Mudduloodka Dhaqankiisa ilaawe dhabarkiisa Ma Eego

0
Sunday June 07, 2015 - 01:52:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudduloodka Dhaqankiisa ilaawe dhabarkiisa Ma Eego

    Ilaahay waxba ma dayaco, laakiin adoonkiisaa wax dayaca, hadda waxa ka socdo Somalia oo ah in hogaankii Muddulood oo aanan runta ku fadhin cid dooratayne eeyan jirin ahaana kuwii dacayay shacuubta Muddulood aay Xamar ku soo dhaweeyaan Ilaahaa Boqor a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaahay waxba ma dayaco, laakiin adoonkiisaa wax dayaca, hadda waxa ka socdo Somalia oo ah in hogaankii Muddulood oo aanan runta ku fadhin cid dooratayne eeyan jirin ahaana kuwii dacayay shacuubta Muddulood aay Xamar ku soo dhaweeyaan Ilaahaa Boqor ahe nin sheegta Boqorka daarood oo la og yahay in reerka uu Boqorka u yahay in aayan diyaar u aheeyn midnimo Somali kana biyo diidan dhismaha maamulada Galgaduud & Mudug iyo midka Jubbland in aay Somali wax isla yeelato halka aay ku dhaarteen in Federaalka noqdo mid isir-wadaag ah lagana gudbo Federaalka ku dhisnaa degaan sida lagu heshiiyay oo ahaa in Federaalka saldhig looga dhigay in lagu saleeyo 18 ka gobol ee dalka ka jirat ka hor 1991-


Iimamka & Ugaaska Muddulood ee maanta jira xalaal maaha cid duubatayne ma jirto balse waxeey qeeyb ka ahaayeen weliba la dhihi karo waxeey hormuud ka ahaayeen dulmiga iyo duliga ku habsaday maanta Muddulood,sidee u soo dhaweeyaan ninkii diiday wixi lagu heshiiyay ee ahaa in Federaalka degaameed ee uusan noqon mid qabiileed,haddii federaalka noqoday qabiil waxaa xaq ah in Muddulood diido Jubblaland iyo Koonf Galbeed maamulada loo dhisayo sabbabta oo ah shacuubta Muddulood waxeey xaq u leeyihiin in aay dadkooda aanan la kala qeeybin,runtii waxeey iloobeen in Wakhti kastoo is badelaa in uu weji cusub keenaa waxaa la wadaa in Somali cusub aay sameeysanto waxaa laga gudbay Jamhuuriyadii Dimoqoraadiga ee Somaliya waxaa loo gudbay Jamhuuriyada Federaalka Somaliya,Iimamka iyo Ugaaska iyo Malaaqa waxeey ahaayeen ragii ugu tunka weeynaa ee saxiixay heshiiska dhaqangelinta Federaalk ee ku dhisnaa degaan balse waxa hada socdaa waa ka duwan yihiin waxii lagu heshiiyay sidaasi darteed ninka aay Xamar ku soo dhaweeyeen reerka uu Boqorka u yahay ayaa diiday dhaqabgelinta heshiiskii 135 Odayada dhaqanka saxiiay,xagee u soconaa ???????

C/weli Gass iyo Axmed Madowe miyeeyna ogeeyn in lagu heshiiyay federaalk ku dhisan deegaanka saldhigna looga dhigay 18 kii gobol ee Somaliya dhisnaa 1991 kaas oo dhahaya in laba gobol iyo waxii ka badan ayaa noqon karan dowlad ama maamul goboleed,waxaan dhihi lahaa Hogaan Muddulood oo xalaal ah waa in la duubaa sida ugu dhaqsiyaha badan sabbabta oo ah waxa umada ku soo socda burbur xoog leh inta kuwa aan xalaasha aheeyn joogaan shacuubta Muddulood hog dheer ayeey ka dhacaayaan xaqiiqdii Ilaahow naga qabo!

Hanbalyo Malaaqa xalaasha ah waxaan leenayahy adigaa reerka ka xalaal ah ee kuwa kale xalaaleey oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuul sidii umada muddulood u heli laheeyd hogaan dhaqan oo xalaal ah.

Isu bogge aan is arko !

 

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip