Gudoomiyayaasha Haweynka Qaranka & kan gobolka oo booqday Degmada Warsheekh (Sawiro)

0
Monday September 21, 2015 - 11:49:28 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 2668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyayaasha Haweynka Qaranka & kan gobolka oo booqday Degmada Warsheekh (Sawiro)

    Wafdi balaaran oo ee horkacayeen gudoomiyaha Haweynka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale iyo gudoomiyaha Haweynka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Barqab ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada xeebta ah ee Warsheekh gobolk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi balaaran oo ee horkacayeen gudoomiyaha Haweynka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale iyo gudoomiyaha Haweynka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Barqab ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada xeebta ah ee Warsheekh gobolka Shabeelada Dhexe.

Wafdigaani oo sidoo kale ee kamid ahaayeen qurba joog kasoo jeeda degmada Warsheekh ahna ciyaaryahanada qaranka Soomaaliyeed ee kubada kolayga Baarliin Cadaawe ayaa waxa si diiran ugu soo dhaweeyay degmada qeybaha kala gedisan ee bulshada reer Warsheekh oo uu horkacayo maamulka Degmada.

Is wareysi kadib ayaa waxa wafdiga lagu soo wareejiyay dhamaan xaafadaha kala gedisan ee degmada iyadoo ugu dambeentina martiqaad heer sare ah loogu sameeyay Xeebta neecowda qabow ee degmada Warsheekh.

Martiqaadka kadib ayaa wafdiga waxey kulamo gaar gaar ah la qaateen qeybaha kala gedisan ee dadka reer Warsheekh iyadoo ugu dambeentina si wada jir ah saxaafada ula hadlay gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane, Coll: Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo gudoomiyaha Haweynka Qaranka Soomaaliyeed mudane Batuulo Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha haweynka gobolka Banaadir Mudane Jawaahir Barqab.

Kulanka ayaa kusoo gaba gaboobay jawi qurux badan oo ee laga dheehan karay martisoorka wanaagsan ee reer Warsheekh.

Tan iyo marki xilka degmada Warsheekh ee la wareegeen maamulka cusub ee degmada mudane Axmed Shiidka ayaa waxa laga dheehan karaa degmada is badalo xoogan iyadoo sidoo kalena ee si isdaba joog ah ee usoo gaarayaan mas’uuliyiin iyo hay’ado dhamaan dano ka heesa dibu dhiska degmada iyo wax uqabashada dadka kunool degmada.


Warsheekh. Gobolka Shabeelada Dhexe.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip