Madaxweynaha"Waxaan Rabaa Inaan Ummadda U Sheego In Isbedel Dhicidoono Saacadaha Soo Socda"

0
Saturday May 24, 2014 - 22:40:02 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha"Waxaan Rabaa Inaan Ummadda U Sheego In Isbedel Dhicidoono Saacadaha Soo Socda"

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay askartii iyo shacabkii ku geeriyootay weerarkii argagixisadu maanta kusoo qaadday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay askartii iyo shacabkii ku geeriyootay weerarkii argagixisadu maanta kusoo qaadday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Madaxweyne oo wareysi siiyay Radio Muqdisho isagoo ku sugan dalka South Africa ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay ciidamadii ku geeriyootay iyagoo difaacaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

"Dhalinyaradii shuhadada ahaa ee geesiyada ahaa ee maanta u geeriyootay iyagoo daafacaya sharafta ummadda iyo hey’ada qaran ee Baarlamanka ayaan tacsi u dirayaa ehelkoodi, iyo ciidamadi ay ka geeriyoodeen, geesinimada uu muujiyay Kabtan Daahir Gurxan Maxamuud oo hor istaagay baabuurkii Qarxayay waxey tilmaameeysa dhiiranaanta iyo geesinimada ciidamada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab ay doonayaan iney dhantaalaan dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray ineysan niyadjebineynin falalka argagixiso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhacdadi maanta iyo kuwii ka horeeyaba ay dowlada Soomaaliya wax ka baraneyso.

"waxaan rabaa umadda Soomaaliyeed inaan u sheego ineey kalsooni buuxda ku qabaan dowladooda iyo ciidamadoodaba, xiligaano kale oo la dhibanyahay waa xiliga isku duubnaan iyo midnimo loo baahanyahay, waa xilliga cadowgu kaga faa’ideysto inuu keeno wax umadu ku kala qeybsami karaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxwenaha.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in saacadaha soo socda uu dhici doono isbedel, isagoo tilmaamay in talaabooyin cad cad ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta dalka.

"Waxaa kaloon rabaa inaan caawa umada Soomaaliyeed u sheego in saacadaha soo socda isbedel dhacayo kaaso bilow ah kuwo kaloo farabadana ay kusoo xigi doonaan, talaabo cad ayaa msa’uuliyiinta dalku ay qaadi doonaan, waxaana u bahaanahay xilligan midnimo iyo isku duubnaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in uu soo qaabiyay safarka uu ku joogay dalka South Africa, isagoo rajeeyay in beri aroorta hore uu soo gaaro Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadkii ku dhawacmay falki maanta ay dowladu u fidin doonto gurmad caafimaad oo deg deg ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip