Magaalada Muqdisho waxaa maanta u billowday Banddow labo maalomood ah kaas oo inta badan hakad lagu geliyay dhaq dhaqaaqii dadka Magaalada.
Waxaa Saakay xiran gabi ahaanba Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho waxaana Wadooyinka la dhigay Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo loogu talagatay inay xaqiijiyaan Amniga.
Wadooyinka sida weyn u xiran ayaa waxaa ka mid ah Wadada 21-ka October ,Maka Al-Mukarrama,Wadnaha,30-ka iyo Wershadaha.
Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku dhawaaqay in Isniinta gelinka dambe ay xirmeyso Magaalada taas oo si rasmi ah u dhaqan gashay.
Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegtay in saacado ka mid ah maalinta Arbacada ah uu xirnaanayo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Wasaaradda Shaqada iyo shaqalaaha dowlada Federaalka ah ayaa ku dhawaaqday in labadaas maalin ee Talaadada iyo Arbacada la fasaxay shaqaalaha Dowladda.
Bandow Maanta Muqdisho Si Rasmi Ah Uga Dhaqangalay
Magaalada Muqdisho waxaa maanta u billowday Banddow labo maalomood ah kaas oo inta badan hakad lagu geliyay dhaq dhaqaaqii dadka Magaalada.