Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay qalabeysay ciidamo lagu tababaray dalka gudihiisa, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka. Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad lagu qalabeynayay ciidamo dhameystay tababar, kuwaasoo loo dhameystiray dhamaan qalabkii iyo gaadiidkii.
Jen, Dahir Aadan Cilmi ayaa kula dar daarmay ciidamada la qalabeeyay inay ka qeyb qaataan dadaalada iyo howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in loo baahan yahay in askariga dhowro xuquuqda dadka, isla markaana dalkiisa uu waajib iska saaro difaacida.
Ciidamadan loo dhameystiray qalabkooda ayaa loogu magac daray Cali Buubaaye 2, kuwaasoo ahaa ciidankii u horeeyay ee lagu tababaro dalka gudihiisa, waxaana ciidamada lagu hubeeyay hubka noocyadiisa kala duwan sida qoryaha fudud ee Ak47 iyo gaadiidka dagaalka.
Askari walba ee la qalabeynayay ayaa laga qorayay magaciisa, isla markaana laga saxiixayay qoriga uu qaatay, waxaana askari kasta la marsiinayay hab sharci ah oo lagula xisaabtami karo qoriga la siiyay iyo rasaasta.
Taliska Ciidamada xooga dalka ayaa sheegay inay rajeynayaan in sanadkan ciidamada ay ka qeyb qaataan sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dhamaan gobolada dalka oo dhan, isla markaana ay ku guda jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay.
Fiiro Gaar Ah, Hadii
aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan
"War Farxad Leh oo mudo la sugayay", Ciidamadi ugu horeeyay oo la qalabeeyay (Sawiro)
Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay qalabeysay ciidamo lagu tababaray dalka gudihiisa, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.