Siyaarada Sheekh Aweys Sheekh Muxyidiin Sheekh Aweys Dheere oo lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawiro)

0
Saturday January 11, 2014 - 19:36:50 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaarada Sheekh Aweys Sheekh Muxyidiin Sheekh Aweys Dheere oo lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawiro)

    Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu soo qatimay Siyaaradi Sheekh Aweys Sheekh Muxyadiin Sheekh Aweys Dheere oo kadhaceysay Xarunta Sheekha ee Degmada Xamar Jajab magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu soo qatimay Siyaaradi Sheekh Aweys Sheekh Muxyadiin Sheekh Aweys Dheere oo kadhaceysay Xarunta Sheekha ee Degmada Xamar Jajab magaalada Muqdisho
Siyaarada Sheekh Aweys Thani oo sanad waliba xiligaan oo kale lagu qabto xarunta sheekha ee degmada Xamar jajab ayaa waxa uu socday qur’aan aqriska siyaarada Sadex maalin iyadoo galabta maanta ahna lagu soo qatimay banaanbax aad ubalaaran oo siweyn uga soo qeybgaleen jameecaadka Ahlu Daruuqu Suufiyah.

Xilqooyinka Dikriga sida Axmediyada, Rufaaciyada, Uweysiyada iyo Seyliciyada ayaa la oogay iyadoo sidoo kale ee bar bar socdeen xilqooyinka dikriga, Subacyada Qur’aanka kariimka oo ee soo xaadireen mucalimiin iyo ardayda dugsi Qur’aanka magaalada Muqdisho.

Gaba gabadi Siyaarada ayaa waxa duco kusoo qatimay saaxibul Sijaadaha Dariiqada Qaadiriya Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxyadiin Sheekh Aweys.

Qudubka Dariiqada Qaadiriya Sheekh Axmed ayaa duco dheer oo ruxday qalbiyada mucashaqiinti kasoo qeybgalay Siyaarada Sheekha, isagoo gaba gabadina Caalamu islaamka gaar ahaan umada Soomaaliyeed eebe uga baryay inuu qalbiyadooda isu soo dumo, isagoo faray sheekha in umada Soomaaliyeed meel kasta ee joogaan ee qabsadaan Xariga Alle iyo daacadiisa.

Jawiga siyaarada ayaa waxa uu kusoo gaba gaboobay si qurux badan iyo farxad camimtay qalbiyada dadki kasoo qeybgalay oo dhan.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


Axmed Sheekh Abuukar
Magaalada Muqdisho

E-Mail: warsheekh10@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip