Madaxweyne Faroole oo si rasmi ah Xafiiska ugu wareejiyay Madaxweynaha ladoortay (Sawiro)

0
Tuesday January 14, 2014 - 14:17:10 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Faroole oo si rasmi ah Xafiiska ugu wareejiyay Madaxweynaha ladoortay (Sawiro)

    Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay madaxweynihii hore C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole kaddib markii uu ku guuleystay 8-dii bishaan xilka Madaxtinimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay madaxweynihii hore C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole kaddib markii uu ku guuleystay 8-dii bishaan xilka Madaxtinimo. Munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay, iyadoo si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada Garoowe.

Madaxweynihii hore ee xilka wareejiyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xilka uu maanta ku wareejiyo Dr C/weli Maxamed Cali, isagoo xusay in uu sii amba qaadi doono mashaariicdii ay wadday dowladdu intii uu xilka hayay, isagoo amaan u soo jeediyay xubnihi shanta sanno ee la soo dhaafay la shaqeysay.

Faroole ayaa ka codsaday shacabka reer Puntland in ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay, isna dhankiisa uu diyaar la yahay in la shaqeeyo.

Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegay Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa Madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee uu xilka ku wareejiyay iyo howshii adkeyd ee uu soo qabtay muddadii shanta sanno ee uu ka talinayay deegaannada maamulka Punland.

Dr C/weli ayaa hoosta ka xariiqay in goor dhaw uu soo dhisi doono hay’adaha dowladda, isagoo inta ka horeysa howshaasi ku baraarujiyay ciidamada qalabka sida in ay ka shaqeeyaan xoojinta amniga, shacabkuna ay u diyaar garoobaan ka shaqeynta horumarinta dalka.

Shalay ayey aheyd markii uu xilka Gudoomiyenimo ee Golaha Wakiillada Puntland Saciid Xasan Shire kala wareegay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi, taasi oo ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip