Madaxweyne Xasan''Waa naga go'an tahay inaan burburino kooxahan sharta ah ee diinta ka been sheegaya,,

0
Saturday March 28, 2015 - 08:02:59 in Wararka by
  • Visits: 2197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan''Waa naga go'an tahay inaan burburino kooxahan sharta ah ee diinta ka been sheegaya,,

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh MAxamuud, ayaa faray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya inay muujiyaan taxadar badan oo dhanka ammaanka ku saabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh MAxamuud, ayaa faray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya inay muujiyaan taxadar badan oo dhanka ammaanka ku saabsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale faray ciidammada amniga inay si adag u suggaan amniga hoteelada, xarrumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah, si looga hortaggo weeraro kale oo cadowga ku waxyeeleynayo shacabka.

Madaxweynaha waxa uu yiri ‘’Waa naga go’an tahay inaan burburino kooxahan sharta ah ee diinta ka been sheegaya ee sii baaba’aya, waxaana shacabka ugu baaqayaa inay gacan ka geystaan dhameystirka hawsha aan ku ciribtireyno cadowga.”

 
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Shabaab ay yihiin koox naf lacaari ah sida uu yiri, islamarkaana ay doonayaan inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kooxda Shabaab ayaa qabsatay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho shalay galab, kadib weerar abaabulan oo ay ku qaadeen, welina rasaas ayaa ka dhaceysa Hoteelka.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip