Tarsan iyo dhaqan xumadiisa‏

1
Wednesday October 08, 2014 - 03:10:22 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tarsan iyo dhaqan xumadiisa‏

    Dhibaatada Dalkeena Somaliya ladagi la.yahay ilaa iyo waqtigii Xurnimada 1960 waa cadaala darro laakin waxaan modayay mar hadii inta badan somalida garawsadeen cudurka dilooday uu yahay cadaalad xumo hadii lahelo garsoor wanaagsan Dadka iyo Dalka hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhibaatada Dalkeena Somaliya ladagi la.yahay ilaa iyo waqtigii Xurnimada 1960 waa cadaala darro laakin waxaan modayay mar hadii inta badan somalida garawsadeen cudurka dilooday uu yahay cadaalad xumo hadii lahelo garsoor wanaagsan Dadka iyo Dalka horuumar gaarayo waxaase nasiib daro ah in Abuukar Cumar Cadaan oo ah ruux waqti badan Dekada Ceel macaan xoog iyo xeelad ku heestay. Markuu waayay Dekada ceelmacaan dibna loo furay Dekada weyn ayuu door biday in uu ku biiro ururkii burburay ee XISBI ISLAAM waana ruxii dhaqaalaha badan ku bixiyay in la barakiciyo shacabka intii ku hartay Magaalada Muqdisho. Sababta uu kalahaa waxey aheed in uu dib u furto Dekada Ceel macaan mase u suurta galin wixii waqtigaas ka danbeyay nafsadiisa ayuu wadanka ugu cararay markii uu bururay Ururkii XISBI ISLAAM .
Abuukar C. Cadaan muxuu sameeyay kaddib markuu wadanka dib ugu soo laabtay wuxuu dhaqaale badan ka soo ururiyay Ganacsato badan oo ku naaxay dhiiga shacabka wayoo waqtigii ay furneed Dekada Ceel Macaan waxaa kasoo deji jireen kana dhoofin jiray wax kastoo xeerarka dunida ka mamnuuc ah. Tusaale DAAWO DHACDAY RAASHIN DHACAY Waxaana laga dhoofin jiray UGAARTA DUUR JOOGTA LAB IYO DHEDIG, QALBKA WARSHADIHII WADANKA, DHUXUSHA iyo wax kastoo mamnuuc ah.

Ina Cumar Cadaan wuxuu soo arkooday dhul ku yaalo Degmada shibis oo xiligii Xukunkii milatariga shacab fara badan lagu yiri dan-guud ayaa Dowladda kula wareegtay. Dhulkana intiisa badan wuxuu ahaa DAMAANYAALE(DEMANIIALE..) shacabkii dhulka laga xoogay inta badan waxaa loo wayay dhul ku haboon wayoo dhulka DAMAANYALAHA ruuxii laga qaado waa in lasiiyaa meel lamida meeshii laga qaaday ama dhul loogu beddelo oo u dhigma kii laga qaatay.

Horaantii sideetamaadkii Xassan Abshir waqtiguu ahaa DUQA MALADA XAMAR uu soo amray in loo sharciyeeyo Haweeney ay isku reer yihiin iyadoo magdhaw looga dhigaayay Ninkeeda oo ka tirsanaa urukii SSDF laguna dilay xabsi ku yaal XERADA OODWEYNE. Xasan Abshir wuxuu ammar ku bixiyay in naagtaas dhulka loo soo cabbiro wuxuuna soo diray shaqaalihii qaabilsanaa oo ahaa (GEOMETRI) DHUL Cabbirayaal, kuwaasoo markii ay arkeen in dhulku yahay mid sharciyeysan oo ah DEMANIALE Waxay ku laabteen Hasan Abshir una shegeen in dhulka dad hore danguud looga qaaday, arrintuna waxay agtaal Wasaaradda Howlaha Guud oo ka mas'uul ah wixi demaniale ah.
waxaana ku shaqo leh WASAARADA HOWLAHA GUUD sida sharciga ku qoran DAMAANYAALE lagama dhigikaro MUNISHIBAALE Hasan Ashir markii loo sheegay wuxuu ku yiri waa ammar ee haloo sharciyeeyo waxaana arinkii ka warhelay shacabkii horay looga qaaday kadib waxey qabsadeen ABUUKAATO Dr Ismacil Jimaale Allah u naxariistee waxaana jiray sharci la soo baxay 1973 dhulkii danguud loolawreega hadii shaqsi lasiinaayo waxaa xaq uleh in loo celiyo midkii hore waxaana maxkamadii soo qortay in ay leeyihiin dhulka ruxii horay looga qaaday waana warqadaha ay ilaa iyo waqtigaan cadey ahaan u heestaan iyo qaar kaloo ah waqtigii dhulka si sharci ah loo siiyay 1963

Markii laga warhelay in Abuukar Cumar Cadaan in uu Gobolka Baraadir warqad ugu soo xalaalestay in isga uu leeyahay dhulkaas kadib waxaa la.aaday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan shacabkii dulmanaa waxaa ku adkaatay sidii ay Gudoomiye Tarsan la kulankiisa waxaa laweydiiyay lacag holfududeen ah dhibaato badan kadib nasiib wanaag waxey heleen balan ay kula kulmaan Guddoomiye Tarsan markii lagu sameeyay baaritaan wax yar kadib waxaa xaruunta gobolka soo galay Abuukar C Cadaan oo ay galbinaayaan maleshiyaad ilaalo u ah iyagoo hubkooda wato oo aan la baarin ayeey soo galeen Xaruunta Gobolka Banaadir.

Waxaa bilaawday Dacwadii Tarsan ayaa weydiiyay Dadka dacwoonaayo hadey wataan wax cadeyn ah waxaa miiska loo saaray dhamaan warqadihii lahaanshaha oo labixiyay 1963 midii DAMAANYAALAHA iyo warqadii dib loogu soo celiyay dhulkii Hasan Abshir uu siiyay Haweeney isku heeb yihiin kadib Abuukar ayaa la su.aalay isagana wuxuu cadeyn u heesto waxaa uu yiri dhulka waxaan ka iibsaday 3bil ka hor nin ka gatay haweneey horay loo siiyay warqada uu abuukar heesto waxaa ku qornaay dhul cabirkiisu yahay 15000 M2 markaa kadib Tarsan ayaa Abuukar ku yir Xaaji Abuukar waxaan filayaa in warqadahaan meel loo dhaafo laheyn dadkaana wax sax ah wataan markuu intaa Tarsan yiri Ayuu Abuukar C Cadaan yiri waxaad shalay ii saxiixday miyaad leedahay meel loo dhaaf malaha ogoow Tarsanow Xafiiskaan waa lagaaga horeeyay waana lagaaga danbeydonaa markaa ka dib Tarsan ayaa ku yiri Abuukar markaan kuu saxiixaayay waxaad igu tiri dhul aan shaci uheesto ayaa leyga daganyahay laakin dhinaca kale maan wareeysan warqadaan kuu saxiixay waa qalad aniga dhankeyga ka yimid waxaana Tarsan ku yiri safar ayaan u baxayaa markaan soo laabto ayaan wada kulmeeynaa.

waxaa dhacay in masuul kamida Gobolka Banaadir lagu magacaabo Cabdikaafi oo dhawaan qarah ku dhintay u yimid mid kamida Mikilayaashi dhulka kuna qaaday babuurkiisa una geeyay Abuukar C Cadaan oo ku sugaayay Hoteel Magaalada muqdisho kuna yiri waxaan kuu keenay in aad Xaajiga u saxiixdo warqad isgana uu LACAG intaad ku qanacdo ku siiyo waxey ku jawaabtay dhulkeyga iib iima ahan kadib Abuukar ayaa ku yiri ma.ogtahay adiga hadaan is afgarano inta kale waan ka adkahay laakin adiga waxaa kuugu xushmeynayaa Xaaskeyga ayaad qaraabo tihiin ee i afgaro dood dheer ka dib Abuukar kuma guuleysan u jeedkisii ahaa in uu ka saxiixdo warqad .


Waxaa lagaaray balantii 2aad Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan markuu soo galay wuxuu hadal ka bilaabay dhulka waxaa Dowladii Milatariga siisay Nin HIIROO AMA GEESI ah oo ku dhintay Dagaalkii GODEEY 1977 waana hubaa warqadahiina waa sax laakin sidaas ayaa legu yiri waxaa lasiiyay xaaskii uu ka dhintay Geesiga waxaa lagu dhahay Ninkaad dhaheyso waa halyeey Geesi ah wuxuu ku dhintay Xerada ciidamada Oodweyne Xabsi ku yaalo waa shaqsi ku biiray Jabhadii Mucaaradka ku aheeyd Xukunkii Milatariga ee SSDF Tarsan waxa loo sheegayo dhago umalahey wuxuuna u muuqday ruux wax damacsan Aqristow qoraalkaan haduu Tarsan dhihin waa in uu ka hadlaa laakin haduu ka aamuso waa mid uu yiri.



Aqristoow waxaa dhacay 20/4/2013 mid ka daran wixii dhacay waqtigii Xukunka milatariga wadanka Cadaala daradii uu ku dhaqmaayay keentay in 21 sano fowdo ay ka jirto wayoo waxaa dhacday in Abuukar C Cadaan iyo Ganacsato caan ah oo aan waqtigaan Magacyadooda halkaan inaan ku sheega dooneen baritaan socodo awgeed laakin xili kale soo gudbin doono ay lacag howlfududeen ah siiyaya waxaana laga xusi karaa Masuul Gobolka Banaadir Abdikaafi waxaana ruuxa warqada ka soo saxiixay Wasiirka Arimaha gudaha oo lagu amray sharci daro lagu burburiyo dhul si shargi ah u leeyihiin shacab waliba iyagoo lagu war galin si gadis ah lagu dumiyay dhamaan wixii hanti dhax yiilay laguna dhaawacay caruur iyo Dad waween waxaana garab socoday meeshii ladumiyo in laga bilabo dhismo uu dhisanaayo Abuukar Cumar cadaan.

Sharciga L.10aad soona baxay (17/12/1980) maamulka dhulka ee Gobolka Banaadir Qodobkiisa Baaragraafka 4aad.
Waxaa ka reeban in dhul qof laga qaaday qof kale la siiyo , isla Qodobka 6aad wuxuu urogid leeyahay isticmaal ku meel gaar ah. Hase yeeshee looma rogi karo midka rasmiga ah ku meel gaar .
(Dhul Damanyaale ah looma rogikaro Munishibaale ah).Tan kale looma soo marin qodobka 17 aad sharciga Baaragraafka 4 aad. Qaabka loo marayo la wareegida hantida gaar ahaaneed waana mid ku tilmaaman Qodobka 28 aad . Dastuurka J.D.S iyo xeerka taariikhdiisu tahay (28/05/1955). Qof mulkiyad rasmi ah laga qaadayo lalana wareegayo hantideeda waxay xaq u leedahay in la wargeliyo muddo 30 maalmood ah siduu tilmaamayo Qodobka 17aad Baaragraafkiisa 4aad.

Ugu danbeestii waxaan leeyahay Madaxda ugu sareeyso wadan waa in arinkaan baaritaan lagu sameeyo waxaan filayaa in wax badan saxmayaan hadii dhacdadaan gudi madax banaan loo diro laakin hadii lafududesto ogaada wax badan in ay ku hoos qarsan yihiin mitaas oo ah in Ganacsato farabadan arinkaa ku bixiyeen malaayiin doolar hadii baaritaan lagu sameeyo waxaa soo baxayo mas-uliyiin badan uguna horeeyso wasaarada Arimaha gudaha iyo Abniga. Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka .Gobolka Banaadir midaana waxaan u iri arinka wuxuu u dhacay si afduub ah wayoo shacabka hantidooda laburburiyay lamasiinin warqad ka timid MAXKAMED si ay rafcaan ugu qaataan waa hadii amarka maxkamed uu kayimid hadii wasaarada Arimaha Gudaha iyo Abniga soo amartay waa in Wasiirka baritaan lagu sameeyo in uu afduubka wax ka ogaa waxaana hadalkeyga ku soo gunaanadayaa hadii cadaalad la helin waxaa soo labanayo cadaaladaradii 1969 ilaa 2013
waxaana kula talinayaa dhamaan mas.uliyiinata ugu sareeyo in la hakiyo bixinta dhulalka iyo burburinta ka socoto Magaalada Xamar inta laga helaayo garsoor sugan oo leh raad raac waa mida kaliya cadaalada lagu gaari karo.
Haddii arrintaan aan si deg-deg ah wax looga qaban waxaa dhici doonta in caddaalad darradi xilligii kacaanka ay soo noqon doonto, dadkuna ka aamin bixi doonaan dowladda.

Wabilaahi Towfiiq Qore A/ M Nur
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip