Tarsan ma Mudnaa Talaabadaan ?

0
Friday January 17, 2014 - 15:08:24 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2139
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Tarsan ma Mudnaa Talaabadaan ?

    Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay inta aanu ansixin Golaha Baarlamaanka waxaa ka hor yimid mucaaradii ugu horeysay, kaddib markii uu iska casilay Wasiir K/Xigeenka Dhallinya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay inta aanu ansixin Golaha Baarlamaanka waxaa ka hor yimid mucaaradii ugu horeysay, kaddib markii uu iska casilay Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo loo magacaabay Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaasi uu u magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

Tarsan ayaa sheegay in isagu xilkaasi uusan dooneynin isla markaana uu yahay nin ay dadku wada yaqaanaan.

"Reer Sheekh aniga ilama tashan, waana iska casilay jagada ay ii magacaabeen ee Wasiir K/Xigeenka" ayuu yiri Md. Tarsan oo sheegay in lagu degdegay magacaabista jagadaasi.
Waxaa uu sheegay in xataa Wasiir uusan dooneyn, maadaama aan lala tashan sida uu hadalka u dhigay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip