Shacabka kunool Degmooyinka Warsheekh, Cadale iyo Balcad oo soo dhaweeyay in heer Degmo lagu saleeyo doorashada 2016.da ee Soomaaliya.

0
Saturday December 26, 2015 - 20:44:39 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka kunool Degmooyinka Warsheekh, Cadale iyo Balcad oo soo dhaweeyay in heer Degmo lagu saleeyo doorashada 2016.da ee Soomaaliya.

    Waxa wili dood adag ka taagan tahay hanaanka lagu saleen lahaa doorashada lagu wado in sanadka 2016.da lagu soo doorto madaxda badali laheed hogaamiyayaasha dowlada iminka talada heesa ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa wili dood adag ka taagan tahay hanaanka lagu saleen lahaa doorashada lagu wado in sanadka 2016.da lagu soo doorto madaxda badali laheed hogaamiyayaasha dowlada iminka talada heesa ee Soomaaliya.

Shacabka kunool degmooyinka Warsheekh, Cadale iyo Balcad ayaa si iskugu mid ah marki ugu horeysay waxey codkooda ku ayideen in doorashada 2016, lagu soo xulo heer degmo, iyagoo tilmaamay iney tahay soo xulida heer degmo kan ugu cadaalad dhow dadka soomaaliyeedna ee ku kalsoonaan doonaan.

Hadaba shabakada Warsheekh xafiiskeeda gobolka Shabeelada dhexe oo sameesay cod uruurin ayeey ku ogaatay in dadka deegaanka ee si weyn utaageersan yihiin in heer degmo lagu saleeyo doorashada dowlada dhexe ee Soomaaliya .

’Waxa dooneenaa in madaxdeena ee nala gartaan halka uu jiro rabitaanka Shacabka oo ah in heer degmo wax lagu soo doorto, waayo nidaam ku dhisan cadaalo daro waa kasoo daalnay waxana ubaahanahay inaan helno mudanayaal ku yimaado si cadaalad ah oo matali karo deegaanadi laga soo doortay’, ayeey tiri Hooyo Soomaaliyeed oo la hadashay Shabakada Warsheekh inta aan ku guda jirnay barnaamijkeena qiimeenta guuxa shacabka kunool deegaanadaani.

Guuxa Shacabka reer Warsheekh, Cadale iyo Balcad ayaa waxa sidoo kale ku wehliya inta badan shacabka kunool gobolada dalka kuwaasi oo iyagana intooda badan u codeeyay in doorashada soo socota lagu saleeyo hanaan degmo, iyagoo aamisan in mudanihi lagu soo doorto nidaamkani uu uhanan karo codka deegaanada uu matalo isla markaana uu ka tarjumi karo shacabki codkooda siiyay .

Hadaba aqristoo nala wadaag aragtidaada ku aadan, hanaankee jeclaan laheed in lagu saleeyo doorashada 2016.da ee Dalka Soomaaliya.?.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip