horreeyey isugu yimid kaddib markii ay shalay doorteen guddoonka sare ee Golaha, ayaa maanta ansixiyey hab-raaca guddiga xildhibaanada ah ee maamuli doona doorashada madaxtinimada.