Askari hore udilay Arday oo xukun dil ah lagu fuliyay (Sawirio)

0
Monday January 06, 2014 - 11:59:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari hore udilay Arday oo xukun dil ah lagu fuliyay (Sawirio)

    Maxakamada ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed kaasi oo horey u dilay arday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxakamada ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed kaasi oo horey u dilay arday.
Sideeddii aroornimo ee saaka ayaa maxkamadda darajada Koobaad ee ciidamada qalabka sida waxa ay dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada qalabka sida oo degmada Howlwadaag hore ugu dilay arday Soomaaliyeed oo la oran jiray Cumar Maxamed Axmed kaasoo wax ka baranayay mid ka mid ah dugsiyada ku yaala Muqdisho.

Dilka maxkamadu saaka ku fulisay Ex- Dable Maslax Ciise Iimaan ayaa ka dhacay fagaaraha iskool Boliisiya, waxaana halkaasi ku sugnaa gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida, saraakiil ka tirsan ciidamada, mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweyne usoo daawasho tagay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay iney jiraan xukunno kale oo dil ah kuwaas oo maxkamaddu fulin doonto maalmaha soo socda.


Riix Halkaan 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip