Madaxweyne Xasan''''Dib u heshiisiinta waa inaaney halkan ku joogsan

0
Friday April 10, 2015 - 10:47:16 in Wararka by
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan''''Dib u heshiisiinta waa inaaney halkan ku joogsan

    10 April 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib marki uu booqasho laba maalmood ah ku tegey magaalada Dhuusamareeb ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10 April 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib marki uu booqasho laba maalmood ah ku tegey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.
Madaxweynaha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxaa uu kulamo isdaba joog ah la yeeshey hoggaamiyeyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ururrada bulshada iyo shacabka intaba.

Madaxweynuhu waxaa uu qeybahaasi kala duwan ee uu la kulmey kula dardaarmey inay xoojiyaan dadaalka dib u heshiisiinta oo uu sheegay inuu muhiim u yahay dib u dhiska iyo mustaqbal wanaagsan oo Soomaaliya ay hesho.

‘’Dib u heshiisiinta waa inaaney halkan ku joogsan, ee waa in la joogteeyaa, si loo adkeeyo midnimada dadka. Dowladda iyo hay’adaha kale ee waddanka ka jira diyaar bay u yihiin inay idin la shaqeeyaan, isla markaana idin fidiyaan taageerada aad u baahan tihiin.’’


Madaxweynayha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqey in 11 bisha April, magaalada Cadaado uu ka furmi doono shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, isla markaana magaalada Dhuusamareeb noqon doonto caasimadda maamulka cusub ee gobollada dhexe.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha soo xirey shirkii dib u heshiisiinta ee beelaha dega gobollada Mudug iyo Galguduud uga socdey magaalada Dhuusamareeb.
-DHAMMAAD-

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip