Xog hoose''Muungaab oo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Isbedel ku sameeynaayo

0
Tuesday June 09, 2015 - 10:40:27 in Wararka by
  • Visits: 1466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog hoose''Muungaab oo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Isbedel ku sameeynaayo

    Warar hoose oo naga soo gaarayo dhanka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka uu damacsan yahay isku shaandheyn lagu sameynayo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose oo naga soo gaarayo dhanka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka uu damacsan yahay isku shaandheyn lagu sameynayo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Xogtu waxa ay tibaaxeysaa inay diyaarsan tahay Wareegtada Isku shaandheynta taasi oo suuragalin doonta in inta badan Gudoomiyayaasha leysku qaso kadib markii ay soo ifbaxday shaqo xumi laguu dhaliilay qaar kamid ah Gudoomiyayaasha oo iyagu kursiga ku qanacsan.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Gudoomiyayaasha qaar ay wareegtadaasi ku weyn doonaan xilka ay iminka u hayaan Qaranka.

Qaar kamid ah Gudoomiyayaasha ayaa lagu wadaa in isbedelkooda uu u dhaco sida soo socta:

1-Gudoomiyha degmada Kaaraan Axmed Xassan Yalaxoow, waxaa loo badalay degmada Shangaani.

2-Gudoomiyaha Shibis Cabdifitax Nuur cali, waxaa loo badalay degmada Kaaraan.

3-Axmed Muumin, Gudoomiyaha degmada Waabari waxaa loo badalay degmada Shibis.

4- Axmed Nuur Cabdi siyaad oo ah Gudoomiyaha Howlwadaag waxaa loo bedeli doona Dayniile.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa lagu wadaa inuu xilka ka qaadidoono tiro Gudoomiyayaal ah, iyadoona bedelkooda Degmooyinka laga qaado ay kasoo muuqan doonaan beelo aan looga baran sida Beelaha Dir, Raxweyn iyo Daarood.

Lama oga sababta ka dambeysay qorshahaani balse warar hoose ayaa tibaaxayo inuu ka dambeeyay Wasiirka arrimaha Gudaha Odawaa.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip